Home / Buug / Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 9

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 9

DHAAWACII IYO DHIIGKAFUQII CALIMAAX

In kastoo la yiri Calimaax waa geeriyoodey, ciidankiisiina sidaas ku tiriyeen markii la waayey, raggii ugu war dambeeyeyna oo ay goobtii Gurifaras ka wada dagaalamayeen sheegeen in rasaasi ku dhacday oo uu dhaawac ahaa markii ugu aragti dambaysey.

Hase ahaatee, Calimaax ma dhiman wuxuuna nasiib ku lahaa in kastoo la dhaawacay rasaastii kagama dhicin meela halisa, ee waxay kaga dhacday garabka bidix hoostiisa iyo bawdada, isla barbarkaas ah oo kala jabtey.

Waxaa dhacday inuu dhabibey oo aad u dhiig baxay, waxaana dhacday in koox ka mid ah colkay Daraawiishta dagaallamayeen ay dul yimaaddeen oo nin ka midihi isku dayey inuu warmeeyo, waxse ka hor joogsadey mid kale oo ku yiri “ar nacallaa kugu yaalle raga lama bakhti wareemo hadday geeriyoodaan ee ninka dhaaf.” Halkaasaa looga tegey meyd ahaan isagoo miyir la oo taag daran dhiigiina ka soconaayo. Gooray haddaba cawaysin tahay ayuu intuu soo miyiraabey maqlay waraabihii maydkii agihiisa cunaayey cidiisii iyo faraxadiisii, halkaasuu intuu go’iisii kala goostay bawdada ku xirtay oo u guurguurtey geed Dhamasa ah hoostiis. Markuu geedkii galay buu tooreydiisii la soo baxay oo midigta ku qabsaday si uu haddii waraabuhu ama bahaluhu kuwo kasta ha ahaadee soo weeraraan iskaga celiyo, waayo buntukhiisii maara gaabka waa laga furtay, hadduu haysan lahaana waxba kuma ridi kareen gudcurkii iyo gacanta midig keli ahaanteeda aawadood.

Intay fiidaddawgii hore ahayd ma baqayn, laakiinse waxaa cabsi iyo baqdin gashay markii, dhidarkii, weerkii, shabeelkii, waraabihii, iyo habar dugaag oo dhammi hareerihiisa isku eryoodeen oo kala gurxameen marmarna intay iyagoo is baacsanaaya ag yimaaddaan dhereg daraaddeedna hadba codad kala jaad ah iyo mashxarad ku dhifteen. Isagoo sidii geedkii ugu jira ayaa waagii ugu beryey, markaasuu si fiican isu eegay meeluhuu ka dhaawacmay, kuwaasoo uu arkay inay yihiin garabka bidix hoostiisa iyo lugta la barbar ah oo bawdada ka kala jaban.

Halkaasuu qori Dhosoq ah kala jabsaday oo go’iisii sare laba u kala jeexay oo labadii jab oo qoriga midna hoos mariyey kii kalena dul mariyey bawdadii jabtay oo ku duubay jeexii marada. Dhiig baxii uu dhiig baxay maalintii la dhaawacay waxaa ugu biiray oo ugu darsamay gaajo, harraad, cidla, ciirsi la’aan iyo wakhtigoo aad u kululaa oo kaliil hogad horraantiisa ahaa.

Haddaba, goor uu liito oo uu yahay tii u dambaysey ayaa Ilaahay abbaara afartii saac ee galabnimo xaggiisa hogol dul hojey. Halkaasuu bartii roobkaa isu dhigay, markii roobkii qaadayna uu u guurguurtey iliil biyo marayeen oo ka cabbay kuna mayrtay dharkiisii, dhiigiina intii ku qalashay iskaga rogey. Intaan roobkaasi u di’in ka hor wuxuu ku jirey halis oo waaguna nolol uguma beryeen.

Galabtii markii roobku u da’ay oo uu aad u nafisey ka dib ayuu gaajo iyo baahi dartood intii geedaha geed hoose ahayd ee mirohooda la cuni jirey mirasytay, qaarkoodna in kastay qaraar dhadhamaayeen caleentoodii cunay. Intaan gabbalkii dhicin, habeenkiisii labaad oo uu dhaawaca ahaa ayaa waxaa uu muuqatay in geedkuu habeenkii hore galay meel halisa ku yaallo markaasuu hoos tegey geed kale oo meel in yar ka korraysa kii hore ku yaalla.

