Home / Qoraallo / Suufinimo : Sooyaal iyo Saamayn
© Jean-Leon Gerome

Suufinimo : Sooyaal iyo Saamayn

Hordhac

Dugsiyada fikir ee sameysmay boqolguuradii labaad ee tirsiga Hijrada waxaa ka mid ah fikirka Suufiga ah, oo aad u faafay saamayn badanna ku yeeshay dadka Musliminta ah dhexdooda. Suufinimadu waxa ay qayb ka noqotay fidinta iyo barashada diinta oo culumo badan oo suufiyo ah, ayaa dhulal badan ugu socodaalay si ay diinta u gaadhsiiyaan. Meelaha suufiyadu aadka uga hawlgaleen waxaa ka mid ah geeska Afrika, oo geyga Soomaaliduna ka mid yahay (1).  Suufinimada wax badan baa laga qoray, oo taageerid iyo naqdinba isugu jira. Suufiyada qudhooduna qoraallo badan baa ay sameeyeen oo ay aragtiyahooda ku difaacayaan. Qoraalkan koobani waa iftiimin guud oo ku saabsan taariikhda suufinimada iyo heerarkii ay soo martay, manhajka tasawufka iyo dariiqooyinka ugu caansan uguna saamaynta badan.

Qeexitaanka iyo Bilowgii Suufinimada
Suufinimada qeexitaanno badan baa loo sameeyey, oo suufiyada iyo dugsiyada fikir ee kaleba siyaabo kala duwan baa ay uga hadleen. Bilowgaba waxa aan la isku waafaqsanayn halka uu ka soo jeedo erayga Suufi, oo dadka qaar ku sheegeen in uu ka soo jeedo, “asSufuwah’’ oo ah saafinimo akhlaaqeed iyo mid ruuxi ah. Kuwo kale waxa ay sheegeen in eraygu sal ku leeyahay “Ahl asSufah” loogana jeedo dad sabool ahaa, Quraan ruugnimo iyo cibaado badnanna lagu yiqiin oo masaajidka Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- hoy ka dhigan jiray. Tafsiirka ugu xooggan ee culimo badani qaateenna waa in erayga Suufi ka yimi marada Suufka ah ee ay xidhan jireen Suufiyadu, laguna yaqaannay.

Sakariya al Ansaari [dh.929H] waxa uu ku qeexay “Suufiminadu waa kasmada lagu barto culidda nafta, sifaynta akhlaaqda iyo in kor iyo kalba looga shaqeeyo sidii loo gaadhi lahaa badhaadhaha lagu waarayo”
Abu Qaasim al Junayd [dh.297H] isna waxa uu yidhi :  “Suufinimadu waa in habdhaqan kasta oo wanaagsan la qaato, habdhaqan kasta oo liitana laga dheeraado.”

Suufinimadu waa hawlgal iyo habdhaqan qofku u sameeyo si uu uga dhabeeyo, dhammaystirnaan akhlaaqeed, garashada xaqiiqada iyo badhaadhe ruuxi ah. Suufinimada inta badan diimaha badankoodu waa ay leeyihiin, waxa ayse ku kala geddisan yihiin meesha laga dhinbiil qaadanayo iyo hannaanka suufinimada loo marayo.  Tasawufka Islaamiga ahina waa hannaan ku dhisan fahanka diinta. Markii diintu faaftay ee la dhex galay dadyow dhaqanno kala duwan, dadkuna ku loollameen kala badsiga adduunyada iyo dhex muquurashadeeda, ayaa ay soo baxeen falcelino arrinta la iskaga moosayo oo ay bilaabeen dad u go’ay cibaado iyo Alla bari, nolosha adduun dhaldhalaalkeedana aad isaga xakameeyey, loona bixiyey Cubbaad iyo Suhaad.Rag iyo dumar badan oo cibaado iyo khalaawayn  ku caan baxay ayaa jiray oo ay ka mid ahaayeen Maalik ibnu Diinaar, Ibraahim ibnu Ad’ham, Raabicah al Cadawiyah, Shaqiiq al Balakhi, ikk.  Kooxdaas Cibaado badnaanta iyo u dhowaanshaha Alle ku caan baxday ayaa buddhig u ahayd suufinimada aadka u faaftay qarniyadii ka danbeeyey, walow aanay raggaasi samayn fikir iyo fahan diineed oo ay kaga gaar noqonayeen Muslimiinta kale.

