Home / Buugaag

Buugaag

Akhriso ama Dejiso

Bayoolojiga Dugsiga Sare 1

Stars, Seasons and Weather in Somali Pastoral Traditions (English)

________________________________________________________________________

“Waan soo socdaa kow dheh, Waxna waan sidaa laba dheh”

Waxaan idiin so wadnaa buugaag ka hadlaya mawduucyo kala duwan. Tusaale ahaan, waxaanu akhristayaashayada u diyaarinaynaa buugaag taxane ah oo aan ku magacawnay Gundhig, ujeeddadooduna ay tahay in ay akhristaha aqoonta gundhigga ama asaaska ah ka siiyaan hadba mawduuca buuggu ku saabsan yahay. Taasina waxay akhristahay u fududaynaysaa in uu fahan guud oo wanaagsan ka qaato mawduucaas, awoodna u lahaado inuu si qotodheer u sii dhexgalo isaga/ iyada oo aan ku wareerin.

Si aad u la socotid wixii cusub, fadlan isdiiwaangeli oo rukumayso wargeyskayaga, ama email noo soo dir: wargeys@garanuug.com.

Waxaanu gacmo furan ku soo dhowaynaynaa qorayaasha danaynaya in aan faafinno qoraalladooda iyo buugaagtooda, annaga oo isku taxallujinayna in aanu soo saarno qoraallada na loo soo gudbiyo ee noo cuntama. Nagala soo xidhiidh faafin@garanuug.com ama baraha bulshada ee summadahoodu boggan ka muuqdaan.

Print Friendly

6 comments

  1. Aad ugu farax sanahay ku biirida mereegtaan garanuug

  2. Hambalyo kal iyo lab ah ayaan dusha idin kaga tuuray guud ahaantiin bahda Garanuug.com. Runtii aadbaan u jeclaystay qormo cilmiyeedka aad waqti, aqoon iyo maskaxba iskugu geyseen. Waxaan idinku dhiiri gelinayaa inaad howshaan sii labo jibbaartaan. Waa arimo baahi aan lasoo koobi Karin ay Dadka ku hadla Af-Soomaaliga u qabto inay helaan degel ay ka dheehdaan cilmiga oo ku qoran Afkooda hooyo. Waxaan si gaar ah u codsanayaa in buugaagta aad soo waddaan soo dedejisaan, waxaanan Alle idiin kaga baryayaa inuu idinla garab galo. Mar labaad waxaan si gaar ah u codsanayaa inaad buugaagta ku soo dartaan Xisaabta Dugsiga dhexe iyo Sare oo ah manhajkii Dowladdi Kacaanka.

    Wabillaahi Towfiiq

  3. Abdiwahab Haji Farah

    Eebbe ha idinku guuleeyo dadaalka aad wadaan, run ahaantii Cilmiga Sayniska luqad kale kagama boganeysid ee aanan aheyn luqadaada.

    Garanuug waxa ay ii noqotey goob tixraac oo markaan ku yara wareero eray bixinta Biyolojiga aan ku yara nafiso.

    Mahadsanidiin

Leave a Reply to admin Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *