Home / Tusaha Habka Qorista

Tusaha Habka Qorista

Shinbirmalab, Buli, Maris. Qaamuuska Keenadiid.
Shinbirmalab, Buli, Maris. [Public Domain]

“Waa shimbirka dadka u horkaca meel uu malab ku soo arkay, ama meel libaax fadhiyo.” 


 ***
SIRTA NOLOSHA
“Garashadu Sahraay ruuxa
Sed u gaara weeyaane
Hadduu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluuggeedu
Dadku siigga dida maaha
Sogob iyo ri’ weyn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha
Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa
Socodkiyo abbaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa 
Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah
Wuxuu soofka xoolaaba
Kaga soocan yahay weeye
Waxan uga socdaa heedhe
Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doonto, 
***
Hadalkana sar weedhiisa
Una saaf qofkii waaya
Ha ka tegin sarbeebtiisa
Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa
Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa
Runta sogordoh haw yeelin
Ha suldaarin dooddiisa
Sisibaa wadaaggiisa
Sababee abbaartaada
Hana badin su’aashiisa
Sarrifkiyo tilmaantiisa
Saddex erey halkii dooni
Soddon yaanay kaa qaadan
Siddi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda
Gacantana ha saydh-saydhin
Hana odhan wax sawliila
***

Xigasho

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl, Faarax M. J. Cawl.

Sirta Nolosha, Hadraawi. Hal Ka Haleel, Maxamed Baashe, bogga 118-119.

 

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *