Hordhac

©Freepik [edited]
©Freepik [edited]
“Xasilid la’aanta af-soomaaligu aad bay u daran tahay. Dhibaha guud oo uu afafka kale la wadaago waxaa ka mid ah, afka oo sidiisaba wax nool u ah oo intaas xuubsiibanaya iyadoo ereyo cusubi dhalanayaan, kuwo hor u jireyna ama dhimanayaan ama macne kale yeelanayaan, iyo iyadoo cilmi waliba “ereybbax” cusub uu samaysanayo, … Dhibaha isaga u gaarka ahi waxay ka imanayaan xagga af-soomaaliga oo aan ahayn af xasilay; waa af lagu hadli jirey keliya oo aan qornaan jirin; qoristiisu waa haddeer dhoweyd (1972) oo weli uma kala bixin heerar kala sarsarreeya. Afafka in badan qornaa oo la oran karo waa xasileen ama waa degeen, waxaa aalaa ereyadooda loo kala sooca a) kuwo qoraalka u gaar ah, b) kuwo dadweynuhu ku hadloo heer gooniya ah, c) kuwo lahjadeed (ama “afguri”), iyo, d) kuwo jaadad kale ah (yaan loo qaadan in qaybahaan laftoodu cilmi ku dhisan yihiin).

Af-soomaaligu waa af qorid lagu bilaabay, oo hadda weli qolo waliba  moodeyso in ereyada gobolkeeda u gaarka ahi, ay af-soomaaliga “sare” yihiin kuwa kalena “afguri”. Taasi ma aha, in wixii afka ka soo baxa oo lagu hadloba la qoray oo qaamuuska la geliyey. Muddo kaddib, kolkii af-soomaaligu – sida kor fagu sheegay – uu xasilo, isaga ayaa dhinac, dan u kala soocmi doona, oo heerar iyo midabyo kala yeelan doona, dhinaca kalena inta isku darma oo is dheeha, isku dubbadhici doona oo midoobi doona. Waxaa soo bixi doona qaamuusyo badan oo ama laamo cilmi oo kala gaar ah ku  saabsan, ama gobollo kala duwan laga qoray, oo gobol walba ereyada u gaarka ah laga helo, si ay dabadeed dalka iyo dugsiyada ugu wada faafaan oo afku si run ah u midoobo.”

1976dii ayaa ay ahayd markii Yaasiin Cusmaan Keenadiid uu qoraalkan ku daray bilowga qaamuuskiisa caanka ah. Ilaa iyo maantana afkii ma xasilin oo wareer badan ayaa ka taagan habkii loo qori lahaa. Xasilooni la’aantan ilaa hadda taagani dhawr sababood ayaa ay leedahay. Labada ugu waaweyni waa in aysan jirin hay’ad ama guddi sidii la rabey isugu hawsha oo baadhitaan iyo habayn ku samaysa. Sababta labaadi waxa ay ka dhalatay dadkii oo intoodii badnayd aysan dan ka lahayn iskuna hawlin hab-qoraalka wanaagsan. 

“Tusaha Habka Qoraalka” ujeeddada laga leeyahay waa in uu talabixin dhanka qoraalka ah u noqdo ciddii af Soomaali wax ku qoraysa. Waxa aad ka heli doontaa talooyin ku saabsan sixidda higgaadda, wanaajinta qoraalka, xulashada ereyada, iyo qaaciidooyin guud oo wanaajinaya qoraalka.


 


Xigasho

Qaamuuska Af-Soomaaliga, Yaasiin Cusmaan Keenadiid, bb.xv-xvi.

Print Friendly