Bacdamaa habeenkii hore nabaradu caradhaban ahaayeen xanuun iyo kaar badan laguma qaban, hase ahaatee habeenkii labaad ayaa kaarkoodii ku soo baxay oo uu laba indhood isu keeni waayey ilaa habeenkii saddex dalooloo laba dalool tagtay. Sidii habeenkii hore si le’eg ayaa habeen labaadkiina habar dugaad wixii Cal joogey oo dhammi isugu habar wacdeen, oo uu mararka qaarkood codadkoodii iyo cidoodii kala kasi waayey jaadadkay ahaayeen. Wuxuu keliyoo ka gartay codkii libaaxa, shabeelka, waraabaha iyo dhidarka inay ka mid ahaayeen habar dugaagga meesha isugu yimid.

Haddii waagii u beryey maalin labaaddii goor barqa ahna ay tahay uuna iska ladan yahay, gaajose hayso ayaa waxay ishiisu ku dhacday hal sagaara ah oo geed agtiisa ah caleemaysanaysa. Halkaasaa waxaa u muuqatay sida keliya oo uu sahal iyo dhuuni ku helayaa inay tahay sagaaradaasoo uu dabto. Markaasuu saddex geed oo caleen iyo daaq fiican leh kuna dhowaa kay daaqaysey mid walba intuu uuba ka hoos qoday laan dayr u dhigay oo markaas in yar ka durkay.

Gooray cabbaar ka dambaysey markuu dabinada dhigay ayuu isweydiiyoo yiri “haddii Ilaahay waa karaaye uu kuu dabo hal atoora ah bal maxaad ku bislaynsan? Markaasuu intuu isla faqay isugu jawaabay waxay ka dhigan tahay quud aan jirin qoryo u guro, horta ha gasho talo waad heliye.”

In ku qiyaasan hal saac ka dib markuu dabinada dhigay ayu wuxuu xaggoodii ka maqlay wis-wis-wis-wis! Oo jalleeciddii uu aaminkiiba jalleeccay arkay hal sagaar ah oo dabinadii midkood ku rafanaysa. Halkaasuu isagoo dhutinaaya oo boodaalaysanaaya, kilkilada bidixna qori ugu jiro intii kartaankiisu ahaa degdeg u rooray oo qabtay sagaaradii dabinka gashay, wuxuuna ahaa hal atoora oo aad u shilis. Markaasuu markiiba intuu jahada u jeediyey bisinka u qabtay oo bireeyey.

Haddaba markuu gawracay oo qalay hilibkiina kala dhigay ayey ku caddaatay suu yeeli lahaa, inuu ceedhiinka hilibka ku cuno iyo inuu bisleeyo, si kastaba haw bisleeyee.

Isagoo haddaba, Calimaax ahaa nin yaraantiisii geel jire iyo bulsho fardood ku soo koray, ayuu dib u xusuustay waaya aragnimadiisii oo ahayd hadday mindi waayaan geel jiruhu inay dhagax Dhuxunka ah kala jebin jireen oo markaas kala jabka xanaftiisa ku gawrici jireen nirgaha iyo awrta Afkuxuublaha ah.

Iyadoo misana sida la og yahay Soomaalidu la tashato suugaanteeda iyo murtideeda markay xaajo qaraaraato ama murugto, ayaa waxaa maankiisa ku soo dhacay markuu aad uga fekeray siduu dab u heli lahaa maahmaahdan ah “nabad doon iyo cuqaal iyo culimo u dir haddaad ku wedyo waran caaraddii waa lagama maarmaan, dab doon oo aroos iyo aqal umuleed ka day haddaad ka weydo madagi waa lagama maarmaan.”

Xusuustaa uu xusuustay madagta ayuu hareerihiisa ka daydeyey dhirta madagta lagala baxo oy ka mid yihiin Dhaloosha, Dhicirta iyo Mareerka. Haddaba, nasiib wanaag waxaa dhacday inuu ammankiiba geed afar tallaabo u jira oo Mareer ah helay oo ka soo goostay laan qallalan oo uu madagta kala baxo.

