Seben barwaaqo ahaa ayaa aanu geel ku haynay meel hawd sare ah oo doog iyo ugbaad badan. Hadda geeljire ayaa aanu ahayn oo reero lama aanu joogin. Beentu waa shay xaaraan ahe, anigu lix gu’ ayaa aan kolkaa jirey. Meeshu waa dhul shareeran oo hinni ah. Roobka gu’ga oo kolkaa curtay, nagama qaado oo labada caanomaal iyo inta u dhexaysaba waa uu nagu da’aa. Alla meeshu barwaaqo weynaydee! Habeen ayaa aan si gaar ah u xasuustaa gudgude uu kor naga rusheeyay, miscirirahana daad qalaxlaynayaa nooga soo tallaabsaday.
Doobabka geeljiruhu waa niman naf adag oo arxandaran; illeen nimanka roobku waxba kama qaado! Oog lallabe ah ayaa ay casarkiiba noo sii shideen. Qoryo biixi-cad ah oo uu badankooda galabtii Cumar soo qaaday ayaa noo nool oo dhamacii ka daadanaysaa. Geelu waa uu dhalay, oo xilligaa ramadka mooyee dhaqayada maba aannaan hungurayn jirin. Gudgudihii oo karadh iyo ufaba watay, dhacanta geelasha qaarkood ayaa uu daba geddiyay. Aad baa aan habeenkaa u dardhaday, malaha ugu yaraanna caanihii aan hooyaday ka jaqay matagi gaadhey. Doobabka intooda badani waa ay dab-jeexayeen oo dhinaca ayaa ay dhamacda u dhigayeen, daadka aniga kadalloobka igu liqi gaadhayna dushooda ayaa uu sabbaynayay. Waa niman adkaaday oo malaasmaye ma biyo cir ka soo da’ay ayaa wax ka qaadaya!
Ugaadha iyo hilibkeeda – waaba tan culimadu tidhi waa xaaraan kolka aan baahiyi kuu geyne, haddana geeljire badanaa kitaab Alle mooge waa tii uu Cumar galab biciid gees dheer toogtay, ee aannu hilbihiisa dubannay. Macaanka hilibkii biciidkaa weli waa aan sii xasuustaa.
Cumar Cabdi Magan, waxa uu ahaa geeljiraha fadhiga wada yaal ninka ugu xoogweyn. Waa nin midabkiisu maarriin yahay, jooggiisuna dhexdhexaad yahay. Waxa uu ahaa nin geel jecel oo aan gu’ iyo dayr xero geel mooyee sabo reer lagu arkin. Geel jacaylkiisu heerka uu gaadhsiisnaa waxa aad moodaysay in geelu isaga dhalay oo waalid, walaal iyo wax walba u yahay! Cumar qofkii arka turuqyadiisa ama murqihiisa cududaha iyo dhudhummadu sida ay u duubmeen, wax uu ku suureeyo ma garteen. Mar waxa aan ku masaalay, laba meeris oo gabay Cabdigahayr lahaa ku jirey. Labadii meeris ee ahaa:
Wuu turuqyo weyn yahay Cabdoow doobka tebiyaaye
Turki baa la moodaa ninkaan taaban naagaha e!
Cumar nin sidaa u dhisan ayaa uu ahaa. Dhanka kale, Cumar waxa uu ahaa shiishyahan huud ku qaba liishaanka qoriga. Geeljiruhu kolkol waxa ay dhihi jireen: ‘Cumar dhiigsaaro ayaa uu leeyahay, oo naflaha uu doono in uu toogto, fargadda uu tuujiyo waxa ku xiga wixii oo gumaciisu kala jeexay!’ Sida kale Cumar nin edeb badan oo xishood badan ayaa uu ahaa. Waxyaabaha kale ee aan Cumar ku xasuusto waxaa ka mid ah, heesaha jacaylka ah oo uu aad u qaadi jirey. Badanaa marka uu geela liso ee uu ardaaga soo fadhiisto ayaa uu heesaha ku luuqayn jirey. Si gaar ah waxa aan u xasuustaa hees aanu afkaba ka dhigi jirin. Hoobal Shariif Cabdalla la yidhaahdo ayaa malaha heestaa qaadi jirey. Erayada uu Cumar ku celcelin jirey waxaa ka mid ahaa:
Guudkaaga dhilanee
Garbahaaga dhaafee
Sida saynta geenyada
Hadba gees u duulka ah…
Gelin dhexe habeenkii
Riyaan kuu guryamaa;
Gabadhaan jeclaayeey
Miyaanad ii garaabayn?!
Ugu yaraan malaha Cumar caashaq baa hayay, hayeeshee gabadh uu calmaday ama u calaamadsan lama sheegi jirin. Meesha aanu xilligaa galaynay waxaa aad ugu badnaa bahalka dhurwaaga la yidhaahdo. Ci’diisa ayaa habeen walba noo bixi jirtay oo qaaqle iyo wishiirriba ah. Cumar geelooda ayaa ay habeen tuldo ka lumeen. Meesha oo sidaa u bahal badnayd awgeed, Cumar xerada kuma soo hoyane halihii ayaa uu doonay. Goor saqdhexe ah, ayaa uu dhurwaa qabsaday qaalin laba jir ah oo neefafka lumay ka mid ahayd. Meesha uu dhurwaagu qaalinta ku qabsaday, Cumar kamaba fogayne markiiba waa uu ku cararay. Waxyar kaddib, Cumar ayaa arkay waraabihii oo qaalintii ku raran. Qori uu sidan jirey oo Maraykanku sameeyay, summaddiisuna ahayd N43, Soomaaliduna afjeex u taqaanno ayaa uu soo rogtay. Waraabahan nacaska ah ee qaalintaada cidlada ku hiigaya ku kala jeex baa uu maagay. Laba midh oo midi tarrayso ammaba ifiso tahay ayaa uu hal mar ku wada riday. Labadii gumac kolkii ay qoriga caaridiisa dhaafeen, ayaa ay qaalintii cabaadkii joojisay. Cumar baa soo orday oo is yidhi meydka waraabaha iyo qaalinta uu dhaawacayba bal eeg. Nasiibdarro, labadii xabbadoodba qaalinta ayaa ay ka dhex baxeen, waraabihii oo fayoobina iska carar! Cumar baa ciil dellaamay. Qaalintii ayaa uu hoos u eegay, waxa uu arkay in ay weli naftu ku sii jirto. Toorray uu dhinac ku sitay inta uu iska soo gooyay, ayaa uu qaalintii bireeyay. Qaalintaasi sidaa ku galbatay, hayeeshee subaxdii beer ku quraacannay.
Cumar aniga abti baa uu iigu toosan yahay, oo hooyaday waa ilma adeer saddexaad. Sannadkii 2009-kii kol aan miyi yara tegay ayaa aan ku soo arkay tuulo Laanqayrta la yidhaahdo. Sannadkaa, Cumar oo gaboobay, oo aan ahayn Cumarkii aan ogaa ayaa aan soo arkay. Ninkii xoogga weynaa, dhisnaa ee quruxda badnaa, oo caleenta qaadka inta uu feentay, iyana heenka ay ka idlaysay ayaa aan la kulmay. Waxa uu ii sheegay in uu mar hore guursaday, oo toddoba ciyaal ah dhalay. Berigii aan yaraa ee aannu geeljiraha ahayn, abtigay Yuusuf oo gabayaa ah iyo ina adeerkii Cumar subaxdii xerada geela ayaa ay igaga tegi jireen. Caanaha liska ah kolka aan dhamo kaddib, dhiil murke ah oo geela lagu lisi jirey inta ay ii buuxiyaan ayaa ay xerada agteeda ii dhigi jireen. Inta badan, geed hoostii ayaa ay iigu xasayn jireen, si aan dadka dhulka maraya iyo bahaluhuba iiga cabbin. Inkasta oo xilligu barwaaqo ahaa geelashuna wada dhaleen, haddana xabbad-xabbad saqajaan ah geeljiraha lagama waayo e, dhawr dharaarood ayaa ay iga cabbeen caanihii la ii dhigay.
Xerada agteeda waxaa edeg waab ah looga ooday nirgo yaryar oo ayaamahaa dhashay. Dusha in aan ka ilaaliyo, galbihiina eelaweynta oo aan xeryahaba dhaafi jirin soo xereeyo ayaa la i faray. Intaa waxaa ii dheeraa dardaaran dhiirrigelin ah, oo abtiyaashay goor iyo ayaan igu tisi jireen. Waagii cir Alle ka guduutaba, waxa ay igu odhan jireen: “waraabe haddii aad aragto, weligaa ha ka cararin. Haddii aad ka oroddo, inta uu kaa soo daba cararo ayaa uu ku cuni. Haddiise aad isaga ku cararto, inta uu ooyo ayaa uu kaa carari, oo dib kuugu soo noqon maayo!” Dhiirrigelintaa iyo geesinnimo-ku-abuuristaa abtiyaashay waxa ay uga dan lahaayeen; in aanan noqon fule dhurwaaga iyo wax la mid ah ka carara. Dhanka kale, waxa ay doonayeen in aan nirgaha bahalka ka jiro, oo haddii aan arko isaga oo agagaarka jooga eryado! Heer waxa ay i gaadhsiiyeen ay yidhaahdaan: ”ushaa dheer qaado, oo haddii uu kuu soo dhowaado dhengad kala daal!”
Calool-adaygga la igu beeray iyo dhiirrigelintaa laabta ayaan ku qaatay. Inkasta oo bahalkaa la ila collaysiiyay aanan weligayba arag, haddana waxa aan isu qaatay, muuqiisa goorta aan arko ninka ulayn doona in aan ahay.
Jabba waa ka danbeeyaa’e, goor cilcilloow ah aniga oo nirgihii xerada ku soo wada, waa ka dhanka qorrax u dhaca iska soo kay istaagay lugyarihii la igu diri jirey! Alla xaaladdu adakaa, oo naxdin weynaa! Kashii dhiirranayd ee in ay ku cararto oo ulayso la doonayay waa ta qabowday. Iyada oo madaxa saantu kor iiga kacday ayaa aan daymo cabsiyi ka badatay jalleecay. Waa uu soo taagan yahay. Afka ayaa uu dhaqdhaaqijinayaa. Dhareer afkiisa hoos uga da’aya ayaa aan arkaa. Ur xun oo aad u qadhmuun ayaa iiga soo uraysa. Nafta oo xawlalmariidka igu soo ururtayna miyirka ayaa ay dirqi ku sii haysaa. Ku carar iyo ulee iska dhaafoo, Ilaahayoow muu hore kuu cuno ayaa aan is leeyahay xaaladdan aad dhan uun u dhaaftide. Aniga oo qayuuran, carrabkuna i qallalay ayaa uu bahalkii madaxa lullulay. In uu soo boodayo oo haf iga siinayo ayaa la iiga dhigay. Cumar Cabdi Magan, illeen in gaaban ayaa uu ii jiraa, oo isaguna bahalkan ayaa uu dhan ka shiishayaa! Kolkii uu bahalku qoortiisa dhaqdhaqaajiyay, inta aan taagnida hayn waayay ayaa aan fadhiistay. Kadalloob ma xammilahayne, salka ayaa aan dhulka dhigay. Sidaa kolkaan u fadhiistay, ayaa uu laba xabbadood oo darandoorri ah Cumar ku ganay bahalkii aragtidiisu ajasha i dhaafin gaadhay. Anigu Cumar kolka hore ma arkayn, daryanka afjeexa uu xabbadaha ka riday ayaase xuubka dhegaha i dillaacin gaadhay. Bahalkii calyada qubayay ee i soo eegayay dhulka inta uu dhacay, ayaa uu oohin qalbi-xanuun leh “uhu’huhuu” yidhi. Kolka aad ku cararto waa uu ooyi waa tii la igu yidhiye, Allaylehe kolkii ay saalbo feedhihiisa ka dustay sambabbadana daloolisay waa kaa huuraalihii sida xun u ooyay!
Cumar baa meel woqooyi bari iga xigta aayar ka soo dhaqaaqay. Kolkii aan arkay, ayaa ay naftii iga sii gurmaysay dib iigu soo noqotay, oo aan soo hinqaday. Degdeg inta uu ii dhaafay, ayaa uu bahalkii oo dhulka galgalanaya is dul taagay. Uma aan dhowaan, oo aniga weli cabsidii baa igu sii jirta. Cumar oo qorigii aayar degta ku sita ayaa rafadkii dhurwaaga ku qoslay. Waar ninku belaayaysanaa! Ma bahalkii araggiisu argagaxa i geliyay ayaa uu dul taagan yahay, oo weliba ku qoslayaa?, ayaa aan isweyddiiyay. Cumar bahalkii oo qiriric leh ayaa uu cabbaar sii dul taagnaa.