Ibnu Khalduun oo bilowga suufinimada faahfaahinayaa waxa uu yidhi: “Aqoontani waxa ay ka mid tahay culuumta sharciga ah ee diinta ku soo derriday. Waxaa asal u ah cibaadada oo la qabtimo iyo Alle oo loo go’o oo arrimo caadi ah ka dhex ahaa Salafka {Saxaabada iyo Taabiciinta}, ujeedkiisuna waa cibaado aan xad lahayn, nolosha adduunka oo laga wejidadbo, iyo in laga saahido, raaxaysiga iyo waxa dadka badankiisu ku fooganyihiin, gooni la noqdo, cidlana lagu cibaadaysto, arrintaasi wax caadi ah ayaa ay iska ahayd xilligii saxaabada, markiise adduun raadisku batay boqolguuradii labaad ee tirsiga Hijrada, ayaa dadkii cibaadada u go’ay loo bixiyey Suufiyo…….” (2).

Heerarkii Suufinimada

Suufinimadu, marka laga tago magacu xilliga uu u baxay, waa habdhaqan soo jirey tan iyo bilowgii Islaamnimada, oo waxaa jirey dad cibaadada iyo laylyidda nafta ku talax tegay xilligii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Tusaale ahaan, Anas- Alle ha ka raalli ahaado e- waxa uu soo weriyey: ‘Waxaa guryaha Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- tegay saddex ruux oo warsanaya cibaadadii Nebiga, markii looga warramayna waa ay yareysteen waxaana ay yidhaahdeen, innaga iyo Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- halkee ayaa aynu isaga imanaynaa dembigii hore iyo ka danbeba waa loo dhaafay e. Midkoodbaa yidhi anigu habeen sida uu u dhan yahay waa iga salaad, mid kalena waxa uu yidhi : anna sannadku sida uu u dhan yahay waa aan soomayaa, kii saddexaadna waxa uu yidhi : weligay guursan maayo! Arrintii baa Nebiga gaadhay, markaas baa uu u yeedhay kuna yidhi: “ma idinkaa sidaa yidhi? Alle ayaa aan ku dhaartay e, anigaa idiinku Alle-ka-cabsi badan, haddana waa aan soomaa, waa aan afuraa, waa aan tukadaa waana aan seexdaa, dumarkana waa aan guursadaa, qofkii jidkayga ka madaxtaagayna naga mid ma aha” (3.

Suufinimadu  saddex heer oo kala danbeeyey ayaa ay soo martay, mid walibana kii hore ayaa uu bidhaansanayey waxaana ay kala ahaayeen:

Heerka Cibaadaysiga iyo Suhdiga

Xilligan oo hillaaddii noqonaysa dhammaadka qarnigii koobaad ee hijrada iyo qarnigii labaad, waxaa Muslimiinta ku dhex faafay ku foognaanta adduunka iyo tabo lagu raaxaysto oo cusub. Falcelinta arrintaasi waxa ay dhashay dad cibaado u banbaxay oo nolosha dhaldhalaalkeeda ka raysatay, waxaana ka mid ahaa, Fudayl ibnu Ciyaad, Ibrahim ibnu Ad’ham, Macuuf al Karkhi, ikk. Heerkani waxa uu ku caan yahay, cibaado badnaan, gooni joognimo, cunto yaraysi, guur la’aan iyo waano iyo wacdi dadka loo jeediyo.

Heerka Samaysanka Fikirka Suufinimada

Marxaladdan suufinimadu waxa ay ka guuraytay keli kelidii, oo kooxaysi ayaa ay noqotay, waxaana samaysmay dugsiyo iyo culimo suufinimada loo daba fadhiisto oo allifay habab nafta loo laylyo iyo jaranjarooyin la maro.  Waxaa calanka u siday laba dugsi oo kala ahaa:

  • Dugsiga Baqdaad: hormuudna ay u ahaayeen Xaaris al Muxaasibi [dh.297H] iyo Abu Qaasim al Junayd [dh.247H].
  • Dugsiga Masar iyo Shaam: waxaa hor kacayey  Du Nuun al Masri [dh.247H].