Iyadoo haddaba, sida la ogyahay uu bawdo ka jabnaa madagtuna marka dab lagala baxaayo ay u baahan tahay in labada dacal ee qoriga hoos loogu qabto labada lugood, ayuu wuxuu soo qaatay dhagax weyn oo dacal ka saaray qorigii, dacalkii kalena lugtiisii midig ku adkeeyey. In yar dabadeedna wuxuu kaga soo tuuray madagtii dhuxulo ololaaya. Halkaasuu hilibkii atoorkii shishlaa dhamaca saaray oo luqmaddii u horraysey muddo lix iyo soddon saacadood ah ku dhadhamiyey. Waxaa jirtey inuu dhuuni qabatoobey oo wax badan hilibkii ka cuni waayey, hase ahaatee intuu wada bisleeyey buu intii hartay qori ku taxday oo geedkiisii la hoos tegey.

Galabtaas wuxuu ka carraabay geedkuu hore ugu hoyan jirey, wuxuuna u degel rogtey god agtiisa ah oo uu yaraantiisii aqoon jirey.

Habeenkaas amminkiiba waa ga’may, laakiinse goor habeenkii saddex dalool oo laba dalool tegey ayuu wuxuu maqlay sanqar iyo wax shamshamax leh. Tooraydiisii xiiraaga ahayd ayuu intuu midigta ku qabsaday gacantiisii bidix oo dhaawac ahaydna go’iisii ku duubay si uu ugu tabaabulshaysto wax alla wixii soo weerara. Siduu ka werwer qabay in yar dabadeed ayaa wax ku soo booday shabeel dadyahan ah, haddaba, mar alla markuu ku soo booday oo uu ku habsaday ayuu gacantiisii bidix oy maraud ku duubnayd afka u geliyey tii kalena toorraydii kaga dhiftay halkaas haabka ah oo nuftu ka dhowdahay, oo intuu hoos ugu jeexay uurkujirtii amminkiiba ka soo ridey, isla mar ahaantiiba naftii baa shabeelkii ka baxday, isagoo aan wax badan Calimaax yeelin. Goortuu ogaaday inuu mayd yahay ayuu doc isaga tuuray isaga oo uurkujirtiisii ka soo daadatay oo dusha kaga dhacday.

In yar hadduu laba legdoonaayey oo hurdo haba yaraatee u iman weydey, ayuu wuxuu soo xusuustay qardhaastii gacantiisa bidix ku xirnayd. Qardhaastaasoo ahayd warqaaddii gabayada jacaylka ahi ku qorraayeen oo Cawrali u soo dirtay markuu Taleex joogey, dabadeedna uu quuri waayey murtidii ku qornayd macaankeedii oo uu markaas u dahaartay sidii qardhaaseed, gacantiisa bidixna ku xirtay si uu weligii u sito. Haddaba, qardhaastii buu ka soo furay gacantiisii bidix oo intuu is hor qabtay ma furine maanka ka akhriyey gabayadii oo tixahoodii aad u damqeen markuu isu eegay waxay ugu ballan qaadday iyo wuxuu cawadaas u baahnaa. Isla markaas wuxuu ka dhadhamiyey gabayadeedii mid ka mid ah oo ku soo dugaayey “aasadan caloosha igu hayn Caliyow yeelkaaha.” Inay guhaantay Cawrali. Markaasuu gabaygan tiriyey oo uu xagna jacalkuu u hayey Cawrala ku muujiyey, xagna siduu ugu baahnaa habeenkaas waxay ugu ballan qaadday, isla markaasna ku tusaaleeyey inay geeridiis xalaal tahay oo uu jannada mutaystay, oo shaki la’aanna gelaayo mar hadduu u geeriyoodey dalkiisa, dadkiisa, iyo diinta Islaamka isagoo u dagaallamaaya, wuxuu yiri:

