Cabdillaahi Suldaan Maxamed, Timacadde, waxaa uu 1920 ku dhashay Galoolay, Gebiley. Keligii ayaa hooyadii dhashay, oo curradna waa uu u ahaa Aabbihii. Isla degmadaa uu ku dhashay oo ay beer ku lahaayeen ayaa uu dugsi Qur’aan ka bilaabay. Maaddaama aanu ciyaaraha ka maqnaan jirin magacan Timacadde waa ka u baxay. Isaga oo aan tii dhammaysan ayaa uu baaq ina-adeerkii, Dugsiiye oo ciidanka Talyaaniga ku jiray, uga yimi ku tegey Adari iyo Diridhaba. Laba nin oo ay ilma-adeer yihiin ayaa ay isku sii lug darsadeen, waana ay gaadheen aaggii ay u socdeen. Markan waxaa Cabdillaahi la geliyay malcaamad kale oo uu diinta iyo ku barto Qur’aanka. Waxa uu Adari ka bilaabay ka-shaqaynta meherad adeerkii lahaa. Waa meesha ay ugu imanayso gabadhada Qotiyadda ahi. Waa haweenay haasaawa-doon ah, balse foox-doon iska dhigaysa. Daandaansi waa tii ku soo gashay Cabdillaahi. Timacadde waa kii isku difaacay meerisyadan:
Fajac baan arkoo malaha waa la igu kaa falay e,
Foox-doon haddaad tahay dukaan furan ma waydeen e,
Maxaa faras magaalaha ku dhigay fiidka laga hoyday?!
Sida uu Cabdiraxmaan-boobe qabo, inahaasi waa wax maanso sheegta intii u horraysay ee afka Timacadde laga hayo. Waa 1936.
Ina-adeerkiina waxa uu raacay ciidankiisii oo Timacadde waxa uu kaga tegey arladii, balse wax yar uun ka dib ayaa uu magaalada Jimmi uga soo diray farriin xambaarsanayd in Cabdillaahi soo baxo, si uu Timacadde ugu biro ciidankii “Bataltanka” ee Talyaaniga.
Waa 1940-kii. Waa Jabbuuti. Waxa ay isbarteen Barni Jimcaale. Jacayl intii ku jirtayba iyada ayaa uu u daray! Waa gabadha kaga yeedhsiisay,
Barni ina Jimcaalaan helee, saw bar dahab maaha!
Aakhirka waa kii aqalgalay. 1947. Gabadh Maryan loo baxshay ayaa ay kala heleen. Waa mar kale iyo 1950. Taws iyo ildarnaan ka soo kaxaysay Jabbuuti waxa ugu darsamay sanboor siyaasadeed oo daaray. Waxa uu ku soo noqday Galoolay. Waa bartan meesha uu ku guursanayo xaaskiisa labaad ee afarta ubad, (hal wiil iyo saddex hablood) ay kala dhalayaan. Waa Ardo.
Dabaysha gobbonimadoonka ah ayaa sidatay Timacadde marka uu SNL ku biirayay ee uu misana Hargeysa u soo guurayay si uu uga agdhawaado dheriga xornimada lagu karinayo! Ha u malayn in uu gobonnimada Soomaalida uun isha ku hayay e ta Afrika oo idil waa uu la qoobwadaagi jiray. Dilkii 1961 loo geystay Baatris Lamumba, gobonnimadoonkii Koongo, ayaa aynu arkaynaa isaga oo Timacadde ka murugoonaya. Inta uu gabay ku taxo hantaaqada gumaystuhu ugu filan yahay waddamada uu gacanta ku dhigay ayaa uu ku soo darayaa,
Geesiga Madaw uma oggola guusha reer Yurub e,
Geerida Lamuumbaa wadnuhu noo “gig” leeyahay e,
Geyigiisii goortuu qabtuu gees isugu leexshay,
“Ka guura” goortuu yidhaa geeddan loo xidhay e.
Iminka waa wixii ka danbeeyay lixdankii. Waxa uu markan u ruqaansaday xisbigii SDU, ama dheh Calan Casta. Sanboorkii siyaasadeed ee Timacadde qabtay iyo quud-darrayntii uu naawilayay gobonnimadu waxa ay soo rifmaysay maalinba maalinta ka danbaysa. Waa tan la soo gaadhay 1969. Waa doorasho. Timacadde waa uu iska diiday in uu ku sii dhex jiro qulqulkii qiirada. Waa uu ka hadhay in uu qayb ka ahaado doorashada. Mise toloow! doorashaba uma uu aqoonsanayn!
Karaarkaasi waxa uu soo jababa waxa la gaadhay heer uu is-hayn kari waayo oo uu ku maansoodo,
Sagaalkii sannadood
Sifo daulad u eegiyo,
Siyaabaad u malaysiyo;
Sawirkeedba ma oollin e,
Callanku wayska sudhnaa!
Sagaalkaa sannadood ee uu sheegayaana waa 1960 – 1969. Waa xilligii ay talada hayeen wax lagu tilmaamay “Dawlado Rayid ah.” Quustaa isaga oo taagan ayaa Timacadde iyo bulshada Soomaalida ahiba ku warheshay Nidaamkii Askarta oo dalka la wareegay goor aan habeen ahayn, maalinna ahayn. Waa Afgenbigii Oct. 21, 1969. Timacadde waxa uu u horreeyay dadka Afgenbigaasi soo bakhti-afuufay yididdiiladoodii ay siyaasadda iyo wacnaanta Soomaalida ka qabeen. Mar keli ah ayaa la arkay oday Timacadde oo muusoonaya oo tirinaya,
Run haddaan ku hadlaynno,
Rabbigeen ka baqaynno;
Raggiinan aarmiga haysta,
Mar in aad rogataan,
Annagu waannu rabnoo,
Idinkaa naga raagayee,
…
Distoorkii run-ma-gaadhba,
Haddii aad rafacdeen;
U garaaca rabaabka oo,
Annana waydinku raacnay e!
Waxa uu Timacadde raadiyay ammaan la huwin karo Afgenigii Aktoobar. Waa uu soo helay. “Dhiig kuma daadan,” ayaa ay noqotay. Oo yuu barbardhigay? Afrikada kale kuwii ka dhacay. Oo muxuu yidhi? Geeraar “Hawaare” la baxay oo ay ku jirtay,
Afrikaankan kaleeto,
Haddii lays inqilaabo,
Rag uu haadku ku leefiyo,
Hagardaamo ma waayoo,
Rabbi waynaga haayayoo,
Keennani waa hadyadoo,
Waa hillaac Rabbi keenayo,
Hogol weeye daroortoo!
Markan waxa uu Timacadde ku dhiirrigelinayaa Askartii Afgenbiga samaysay in ay ciddii “horumarkaa” ka hor timaadda kurka jaraan! Waa ay la durugtay ayaa la odhan karaa odayga markan uu leeyahay,
Sarreeyoow Madaxweynow,
Guddidiina sarreeto,
Saddexdii magac Eebbiyo,
Sifihii lagu dhaartiyo,
Ninkii seega dariiqa e,
Isukeen sogobaaya e,
Gumayste u sanqanaaya e,
Dhiiggeedaa subag mooda;
Saqajaan ha ku quusto e,
Ha la waayo surkiisa!
Khalkhalkaa siyaasadeed ninkaa uu ku dhacay waa ninka lixdankii wacdaraha dhigay. Innagu celi June 26, 1960. Hargeysa ina keen. Waa habeenkii calansaarka. Waa laga siman yahay in la wada muusoonayo, balse in la maansoonayo lagama sinna. Dadka labadaba isku darsaday ayaa uu Timacadde ku jiray. Geeraarka caanka ah ee “Kanna Saar,” waa ka meesha ka tiriyay.
Sidii caadada u ahayd ayaa uu Timacadde qaybaha hore ee geeraarka naftiisa iyo xidhiidhka uu gabayga la leeyahay ku sharxayaa. Waxa uu ka bilaabayaa,
Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee.
Waxa uu Timacadde ku xigsiinaa tookh aan toox weynayn iyo duco uu Alle ku tuugayo. Waa marka uu leeyahay,
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay I su’aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax.
Iminka waxa uu u gelayaa calanka iyo sifayntiisii. Aan idiin kala baxo.
Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye
Xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow Ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar!
Saahidiinta lslaamka e Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku Calankay saadinayeenow
Cidina kaanay na siin e Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow Ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar!
Sallaankii istiqaalkow Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow Ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar!
San-ku-neefle dhammaantii Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayn e Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow Ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar!
Soomaloo iscunaysa oo Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weyde Kii laydhiisu na saaqdayow
Kii sadqeeyey qabaa’ile Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow Ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar!
In sidayda tihiin iyo In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow Ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar!
Nimankii na siraayaye Waaxwaax noo kala saaftaye
Solanaayey cadkeenna e Innagoo dhexda suunku
Sabarkeenna qarqooray Kii sedkeenna cunaayaye
Sarartiisa ka muuqdaye Surwaalkii ka yaraadaye
Daaro loo sibidheeyiyo Sariiraa lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo Mid baabuurka safeeyiyo
Aayad saarta carruuurtiyo Sagaal boy iyo kuug iyo
Weliba seeksa lahaa Kii saabaanka u laabayow
Saaxirkii kala gaurraye Sarreeyow Ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar!
Saujarkaa hubka qaataye Intuu soodhka ku taagey
U diyaara salaantiyo Saraakiisha amraysaay
Sifihii isticmaarka Ka siyaadiya maanta oo
Sibilkiinnan ag joogow Sibirtiisa istaaga oo
Nin walbaan sigib beeloo Sarow taaga gacmaa oo
Sacabkaysku garaaca oo Nin walbow saddex goor
“Subxaanow waa mahaddaa” dheh.
Marka aad akhrido geeraarka waxa aad si hoose isu wayddiisaa waxa Timacadde uu ka wado marka uu leeyahay “an siduu yahay eegno e.” Toloow! ma waxa calankuba ahaa tijaabo hadda uun la eegayayo sida uu bal u eg yahay? Mise waxa uu ka wadaa in calanku yahay wax aan la sii qiyaasi karin sida uu yahay oo loo hammuun qabo in la arko? Mise…? Mar kale iswayddii akhriste, maxaa ku keenay Timacaddaha sidaa ula dhacsanaa calanku in uu haddana mar kale iyo meel kale ka yidhaahdo, “calanku wayska sudhnaa?”
***
Iminka waa kan Timacadde oo dhulyaal ahi. Waa bukaan. Cunaha cudurka kaga dhacay ee sababi doona waa ka keenay in ilaa Keeniya loo diro. Waa ka keenay in lagala soo quusto oo lagu soo celiyo Galoolay iyo aqalkii Ardo Qalinle Cige, xaaskiisii. Sannad ka hor geeridiisa ayaa la geeyay Kala-baydh. Weli waa bukaan. Waa barta uu ku geeriyooda 1973. Xilli aroor ah oo bisha labaad ee 1973 tahay 7 ayaa Gebilay la keenay meydka Timacadde. Waa halka lagu aasay. Alle ha u naxariisto.