Inta badan hannaanka naflaylyidda, werdiga iyo hawlaha cibaadaysi  ee dugsiga suufinimada waxa la jaangooyey xilligan, eraybixinta suufiyada ee jaadadka badanna raggan ayaa horseed u ahaa, sida Muriid-ka oo loola jeedo ardayga layliga nafeed ee suufinimada ku jira, Cirfaan oo ah garasho sare oo Alle ku mannaysto qofka welinimada gaadha, Maqaamaat, oo ah jaranjarka loo maro naf laylyidda iyo culidda qalbiga.  Isla xilligan ayaa ay soo baxday in aqoonta diinta loo qaybiyo Shareeco iyo Xaqiiqo (4). Waxaa kale oo bilaabmay in tasawufku yeeshay maraajic iyo kutub laga daalacdo (5).

Guud ahaanna marxalaaddan ma ay soo ifbixin waxyaabo caqiido ahaan, khilaafsan diinta, waana kuwan iyaga oo iftiiminaya usuusha fikirkoodu ku taagan yahay; “usuushayadu waa todoba: Ku dhaqanka Kitaabka Alle, Ku dayashada Rasuul- sallal Laahu calayhi wasallam-, Xalaal Cunid, Dhib la’aan, Dunuubta oo laga dheeraado, Tawbad, iyo Gudashada Xaquuqda” (6).

Heerka badhxanka Suufinimada

La falgalka aqoontii iyo ilbaxnimadii dadyowga kale, saamayn ballaadhan ayaa ay ku yeelatay qaab fikirkii Muslimiinta, waxaana samaysmay dugsiyo fikir oo badan. Suufinimada waxaa dhex qaaday falsafado badan oo laga soo guuriyey, dadowgii kale ee aqoontooda la turjumay, sida al-Xuluul (7), al-Ittixaad (8), al-Faydu wal Ishraaq (9), ikk.

Suufiyada marxaladdan waxaa ugu caansan Xallaajj, Sahrawerdi, Ibnu Carabi, iyo Ibnu Faarid. Waa heerka meesha suufiyada iyo dugsiyadii fikir ee kale muranka diimeed ka dhex dhalanayo, gaalaysiinta iyo dilkana xaaladdu gaadhay. In kasta oo suufiyadu ku doodayaan in erayada culimadaasi adeegsadeen ee diinta ka hor imanaya aan loo la jeedin sida caamadu u taqaan, ee ay tahay afgarad Caarifiinta tasawufka ku talaxtegay isla garanayaan, ama raggaasi wax yaabaha laga sheegayo aanay odhan e laga been abuurtay,  marnaba se ma ahayn wax la’aan oo waxtar weyn ayaa ay aqoonta diinta iyo fidinteedaba ka geysteen, kutubtooduna waa mawsuucooyin aad loogu aayey, Ibnu Taymiyah oo ahaa ragga aadka u naqdiyey suufiyada falsafadyahanka ah, isaga oo tilmaamaya mid ka mid ah kutubtiisa waxa uu leeyahay “Kutubtiisa waxaa dhex ceegaaga hadallo iyo warar sugan oo waxtar u leh diinta, sidaa oo kale waxaa loogu tegayaa aragtiyo liita oo aan la qaadan karin” (10).  Waa marxaladdan marka ay hirgaleen dariiqooyinka la yaqaan ee suufinimada.

Dariiqooyinka Suufinimada

Boqolguuradii shanaad ee tirsiga hijrada iyo wixii ka danbeeyey waxaa aad u faafay dariiqooyinka badan ee ay u kala miirantahay suufinimadu. Dariiqooyinkaasi in kasta oo ay ku kala tagsan yihiin habraaca wax dhigasho, iyo afkaarta ay qabaan, misana intooda badani waxa ay ka  simanyihiin arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:

  • Wadaadka dariiqadu ku abtirsataa inta badan magaciisa loo bixiyaa.
  • Wadaadka iyo xertuba in ay ku abtirsadaan Aalu beydka (11).
  • Xer waliba sheekheeda waxa ay ka soo weriyaan karaamooyin ku talaxtag ah.
  • Qaar ka mid ah dariiqooyinka suufiyada ayaa aaminsan in jidka keli ah ee lagu badbaadayaa yahay kan wadaadka dariiqada.
  • Dariiqo waliba waxa ay leedahay astaan ama calan u goonni ah.
  • Waa la iska dhaxlaa sheekhnimada dariiqada.
  • Dariiqooyinka badankoodu caqiido ahaan waa Ashaaciro.