Cabsidii ilbidhiqsiyadaa kooban i qabsatay mid le’eg ayaa aan dhowaanahan ku arkay laba nin oo aanu saaxiib nahay. Labada nin magacyadooda midba labada xaraf ee u horreeya haddii aan soo qaado BURCUM ama CUMBUR ayaa ay isku noqonayaan. Labadaa nin, midna fulaynimo kuma aqoon jirin, kolkiise iigu danbaysay sidii lix jirkaygii afqashuushluhu soo jalleecay ayaa ay u kayrkarayeen. Ha kelyo nuglaadeen, oo haba kayrkayreene, hal iga gadmi waayay waxaa ah shayga ay sidaa uga cabsanayaan. Kolkol baa aan doonay, sidii waagii aan lix jirka ahaa la ii dhiirrigelin jirey oo kale in aan u dhiirrigeliyo. Waxa ay nimankaasi ka baqanayaan haddii aan kuu sheego waa aad la yaabi, oo giiryaalennimadooda waa aad liqi waayi. Aadmigu wax nool ayaa uu ka baqaaye, nimankaa waaweyni wax nooluhu sameeyo ayaa ay ka baqayaan! Labadaa nin, waxaa baraqnugleeyay wax la yidhaahdo “afkaar” (aragtiyo). Alle idin doori ma idhaahdaa? Mayee waxba yaanan habaarin, cadowgooda ha u noolaadeene. “Afkaar dhaqankeenna iyo diinteenna ku liddi ah ayaa socota; rag baa u soo biyaystay, oo in daad la innagu soo faruuraa la doonayaa…” waxaas iyo wax la mid ah ayaa ay shubaan. Dhawr jeer kolkii aanu isu af baxnay, marbaa waxa aan u sheegay cabsida qaarkeed in ay dhimashada soo deddejiso. ‘Haddii aad cabsidaa iska deyn waydaan, dhinta Ilaahay idankii,’ ayaa aan mar ku idhi. Waxaa dhegobarjeeyay, oo walwal ku riday dhawr qormo oo niman sida waraabihii aan sheegayay u soo gaggabanayaa meelahaa ku qorqoraan. Duf ha ku baxeen fuleyaasha xumi’e, kol baa aan ku canaantay: ‘waar ku yaaca waraabaha waa lagu cararaaye!’ Ma nin caqli ka baqanaya ayaa ciidan kuu geli? Maye oo dhalatay weeye.
Si kasta oo aan u dhiirrigeliyay, kolkii aan cabsidii ka tiri kari waayay, waxa aan mar uga sheekeeyay qiso qarnigii hore dhacday. Nabadshe nin la odhan jirey ayaa lagu sababay oo gacantiisa ku dilay abtigii oo Aadan-Jugle lagu magacaabi jirey. Sababta gabadh uu saddex jeer kaga xooloqaatay oo haddana uu dhaafiyay ayaa lagu sheegay. Nabadshe, kolkii uu abtigii dilay, inta la soo qabtay ayaa maxkamad Burco ku taalley la soo taagay. Xaakimkii maxkamadda, oo malaha gumaystihii Ingiriiska ka amar qaadanayay ayaa su’aal weyddiiyay. Waxa uu ku yidhi: “Nabadshoow, ma qirsan tahay in aad ninkaa gacantaada ku dishay?” Halkii wax kale laga eegayay, Nabadshe tix uu su’aasha xaakimka kaga jawaabayo waxa uu ku yidhi:
“Kelyo nimaan lahayn baa baqa’e keni adayggayga
Iyo Aadan kaalkaan la dhacay kari ogaantiisa
Iyo sidaanan ugu kaadinnine kaw ugaga siiyay!
Waar ninka anigaa dilay, warankaan ku dhisaalayna si fiican ayaa uu uga dhex baxay, anna ma cabsadee ninka ugu hogeeyay baan ahay, weeye jawaabtiisu. Dhinac waxa uu muujiyay, godob in uu tirsaday, kolkii uu si kale u lillayn waayayna gacantiisa ku ciilbaxay. Jeerkaan qisadan u sheegayay, qasdigaygu waxa uu ahaa; walax ay u baqayaanba haddii ay jirto, geesinnimadu laba jeer noolaansho in ay tahay. Weli fulaynimadii kama ay tegine waxa aan haatan u sheegayaa; haddii ay cabsidaa la sii noolaadaan, iyagu ha u baxeene, Cumarkii ifisada ku bakhtiiyay dhogorxume oo badani in uu maanta arlada ku nool yahay. Cumarro shiishyahan ah oo aan la seegin ayaa meel kasta jooga, idinna lix jirkii nirgaha lagu aamminay baad tihiine dhurwaaga ka ooya!
Maxamed Muxumed Cabdi (Haykal)
E-mail: Maxamedhaykal020@gmail.com
Facebook: Maxamed-haykal
Bristol-UK