Home / Tag Archives: buudi (page 2)

Tag Archives: buudi

Mamuu iyo Seyn 8: Fitnadii

Qaybtii Hore Adduunyadu, tan iyo markii tiirarkeeda la dhidbay waxay ahayd masrax lagu soo bandhigo muuqaallo iska hor jeeda oo is burinaya. Kuwani waa Habeen iyo Maalin, waa If & Mugdi; tani waa qorrax ifaysa iyo har baxay, tani waa xiriirin iyo goyn; tacsi iyo aroos, murugo iyo farxad; tanina ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 7: Arooskii

Qaybtii Hore Mar kale ayaan ku noqonaynaa bankii qasriga Amiirka. Waa galab ka duwan kii sheekadiisu inoo danbaysay. Muddo ayaa ka soo wareegtay nikaaxii Taajuddiin iyo Sitti. Taajuddiin wixii galabkii meherku dhacay ka danbeeyay wuu howllanaa. U diyaargarowga arooska iyo ururita baahiyihiisa ayuu ku mashquulay. Immikadan la joogaa waa casar ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 6: Jacaylka iyo Bishaarada

Qaybtii Hore Jacaylkii Inta aysan duqdii qasriga gaarin, aan uga hormarno. Degdeg aan u dhaqaaqno oo xaalka labada amiiradood aan soo ogaanno; Sitti iyo Seyn. Waa tii cajuusaddu ka soo tagtay iyada oo ballan ka soo qaadday. Wey sugayeen oo u dhur hayeen imaanshiyaheeda. Dhabtii, waxa ay duqda u sugayeen ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 5: Dhaqtarad Socdaal ah

Qaybtii Hore Duqdii, Haylaano, markii ay sheekha ka tagtay kuma laaban qasrigii amiirka. Waxa ay diyaar garow u gashay sidii ay ku noqon lahayd dhaqtarad. Maalmo badan ayay howlo xagga iyo xaggaba u kala wadday. Muuqaalkeeda guud iyo dhaqankeeda ayay wax badan ka doorrisay. Shaqo adag dabadeed waxa ay yeelatay ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 4: Duqdii Qasriga

Qaybtii Hore Inyar ayaan ka durkaynnaa wada sheekaysigii Mamuu iyo Taajuddiin. Qasrigii amiirka ayaan dib ugu noqonaynnaa. Xaalka Sitti iyo Seyn halka uu ku danbeeyay ayaan xog ka raadinaynnaa. Waa kuwii dib ugu noqday qasrigoodii. [Nasiibwanaag] waa tii ay u suurogashay iyaga oo aan la aqoonsan in ay qasriga gudaha ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 3: Sirta Labada Gabdhood

Qaybtii Hore Labadii gabdhood ee xaalkoodu yaabka lahaa sidii ay u muuqdeen ma ahayn gabdho! Laba wiil oo dhallinyaro ah oo labadooduba ka tirsanaa dadka ugu firfircoon shaqaalaha madaxtooyada Amiirka ayay ahaayeen. Midkood waxa uu ahaa Taajuddiin. Waa mid ka mid ah saddex wiil oo uu dhalay wasiirka koowaad ee ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 2: Ciidda Guga

Qaybtii hore Waa gabbaldhac, xilli ay dadku sii sagootinayaan 20kii Maarso ee ugu dambaysay diraacdii hore, si ay u soo dhaweeyaan guga cusub. Dhaqdhaqaaq kasta iyo shaqo walba oo ay dadku hayeen waxa ay yeelatay firfircooni aan hore u jirin; waayo? dadka oo dhammi waxa ay u diyaar garoobayaan sidii ...

Read More »

Mamuu iyo Seyn 1

Qalbi kasta oo uu calafkiisu kabbisiiyay xinjiraha jaceylka halkii isaga oo biyo qaboow ah uu dhadhamin lahaa; qalbi kasta oo nasiib-xumadiisu gayaysiisay in uu ku gubto dabka jacaylka oo aan mar kaliyana goosan dheefta mirihiisa ayaan u hadiyeynayaa sheekadan oo laga qoray xaqiiqo dhacday, isla markaan ka tagtay taariikh xanuun ...

Read More »