Dariiqooyinka suufiyada ee ugu saamaynta badan, kuwa kalena ay ka sii farcameen waxa aynu ka soo qaadan karnaa:

Dariiqada Qaadiriyada: waa dariiqo uu aasaasay looguna magac daray sheekh Cabdulqaadir al Jaylaani (dh.561H). Isagaa jeexay jidka dariiqadu u marto Alle u dhowaanta iyo cibaadaysiga, xertiisuna marba in baa ay ku sii darayeen. Waxa ay kooxdiisu soo tebiyaan warar ashqaraar leh, oo karaamooyinkiisa iyo welinimadiisa ku saabsan. Waxa uu qoray kitaab la yidhaahdo Al Fardur Rabbaani.

Dariiqada Rifaaciyada:  waxaa lagu magacaabay wadaadka Axmed bin Cali arRifaacii, oo reer Marooko ahaa (dh.578H) meelo baddanna waa ay ku faaftay.

Dariiqada Shaadiliyada: waxaa loogu magac daray suufigii saahidka ahaa ee Abu Xasan Cali ibn Cabdillaahi ash-Shaadilii (hh.656 H).

Dariiqooyinka kale ee la yaqaanno waxaa ka mid ah: Naqshabandiyah, Khatmiyah, Badawiyah, Dusuuqiyah, Tiijaaniyah, ikk.

Manhajka Suufinimada

Suufiyadu waxa ay dejiyeen manhaj hawleed  laga rabo qofka suufiga ahi inu uu raaco si uu u gaadho welinimo iyo aqoonta oo daboolka looga qaado.

B- Aqoon : Suufigu waa in uu noqdaa Alle yaqaan, diinta aqoon badan u leh, kuna xeel dheeraado tabaha nafta loo laylyo, qalbigana loo culo.

T- Sheekh: Qof kasta oo raba in uu noqdo suufi waa in uu helaa sheekh hage u noqda oo aqoonta iyo cibaadooyinka uu samaynayo u qoondeeya.

J- Layli Nafeed: waa in muriidku  u jilib dhigo sidii uu nafta doonisteeda uga adkaan lahaa, uguna sandulleyn lahaa ku dhaqanka diinta.

X- Xuska Alle (dikri):  waa in laga raayo mooganaanta iyo is illowsiinta, laguna dedaalo in carrabka iyo qalbigu joogteeyaan xuska Alle.

Dhowr qaab ayaa loo werdiyaa,

  • Dikri dahsoon iyo mid muuqda: oo ka dhigan in carrabka laga dhawaaqo ama qalbiga laga dikriyo.
  • Dikri qofeen iyo mid kooxeed: waa in qofku keligii meel ku werdiyo ama kooxi dikri wada sameeyaan sida in ay ku ceceliyaan Magacyada Alle.

Kh- Al khalwah: Waan in dadka laga fogaado, hawlaha adduunkana laga nasto muddo, si qalbigu u dareemo xasillooni. Khalwada muriidka waxaa hagaya sheekhiisa, khalwaduna waa laba nooc; mid guud oo mu’minku ugu banbaxo xuska Alle, Qur’aan akhris, iyo naf xisaabin, iyo mid gaar ah oo lagu raadinayo darajada welinimada iyo cirfaanka.

Suufiyadu si qofku u gaadho dhabbaha badhaadhaha aakhiro iyo welinimada waxa ay sameeyaan acmaal ay Eebbe ugu dhowaanayaan, ayna ka mid yihiin, tawbad, isxisaabin, Alle-ka-cabsi, run sheegid, badhaxtir cibaado, sabir, xalaal miirad, saahidnimo, tala-saarashada Eebbe, mahadnaq, iqk.  Hawlahaa Alle loogu dhowaanayo ee suufiyadu sameeyaan midhaha iyo wanaagga ay jarto waxa ka mid ah:

B- Al kashfi : oo looga jeedo in Alle yaqiinta daaha uga qaado, aqoon daboolan la daalacsiiyo, asraartana wax looga bidhaamiyo.

T- Ilhaam : waxa ay ka dhigan tahay in qalbiga weliga Ilaahay tuso aqoon, sida suufiyada badh ku tagsanyihiinna aqoonta ilhaam ku timaadda waa lagu cammal fali karaa.

J – Welinimo : Waa heerka u sarreeya oo qofka mu’minka ahi Alle u dhowaanshaha ka gaadho,  waxaana lagu helaa iimaan dhab ah iyo Alle-ka-cabsi.

Suufiyadu waxa ay ku talaxtageen culimadooda waxaana ay ka soo weriyaan karaamooyin aan caqligu qaadan karin iyo waxyaabo ashqaraar leh. Sida in ay la hadlaan meytida, biyaha badda dul lugeyn karaan, bahalaha dad cunka ah la sheekaysan karaan, iyo in aan awliyadu dhiman ee ay dhuumato, ruuxdooduna maalmaha arbacada kulanto. Waxaana ay u qaybiyaan karaamooyinka awliyada mid duleed oo caamadu arki karto iyo mid daahan oo weliga oo keli ahi arki karo.

Saamaynta Suufinimada

Suufiyadu waxa ay ka mid tahay dugsiyada ugu saamaynta badan ee Islaamka, waxa aan cidna ka qarsoonayn doorka ay ku lahaayeen diin fidinta, iyo barashada aqoonta diinta. Inta badan dalalka la yaqaan ee Muslimka ah waxaa ku yaal qabriyada wadaaddo suufiyo ah oo safarro ku maray dhulka Islaamka iyaga oo u hagar baxay in ay diinta gaadhsiiyaan dadka. Walow si aad ah loo naqdiyo fikirka suufinimada, haddana ma qarsoona dedaalka ay diinta geliyeen. Beryahan danbena waxa la odhan karaa saamayntooda waxaa shiiqiyey iyaga oo ka dheeraaday manhajkii culimadoodii hore, barashada diintana aan dedaal badan gelin ee ku koobnay shallaad, waliimaysiga iyo xuska dhalashada Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam-. Waxa keli ah oo suufiyadu fursad ku heli karaan dadkana ku hanan karaan iyaga oo la yimaadda cusboonaysiin iyo aqoon diineed oo heersare ah.

Gebagabadiina qoraal iyo laba toona lagaga ma geyoonayo suufinimada iyo baadhitaannada ku saabsan, waa se isku day aan buurnayn oo wax lagaga bidhaaminayo dhinac ka mid mawduuc ballaadhan oo wejiyo badan leh, una baahan in waqti iyo aqoon badan la geliyo, baadhitaanno badanna lagu sameeyo.


Tixraac 

1-Suufinimada iyo dhulka Soomaalida waxa aynu ku lafaguri doonnaa, qoraal gaar. Haddii alle idmo.

2-Ibnu Khalduun ~ Al muqadimah~ baabu tasawuf.

3- Bukaari iyo Muslim. Anas bin Maalik ayaa ku soo weriyeen.

4- Suufiyadu aqoonta diinta waxa ay u qaybiyaan shareeco oo ay ula jeedaan axkaamta muuqata iyo xaqiiqo oo ay ula jeedaan acmaasha qalbiga.

5- Sida Quut al Quluub oo uu qoray Abu Daalib al Maki 

6- Dabaqaat asSuufiyah, bogga 210.

7- Al Xuluul: waxa ay ula jeedaan in Ilaahay korreeye dhex galay maqkhluuqiisa.

8- Al Ittixaad: waxa ay ula jeedaan  in Ilaahay la falgalay makhluuqiisa

9- Emanation:waa aragti falsafi ah, oo falfadyahanka suufiyadu ka soo guuriyeen Giriigga.

10- Ibnu Taymiyah: Mahmuuc Al fataawaa~ galka 11aad.

11- Waa meesha la tuhunsan yahay in beelaha Soomaaliyeed ka soo dheegto ku abtirsiga Allubeydka.

– Almawsuucah Al carabiyah.

– Abu Cabdiraxmaan Asullami: Dabaqaat A suufiyah.

– Ibnu Khaldoon~ Al muqadimah
– Cabdulqaadir Ciise- Xaqaa’iqu tasawuf.

-Asahli, Cabdalla Ibn Dajiin : Duruq asuufiyah nash’atuhaa, caqaa’idhuhaa waa asaaruha.

W/Q : Cabdikariin Xuseen
Email: cabdikarim89@hotmail.com

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Kaalinta 2: Garta dhaqanka iyo garsoorka Soomaalida

Curiskii ku guuleystay kaalinta labaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Umadda Soomaaliyeed ...

Kaalinta 3: Hal ka mida hawlkarnimadii haweenkeenna

Curiskii ku guuleystay kaalinta saddexaad ee Tartan Curiseedka Muuse Galaal ee Hiddaha iyo Dhaqanka 2018. Hordhac Sinji aw ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *