Sayyid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu ku dhashay Sacmadeeqa oo Buuhoodle u dhow, taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 1856. Isagoo jira ilaa 64 sano ayuu ku geeriyooday Iimey dhammaadkii 1920 kii, iyada oo loo badiyo in ay ahayd 21 kii Disambar. Ilaa shan iyo labaatan sano ayuu halgan iyo jihaad kula jirey gumeysteyaashii dalka qaybsaday. Taas waxaa garab socday xagudubyo ay Sayyidka iyo Daraawiishtiisii kula kaceen dadkii Soomaalida ahaa.
Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa taxane taariikheed (timeline) oo kooban, kaas oo muujinayana dhacdooyinkii Sayyidka iyo Daraawiishta.
Qoraalkan waxaa ka soo qornay buugga uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise (AHUN): TAARIIKHDII DARAAWIISHTA IYO SAYID MAXAMAD CABDILLE XASAN (1895-1920).
- Wuxuu ku dhashay…balliga la yiraahdo Sacmadeeqa oo magaalada Buuhoodle toddoba mayl u jira, kana xiga dhinaca waqooyi…Wuxuu dhashay abbaaraha markay taariikhdu ahayd 1856.
- Toddoba jir baa quraanka loogu bilaabay…Maxamed 12 jirkii buu Quraanka ku dhammeeyey…sidaas daraaddeed ayaa maxamad aabbihiis kutubka cilmiga ah ugu bilaabay… Hase yeeshee gadaalkii xertii buu ka mid noqday. [Culumo kale na wax wuu ka bartay]
- Markuu da’ soddon ah gaadhey ayuu aaday Xijaas si uu xajka u guto aqoon kororsina u sameeyo. Halkaasuu kaga biiray xerta Saalixiyada oo uu hoggaaminayey Sheekh Maxamed Saalax oo reer Suudaan ahaa.
- Soo noqoshadiisii wuxuu soo maray dhawr biloodna joogey magaalada Cadan.
- 1886 kii ayaa gumeysigii Ingiriisku la wareegay maamulka Berbera.
- 1891 kii waxaa magaalada Berbera soo dagey koox Kiristaan ah oo furey dugsiyo diintooda lagu faafiyo.
- 1895 kii ayuu Xaaji Maxamed ka soo degay Berbera. Halkaasuu degay oo ku guursadey, ka na bilaabay dariiqadii Saalixiyada. Taasi waxay abuurtay in Xaaji Maxamed iyo wadaaddadii dariiqada Qaadiriyada ee magaalada u badnaa isku dhacaan.
- Xaaji Maxamed wuxuu bilaabay inuu ka hadlo ka hadlo jihaad iyo la dagaallanka gaalada. Warkii waxaa la gaadhsiiyey taliskii gumeysiga.
- Xaaji Maxamed wuxuu go’aansaday inuu Berbera ka baxo, baadiyahana u guuro. 1897 kii ayuu ka guurey isaga oo ay weheliyaan koox wadaaddo ahi.
- Wuxuu socdaba wuxuu dagey Qoryaweyne ceel la yidhaahdo oo uu ka bilaabay mawlac lagu tukado waxna lagu barto. Halkaasuu ka sii wadey wacdigiisii, waana meeshii ugu horreysay ee Daraawiishi ka aasaasanto, dariiqada Saalixiyaduna ka bilaabato.
- 1899 kii ayuu warqad u direy Suldaankii beesha Ciidagale isagoo kala hadlaya in caroortoodii la gaaleysiinayo. Warqaddii waxay samaysay kacdoon kallifay in taliskii gumeysigu kooxdii Kiristaanka fidineysay dalka ka saaro, kaniisaddoodiina la xidho.
- Isla 1899 kii ayuu Xaaji Maxamed isku dubbaridey ilaa 5000 oo qof, kuwaas oo wadey magaca Dawaariish. Waxaa la go’aansaday in diinta la nooleeyo, gaalada lagu jihaado, dariiqada cusub ee Saalixiyadana la faafiyo.
- 1899 kii dhammaadkiisii ayaa Garaad Cali oo ahaa garaadkii Dhulbahante la diley, isaga oo lagu eedeeyey khiyaano. Daraawiishi waxay ku sigatay inay kala yaacdo oo halkaa ku baaba’do.
- Daraawiish waxay u guurtey dhanka galbeedka iyo carro Ogaadeen. Halkaasaa ololihii laga sii wadey.
- Ingiriiskuu wuxuu la xidhiidhay Xabashidii.
- Bishii Maarso 5 dii 1900, ayaa Daraawiish iyo Xabashi dagaal ku dhex maray ceelka Jigjiga. Waa dagaalkii ugu horreeyey ee dhexmara Daraawiish iyo ciidan gumeysi.
- Isla sannadkaas 1900 ayey Daraawiishi weerartay beelo lagu eedeeyey inay xidhiidh la lahaayeen gumeysiga. Duullaankan oo lagu macagaabo “Dayax-weerar” waa kii ugu horreeyey ee Daraawiishi ku xoolo kaga dhacdo Soomaali; ilaa 2000 oo halaad.
- Sayyidkii markuu dareemay inuu xoogesytay, wuxuu amray in nin waliba beeshuu madaxda ka ahaa dariiqada keeno oo uu soo raro. Intii diidey waa la diley, oo weliba si aad u foolxun ayaa loo diley. Dhacdadani waxay abuurtay tuhun iyo aamin-ka-bax ay ka dhasheen in ragga qaar qorsheeyaan shirqool ay ku dilaan Sayyidka, waxayna ku caanbaxday Shirqoolkii Gurdumi.
- Daraawiishii goobtii way ka guurtey oo waxay u guurtey dhanka Waqooyi.
- Raggii shirqoolka abaabuley waxay go’aansadeen inay ergo diraan oo ay Sayyidka iyo Daraawiish la heshiiyaan. Waxay xuleen 32 nin oo caqli iyo codkarnimo lagu doortay. Markii ay xaruntii Daraawiishta tageen ayaa la xidhxidhay. Sayyidku wuxuu codsaday in nin walba lagu furto 100 halaad! Muddadii la qabtay markay dhammaatay, mid labaad iyo saddexaad buu u qabtay, dabadeedna waa la laayey. Waxaa ku jirey Sayyidka seedigii oo qabey Tooxyar Cabdille Xasan.
- Beeshii ragga laga laayey waxay qaylodhaan u dirsatay Xabashidii, oo col ay Soomaali garwadeenna u ahaayeen soo dirtay. Daraawiishii markay aragtay inaysan lahayn awood ay kula dagaallamaan lahayn, ayey u dib ugu guureen Nugaal oo ay ka soo baxeen kaddib dilkii Garaad Cali. Waxay dageen Badhan iyo xarun la magac baxday Fadhiweyn.
- Ingiriiskii ayaa col ku soo bixiyey waxaana halkaa ka dhacay dagaalkii Afbakayle oo ahaa 3 dii Juun 1901.
- Fardhidin waxay ahayd goobtii labaad ee Daraawiish iyo Ingiriis ku dagaallameen. 16 kii Luulyo 1901 ayey ahayd.
- Beerdhiga waa goobtii saddexaad waxaana dagaalku dhacay 6 dii Oktoobar 1902.
- Cagaarweyne waa dagaalkii afraad wuxuuna dhacay dhawr goobood oo kala duwan. Goobtii koowaad waxay ahayd Gumburo oo ahayd 16 kii Abril 1903.
- Goobtii labaad ee dagaalkii Cagaaweyne waxay ahayd Daratoole (22 kii Abril 1903).
- Sayyidkii warqad buu u diray Ingiriiska, isaga oo leh “haddaad dagaal doonayso waan ku faraxsanahay; haddaad nabad dooneysana raalli baan ka ahay; laakiin haddaad nabad rabtid dalkayga ka tag…”
- Jidbaale waxay ahayd goobtii shanaad waana bishii Jannaayo ee 1903 dii.
- Jabkii Jidbaale kaddib, sannadkii 1904 ayey Daraawiishii dhisatay qalcado ugu horreysay ee Daawad oo ku taalley Eyl. Waxaa kale oo ay dhisteen Badey, Ilig, iyo Gabbac.
- 21 kii Abril 1904 ayaa markab Ingiriis leeyahay weeraray ku dumiyey qalcaddii Ilig.
- 16 kii Oktoobar 1904 ayuu Sayyidku la kulmay ergey (Pestalozza) talyaanigu soo diray, si loo sameeyo heshiis u dhexeeya Daraawiish, Talyaani, Ingiriis iyo dadkii ku hoos noolaa, iyo Xabashida.
- 3 dii Maarso 1905 tii ayaa Pestalozza mar labaad ku soo noqday xaruntii Daraawiishta.
- 5 tii Maarso 1905 tii ayaa heshiiskii (Heshiishkii Ilig Dal-dala/ Pestalozza Agreement” la kala saxiixday.
- 24 kii Maarso 1905 tii ayaa heshiiskii la sii xoojiyey oo mar labaad lagu saxiixay Berbera.
- Heshiishkii qolo walbaa danteedii bay ka fushatay laakiin ka ma madhnayn qalalaase.
- Ingiriiskii wuxuu isku dayey in heshiiskii la sii xoojiyo waxaana Berbera loo diray ergo, 30 kii Abril 1909 kii ayey waraaq u direen Sayyidkii, iyaga oo ka codsanaya in uu ergo u soo diro. Wax jawaab ah kama aysan helin.
- 1908 kii ayaa Ingiriisku abaabulay koox wadaaddo ah oo isku dira Sayyidka iyo sheekhii dariiqada Saalixiyada; Sheekh Maxamed Saalax. Sheekhii warqad laga keenay ayaa waddankii la keenay bishii Maarso ee 1908 kii, dabadeedna waa la faafiyey. Warqaddii waxay abuurtay wareer iyo bulaan, kaddib raggii qaar baa shiray, waxayna taladii ku soo ururiyeen in Sayyidka derajada laga xayuubiyo ama la dilo dabadeedna cid kale lagu beddelo, ama in meesha ba lagu kala guuro oo nin walbaa tolkii ku noqdo. Tan dambe ayaa lagu gooyey shirkii. Sirtii baa fakatay, kaddibna intii baxsatay ciidan baa laga daba diray, intii joogteyna waa la xidhay, qaarna waa la dilay. Dhacdadan waxaa loo yaqaannaa Afgembigii Canjeel.
- 1909 kii dhammaadkiisii ayaa xaruntii Daraawiishta laga raray Ayl iyo Ilig, kaddib markii ay halkaa ku nagaayeen 6 gu’. Laba gu’ ayey deganaayeen dooxada Cada-dheero iyo Jednugul, kaddibna waxay u guureen Taleex.
- Garaad Maxamuud Cali Shire iyo Boqor Cismaan Maxamuud ayaa cabsi ka gashay Daraawiishta u soo dhowaatay, waxayna abaabuleen ciidan ay ku weeraraan Daraawiish. Meel xarunta Taleex ilaa 90 mayl u jirta oo ay Daraawiishtu ka dhisteen daaro ilaalo ayey weerareen oo ay qabsadeen bishii Luulyo dabayaaqadeedii 1911 kii. 60 darwiish oo halkaa joogay waxaa la laayey 45. Intii baxsatay ayaa Taleex warkii gaadhsiisay. Talo waxaa lagu gooyey in nimankaas soo duuley reerahoodii iyo xoolahoodii loo daba maro, taasaana la hirgeliyey.
- 10 kii Ogoosto 1911 kii ayey Daraawiishi weerartay degaankii Garaaad Maxamuud Shire, wixii xoolo joogeyna way soo kaxaysteen. Garaadka iyo ciidankiisii markay ka war heleen ayey xoolihii ka daba yimaaddeen, dagaal ba’an kaddib se, Daraawiish ayaa guuleysatay oo sidaa xoolihii kula tagtay.
- 1909 kii bishii Nofembar ayaa Ingiriiskii go’aansaday inuu ku ekaado xeebaha oo uu ka guuro baadiyaha iyo gudaha dalka. Raciyadii ku hoos noolayd waxay u sheegeen inaysan ilaalin karin, laakiin hub iyo rasaas ayey u qaybiyeen. Intaan Daraawiish la gaadhin, dadkii hubka la siiyey baa isku jeestay oo isku laayey.
- Koox Daraawiish ka mid ah ayaa geel ka soo dhacay Soomaalidii ku hoos noolayd Ingiriiska, waana geela ku caan baxay Daboolane.
- Eedo badan oo Daraawiish ka cabanaysay iyo dad laga laayey oo ay Ingiriiska ku eedaynayeen ayaa Sayyidku warqado ka diray, laakiin loo ma soo jawaabin. Qusuusigii Daraawiishtu waxay talo ku goosteen in ay warqaddii ugu dambaysay oo digniin ah diraan. Degdeg baa loogu soo jawaabay laakiin dacwaddoodii waxba lagama qabanin. Laba sano iyo dheeraad ayaa waraaqo, farriimo iyo ergo la isweydaarsanayey. Waa ta Sayyidku ka tiriyey jiiftada “Ogaadeen ha ii dirin, dacwad baan ka leeyahay. Doonnidii maan arag, dacwad baan ka leeyahay. Warsangeli doc uga bayr, dacwad baan ka leeyahay. Geela soo dareerina, dacwad baan ka leeyahay. Dabatada aad sheegtayna dacwad baan ka leeyahay…”
- In kasta oo uu xeebaha isku koobay, haddana Daraawiishi waxay aaminsanayd in Ingiriis iyo Talyaani ku lug lahaayeen weerarkii Garaad Maxamuud Cali Shire iyo Boqor Cismaan Maxamuud ku soo qaadeen. 27 kii Febraayo ayuu Sayyidku waraaq u diray Ingiriiskii. Waraaqdaas waxaa ku xusnaa toban dalab oo uu Sayyidku ka rabey Ingiriiska.
- 1912 kii ayuu Ingiriiskii ku soo noqday baadiyihii uu ka guurey wuxuuna bilaabay abuuridda ciidan rukuubley ah oo danihiisa ilaaliya.
- Intii u dhexaysay 1911 iyo 1912 Daraawiishtii dhulkii bay ku faafeen, xoolihii way u bateen, dad badanina way raaceen. Laakiin sida xilligaas caadada ahayd, xooluhu waxay ahayeen “maanta dhac, berrina ha lagaa dhaco”, oo Daraawiish iyo dadkii kale dagaal aan kala joogsi lahayn iyo boob baa ka dhexeeyey.
- 1912 kii bishii Maarso ayey Daraawiishi war ku heshay in Talyaanigu qorshaynayo qabsashada webi Shabeelle. Askar badan bay direen waxayna sannadkii 1913 kii ku guuleysteen inay dhulkii qabsadaan intaan Talyaani soo gaadhin, qalcad dagaalna way ka dhisteen. Talyaani oo wata suldaannadii degaankaas ka talinayey ayaa ku soo duuley Beledweyne sannadkii 1915 kii bishii Maarso 9 keedii. In kasta oo saddex ciidan ku soo duuleen, Daraawiish ayey guushii raacday.
- 1913 kii markii uu dhintay Imbaradoor Menelik waxaa taladii la wareegay Iligyaasu, wuxuuna wanaajiyey xidhiidhkii xabashi iyo daraawiish u dhexeeyey. Boqorkani wuxuu daraawiish u keenay nin Jarmal ah oo hubka u sameeya. 1913 kii ayaa boqorkii Xabashidu hub iyo dhar hadyad ah u soo diray Daraawiish. Safarkii ayaa qolo jidka u gashay oo intii wadday laysay hadyaddiina qaadatay. Raggii qaar baxsaday ayaa Taleex warkii gaadhsiiyey. Daraawiishi weerar bay soo qaadday, waxayna weerartay qabiilooyinkii degganaa ceelka Burco agtiisa, wixii ay hanti haysteenna way kala wareegeen.
- Markii ay qaylodhaantii gaadhay Ingiriiskii, ayaa waxaa soo baxay col uu watey Corfield (Koofil) oo Daraawiish ka daba yimid. Dadkii xoolaha laga dhacayna dagaalka dhankooday kaga biireen. 9 kii Ogoosto 1913 kii markii qorraxdu soo baxday ayaa la is galay. Waa dagaalkii Daraawiishtu u bixisay “Ruuga”, Ingiriisna u yaqaanno “Dul-madoobe”. Waa goobtii lagu dilay Koofil. Daraawiish baa halkaa guusha ku heshay xoolihiina la tagtay.
- Dilkii Koofil dood badan ayuu ka dhaliyey Ingiriiska, taas oo u dhaxaysay xukuumaddii iyo mucaaridkii.
- Daraawiish waxay go’aansatay inay Ingiriiskii ku soo dhowaato oo ay qalcado ka dhistaan meel u dhow xeebihii uu degganaa. Shimbibiris oo Burco 30 mayl u jirta ayaa 3 qalcadood laga dhisay.
- 17 kii Nofembar 1914 kii ayaa col Ingiriis ahi ku soo duuley Shimbibiris. In badan baa dagaalku socday, laakiin daraawiishtii waa la mari waayey. Ingiriiskii waxay Cadan u dirsadeen hub culus oo qalcadda lagu qarxiyo. Febraayo 1915 kii markii hubkii u yimid ayey ku guuleysteen inay qabsadaan qalcadihii.
- Dagaalkii Shimbibiris laba bilood kaddib, Daraawiishi waxay iska xuleen 40 nin oo loo diray inay Ingiriiska iyo inta la socota gunta u galaan oo ay Berbera tagaan, haddii ay suuroowdana ay gubaan, si ay argagax iyo baqdin ugu abuuraan. Habeenkii 12-13 Maarso 1915 kii ayey Berbera rasaas ku fureen, halkaas oo askar iyo dad kaleba ku dileen. Baqdin iyo argagax ayey dad badan magaaladii uga carareen oo qaar waxay u dhoofeen Cadan.
- 1915 kii ayuu Sayyidku waraaq u diray khilaafadii Cusmaaniyiinta isaga oo ka dalbanaya inay kaalmeeyaan. Abbaarihii 1916 kii ayey u soo direen nin la taliye ah.
- 1918 kii bartamihiisii ayaa xaruntii Daraawiishta laga raray Taleex, si ay ugu dhowaadaan xeebta Maakhirkoos.
- Sannadkii 1919 kii oo dhan Ingiriisku wuxuu qorshaynayey sidii Daraawiish loogu duuli lahaa, loona baabi’in lahaa. Ciidamo badan oo isugu jira kuwa cirka, badda iyo cagta ayaa si qarsoodi ah loo diyaariyey.
- 21-23 kii Jannaayo 1920 kii ayey dayuuradihii Ingiriisku duqaynayeen Jiidali iyo Midhashi. Daraawiishi diyaaradaha ma aqoonin oo way argagaxeen, dadkii iyo xoolihiiba way kala dideen.
- Habeenkii 24 kii Jannaayo 1920 kii ayaa la sheegay in ciidankii lugta ahaa ku soo dhow yahay. Awood iyo ciidan ay kula dagaallamaan may haysanine waxay u qaxeen Taleex.
- 4 tii Febraayo 1920 kii ayey diyaaradihii duqeeyeen Taleex. Maalintii 5 aad ayaa ciidankii lugta ahaa soo gaadhey. Daraawiish intii ka hadhay halkaasay ku noqotay wax lagu gumaaday iyo wax baxsaday. Ingiriiskii warqad buu diray uu Sayyidku ku leeyahay isa soo dhiib, laakiin taasi ma suuroobin. Ergo odayaal iyo waddaado ah buu Ingiriiskii soo diray laakiin waxba kuma helin. Sidoo kale, warkii Talyaaniga ka imanayey ma cajabinin Sayyidka.
- Daraawiish jabkii waxaa ugu darsamay duumo, furuq iyo tacluus oo aad u naafeeyey. Ingiriisna sidaa kuma deyna wuxuu soo abaabuley ciidan ka yimid qabiilooyinkii Soomaalida, kuwaas oo weeraray Daraawiish intii ka hadhay xoolahoodii kaxaystay.
- 29 kii Luulyo 1920 ayuu Suldaan Cali Yuusuf Daraawiish ka qabsaday Baladweyne, 4 tii Sebtember 1920 ayuuna ku wareejiyey Talyaanigii.
- Daraawiish intii ka hadhay waxay dageen Iimey. Waa meeshii ugu dambaysay ee Daraawiishi ka dhisato qalcad dagaal, waana meeshii intii hadhay ku kala yaacday.
- Iimey ayuu ku geeriyooday Sayyid Maxamed, waxaana loo badiyaa inay taariikhdu ahayd 21 kii Disember 1920 kii.
- Dhawr sano kaddib ayuu Ingiriiskii damcay in xabaashii Sayyidka la qodo oo lafihiisii laga soo saaro. Markii laga war helay qorshaha Ingiriiska ayaa si qaarsoodi ah looga saaray qabrigii oo lagu aasay meel la yiraahdo Jaljali oo degmada Gindhir ah.