Ciqaabtii adduunyada, hadday caasha kugu keento,

Naftu ceelyo weeyee, haddii lagugu caansiirsho,

War calaacalkiyo waydu, waa doqon catawgeede,

Mar haddaan caqiidadii Daraawiish, cudud ku taageeray,

Oo aan ku ciidamay dalkoo, cadaw ka weeteeyey,

Oo aan ku cayrsadey kufriga, badaha cawnkooda,

Oo aan caaramuuslaha la helay, caasi iyo tuuggag,

Ku cagaajey meel rabada iyom, calaha guudkooda,

Wallaanaan u ciil qabin, haddaan cawdan geeriyoodo,

Haddaan caafimaad helo, Ilaah cidihii ii geeyo,

Oo aan Cayn iyo Nugaal tagiyo cagidi Dhooddeeya,

Cis iyo waxaan helehayaa, caleemo lay saaro,

Haddiise waraabaha ciyayoo, caga juglaynaaya,

Iyo caarcaarlahii shabeeloo, Eebbe iga caynshey,

Iyo coofadhlaheer libaaxoo, camal higgoonaaya,

Intaasoo cartami bahala, oo cirifyaday joogta,

Iyo cuur kaloo weheliyoo, ila cawaynaaya,

Ee cunay raggii daadsanaa, cadayo hoostooda,

Haddii Eebbe calaf iiga dhigaan, cidiga soo gaarin,

Oy caara dhuubta miciyeed, cadiyo jiir goyso,

Haadkuna cubbeyada hartay, ciddi ku heeraansho,

Oo aan colaad iyo jahaad, carrigow geeryoodo,

Oo aan calanka Soomaaliyeed, caanyada u diiday,

Way cawiyo Ayaan, iyo jannada, carafka weyneyde,

War caawa calooshiyo qalbiga, cudur haya weyne,

Carrab laabka guhaankii ahaa, Caliyow yeelkaaha,

Waa kaa aan la cirinciirayaa ciirsi li’idaye,

Waxeer aan cabsideer ku jiroo caaro dhabanaayo,

Haddeeray i caawimi lahayd, canab la mooddiiye,

Allow yaa cidladaan fadhiyo Cawrala ii keena,

Waxeer aan sidii cood riya’a caleenta quudaayo,

Haddeeray igu cashaysiin lahayd codcodkii dayreede,

Allow yaa cidladaan fadhiyo, Cawrala ii keena,

Cishaheer hadday sarar cusbale igu cashaysiiso,

Oy cagaha ii duugto waa, gaari camalkeede,

Ciyoon baan u dhiigfuqi lahaa, caatadaan ahaye,

Allow yaa cidladaan fadhiyo, Cawrala ii keena,

Allow yaa cidladaan fadhiyo, Cawrala ii keena,

Allow yaa cidladaan fadhiyo, Cawrala ii keena,

 

Goortii qoraxdii soo baxday ayuu shabeelkii haraggii kala baxay oo xayrtiisii isku shafshafeeyey, hilibkiisii sagaaradana wax ka cunay oo biyo u doontay ceelkii roobku biyaha geliyey. Haddaba isagoo maalin tobnaadkii ceelkii ka cabbaaya oo haraggii shabeelka gashan, ayaa riyo meesha yiqiin oo doonaayey inay ka cabbaan ceelka isa soo dul taageen. Riyihii baa haddaba ka diday markay arkeen ninka meesha fadhiya. Gabar riyaha jirtey oo shan iyo toban jir ah, baa waxay mooddey inay riyuhu bahal arkeen oo ka soo dideen. Halkaasay ku roortay meeshii foolkooda ahaa oy ka soo laabteen. Waxay aragtay nin ceelkii biyaha fadhiya, oo gar weyn leh timuhuna aad ugu baxeen, qaarka sarena ka qaawan oo sansaan bahal leh, oo aad qaarka hoose shabeel mooddid.

Waxay kaloo aragtay inuu ninku siyeysanyahay oo dalanbaabiyaayo markuu istaago. Isaguna araggii uu arkay riyaha ayaa naf iyo nolol ugu horraysay, markay gabadhii u muuqatayna waa ku sii farxay oo wuxuu u holladay inuu xaggeedii u ordo, waase kari waayey. Wuxuu ku yiri gabartii “gabarey maxaad sheegtay? Hana iga biqine ii kaalay oo gacan i sii waxaan ahay nin dhaawac ahe.” Gabartii cabsi weyn baa ka gashay Calimaax siduu ahaa, markay eraygiisii u horreeyey maqashayna taftay qabsatay oo cagta rogtey, iyadoo riyihii cayrinaysa oo leh “ba’ay oo ba’ay kanu waa bahal! Ba’ay kanu way cunin, ee aan isakaga tago!” ilaa ay ka libirtay.

Calimaax wuxuu damcay inuu ka daba tago, hase ahaatee way u suura geli weydey, sababtoo ahayd waxay ka degtey dhul jarar oodan ah, ee uusan mari karayn. Halkaasuu ku niyad kacay isagoo iska laasimay cidladiisii aragtidii uu arkay gabartii, oo uu misana hanan waayey inay la hadasho oo gacan siiso ugana miciinto meeshuu fadhiyey darxumadeeda.


La Soco Qaybta 10d


Qaybtii 8d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *