Qof baa igu yidhi: Ii tilmaan waxa ugu yar ee ay xujadu ugu oogmayso ahlul cilmiga si warku taabbagal ugu noqdo.
Waxaan idhi: Waa warka hal qof ka soo tebiyo hal qof oo kale ilaa sidaa lagu gaadhayo Nebiga ama ciddii kale ee uu warku ku arooro.
Warkaasna la xujeysan maayo ilaa laga helo arrimo ay ka mid yihiin:
In qofka wariyay yahay qof diintiisa lagu kalsoon yahay, oo lagu yaqaan in uu warkiisa runta ka sheego. Waa in uu yahay qof dhugmo iyo fahan u leh waxa uu ka warramayo. Sidaa awgeed, waa in uu garanayo weedhaha beddeli kara macnihii warka. Haddii kale, waa in uu ereyadii uu maqlay sidoodi u soo tebiyaa, ee uusan macnihii uun ku warin. Sababtuna waa in haddii uu macnihii ku wariyo isaga oo aan garanayn waxa macnaha beddeli kara, uusan ogaanayn haddii uu xalaashii u beddelo xaaraan. Haddiise uu isla ereyadiisi ku sii gudbiyo, ma jirto sabab looga cabsado in uu warkii beddelay.
Waa in uu yahay xaafid haddii uu xifdigiisa ka sheegayo xadiiska. Haddii kitaabkiisi uu ugu qornaa uu ka warinayana, waa in uu kitaabkiisu u dhowran yahay oo ilaashan yahay. Dadka xifdiga lagu yaqaan wax ay wariyeen haddii uu wariyo, oo uu warka la wadaago, waa in uu warkooda oo kale wariyaa oo waafaqaa.
Waa in uu ka nabadqabo mudallisnimo, taas oo ah qof uu la kulmay in uu ka wariyo wax uusan ka maqlin.
Waa in uu ka nabadqabo in uu Nebiga ka wariyo wax khilaafsan wixii ay Nebiga ka wariyeen thiqaad-ku (culimada xifdigooda iyo wargalnimadooda iyo suubbanaantooda lagu kalsoon yahay).
[1002]
Qofka ka korreeya ee isaga u warramayna intaa oo kale ayaa laga doonayaa, ilaa warkii oo xidhiidhsan uu galo Nebiga ama ciddii kale ee uu ku dhammaanayay. Maxaa yeelay, mid walbaa wuxuu warka u xaqiijinayaa oo u sugayaa cidda uu u warramay, waxa uuna ka sugayaa ciddii isaga u warrantay, oo midkoodna looga ma maarmo arrimahaa aan tilmaamay in laga helo.
Wuxuu yidhi: Maadaama aanan khibrad badan u lahayn waxan aad xadiiska ka sheegtay, iigu faahfaahi wax kale oo aan ku garan karo khibradna aan u leeyahay.
Waxaan idhi: Ma waxaad rabtaa inaan kuu sheego wax kale oo midkan looga qiyaas qaadan karo?
Wuxuu yidhi: Haa.
Waxaan idhi: Kani sidiisa ayuu asal ku yahay, wax kalana looga qiyaas qaadan maayo. Maxaa yeelay, qiyaasku wuu ka tabar yar yahay asalka.
Wuxuu yidhi: Ma doonayo inaad qiyaas ka dhigtid, ee iigu tusaalee wax markhaatigalinta (shahaadaat; الشهادات) ka mid ah oo la wada garan karo.
Waxaan idhi: Waxaa dhacda in uu markhaatiyada wax kaga duwanaado, waxyaalana la wadaago.
Wuxuu yidhi: Oo halkee kaga duwan yahay?
Waxaan idhi: Xadiiska waxa aan ka aqbalayaa hal nin iyo hal haweenay, labadaa midkoodna keligii markhaati ka aqbali maayo. Xadiiska waxaan aqbalayaa in la yidhaahdo: “Hebel wuxuu Hebel iiga warramay,” haddii uusan wariyuhu mudallis ahayn. Markhaatigase aqbali maayo wax aan ahayn: “Waxaan maqlay,” ama “waxaan arkay,” ama “wuxuu i markhaati galiyay”.
Sidaa oo kale, xadiisyadu way iskhilaafi karaan, markaana qaarkood ayaan qaadanayaa aniga oo daliishanaya Kitaabka ama Sunne ama Ijmaac ama Qiyaas. Laakiin, markhaatiyada sidaa lama samayn karo laga mana helaba.
Waxaana jira dad dhammaantood markhaatigooda la qaadanayo, aananse xadiiskooda aqbalayn. Sababtuna waa inay xadiiska gali karaan waxyaalo badan oo beddela, ama laga tago qaar ka mid ah ereyadii macnaha saamaynayay. Dhanka kale, xadiisku wuxuu markhaatiga la wadaagaa waxyaalo kale oo aan kuwan ahayn.
[1015]
Wuxuu yidhi: Intaad sheegtay ee ah in aadan xadiiska ka aqbalayn qof aan ahayn: thiqah, xaafid ah, oo garanaya wixii beddelaya macnaha xadiiska — waa sidaad sheegtay, ee maxaad isla sidaa u odhan wayday markhaatiyadana?
Waxaan idhi: In macnaha xadiisku doorsoomo ayaa ka qarsoomid badan in macnihii maraggu isbeddelo. Sidaas darteed ayaan taxaddar dheeraad ah xadiiska uga sameeyay.
Wuxuu yidhi: Kanna waa sidaa aad sheegtay. Laakiin, waxaan qaadan waayay: haddii cidda laga warinayaa ay tahay thiqah, oo uu isna ka wariyay nin aadan adigu garan thiqannimadiisa — sababta aad u diidday in aad ku raacdid thiqadaas oo aad malaha u wanaajisid, ee aadan ugu qaadanayn in cidda uu ka warinayaa ay tahay thiqah kale uun, yaadanba adigu garan e!
Waxaan ku idhi: Ka warran afar qof oo markhaatigal ah (عُدول), oo faqiihyo ah, oo ka markhaati kacay maragfurka labo markhaati ku sheegeen in nin xaq ku leeyahay nin kale — arrinka ma ku xukumaysaa markhaatigaas iyada oo aysan afartu kugu odhan labada markhaati waa markhaatigal?1
Wuxuu yidhi: Maya, markhaatigoodana wax ku goyn maayo ilaa aan ogaado cadlinnimadooda , taas oo aan ku ogaanayo in afartu ansixiyaan ama cid kale ansixiso, ama aan aniguba ogahay inay cadli yihiin.
Cadli (عدل): qof diin ahaan iyo dhaqan ahaanba u suubban.
Waxaan ku idhi: Oo maxaad ugu aqbali wayday isla sababtii aad i faraysay inaan xadiisku aqbalo, oo aad u odhan wayday: ma aysan u markhaati fureen haddii aysan u arki lahayn inay cadli yihiin?
[1021]
Wuxuu yidhi: Waxay u markhaati furi karaan qof agtooda cadli ka ah iyo qof ay yaqaannaan oo aysan cadlinnimadiisa aqoon labadaba. Markaa haddii taasi markhaatigoodi soo gali karto, iima furna inaan aqbalo markhaatiga qof ay u markhaati kaceen ilaa ay cadlinnimadiisa sheegaan, ama aan anigu garto cadlinnimadiisa iyo cadlinnimada qofka agtayda uga markhaati kacay cadlinnimada cid kalaba. Mana aqbalayo in markhaati uu ka markhaati kaco cadlinnimada markhaati kale aniga oo aan garan isaga cadlinnimadiisa.
Waxaan idhi: Isla xujada adiga halkan kuugu jirta ayaa xujo kugu ah, mar haddii aadan aqbalayn warka qof runsheeg ah uu ka soo tebinayo qof aynaan runtiisa aqoon.
Dadkuna sida ay isaga dhowraan inay ka markhaati kacaan maragga qof ay cadlinnimadiisa yaqaannaan oo kale, uguma dedaalaan iska dhowridda inay aqbalaan wax aan ahayn xadiiska qof ay og yihiin saxnimada xadiiskiisa.
Waxaa dhacda inuu nin la kulmo nin kale oo ay ka muuqdaan astaamihii khayrku, ka dibna uu niyad wanaag ku qaabilo oo uu xadiiskiisa qaato, uuna aqbalo isaga oo aan xaalkiisa aqoon. Ka dib uu yidhaahdo: ‘Nin la yidhaahdo Hebel ayaa sidaa ii warramay,” — iyada oo laga yaabo inuu rejaynayo inuu cilmiga xadiiskaas ka helo cid thiqah ah, oo uu markaana xadiiska ka qaato thiqadaas; ama uu u sheegayo xadiiska diidmo ahaan iyo la yaabid, amaba qaflad (mooganaan) ay ka tahay inuu ninkaas wax ka wariyo.
Welina lama aanan kulmin qof ka nabadqaba inuu wax ka wada wariyay thiqah xaafid ah iyo mid aan labadaaba ahayn. Markaa arrinkaa waxaan ka yeelay wixii iga la gudboonaa, oo cid kasta inaan xaalkeedu ogaado ayaan rabaa ee qofna warkiisa iska qaadan maayo.
Isku si ayaan caddaymo ugu raadinayaa runsheegnimada qofka ii warramay, iyo runsheegnimada qofka isaga ka sarreeya ee u warramayba. Maxaa yeelay, kulligood waxaan uga baahnahay waxa aan uga baahnahay midkooda aan la kulmay. Sababtuna waa in mid kastaa ansixinayo warka cidda ka sarraysa ee uu ka qaatay, cidda ka hoosaysana u sheegayo inuu sugan yahay.
[1028]
Wuxuu yidhi: Haddaba maxaad u aqbashay qofka mudallisnimo aadan ku ogeyn in uu yidhaahdo “عن”, iyada oo ay suuragal tahay in uusan ka maqlin qofka uu ka warinayo?
Waxaan ku idhi: Muslimiinta cadliga ahi waa wargal warkooda la qaadanayo marka ay iyaga naftooda joogto. Xaaladdooduna markan way ka duwan tahay marka ay arrintu cid kale ku saabsan tahay. Sow ma aragtid haddii aan naf ahaantooda cadlinnimo ku ogahay inaan markhaatigooda aqbalayo, haddiise ay ka markhaati kacaan maragga cid kale aanan ciddaa kale markhaati ahaan u aqbalayn ilaa aan xaalkeeda ogaado?
In aan garanayo cadlinnamadoodu kama dhigna in aan garanayo cadlinnimada cidda ay ka markhaati kaceen maraggeeda. Wixii ay iyagu ka warramaan iyo wixii ay magacaabaan saxnimo ayaa la xisaabinayaa, ilaa aan falkooda ka aragno wax taas khilaafsan. Markaana waxaan iska ilaalinaynaa meesha ficilkoodu ku khilaafay wixii laga rabay.
Degaankayagana kuma aannan aqoon tadliis [in qofku mudallisnimo wax ku wariyo] — dadkii naga horreeyay iyo intii aan soo gaadhnay ee jaalkayaga ahaa, ilaa laga soo gaadhay xilliyadan dambe mooyaan e. Sababtuna waa in dadka qaar war ka aqbaleen cid haddii uu iska dayn lahaa ay u roonaan lahayd.
Ninku in uu yidhaahdo: “Waxaan maqlay (سمعت) Hebel oo leh waxaan maqlay (سمعت) Hebel,” iyo in uu yidhaahdo: “Hebel wuxuu (حدثني) iiga warramay (عن) Hebel” — waxay ahaayeen isugu mid, oo midkoodna qof uu la kulmay kama warin jirin wixii uu ka maqlay wax aan ahayn xataa haddii uu (عن) adeegsado.
Qofkii aan ku ogaanno inuu hal mar tadliis sameeyay, wuxuu noo fayday iinta warintiisa ku jirta. Iintaasina ma aha been keenaysa inaan tuurno xadiiskiisa oo dhan, mana aha daacadnimadii runsheegidda oo aan markaa isaga warka uga aqbalayno isla sida aan uga aqbalayno dadka runsheeggoodu daacadda yahay.
Markaa waxaan leennahay: Mudallis ka aqbali mayno xadiis ilaa uu xadiiska ku wariyo: “Wuxuu ii warramay; حدثني“, ama “waxaan maqlay; سمعت“.
Wuxuu yidhi: Waxaa muuqata in aad aqbalaysid markhaatiga qof aan xadiiskiisa la aqbalayn.
[1037]
Waxaan idhi: Sababtu waa in xadiiska arrinkiisu weyn yahay, uuna kaalin weyn ugu jiro Muslimiinta. Intaa waxaa sii dheer sabab kale oo muuqata.
Wuxuu yidhi: Oo maxay tahay sababtaasi?
Waxaan idhi: Hal erey oo xadiiska ka mid ah oo laga tagay ayaa macnihii xadiiska beddeli kara. Ama waxaa loogu dhawaaqayaa si ka duwan sidii muxaddisku u yidhi — iyada oo qofka ku dhawaaqayaa uusan uga jeedin beddelidda xadiiskaba, markaas ayaa macnihii xadiisku isbeddelayaa.
Haddii qofka xadiiska sidaa uusan garanayn macnahan, xadiiskiiba ma fahmayo. Sidaa awgeed, xadiiskiisa aqbali mayno haddiiba uu sido wax uusan fahmayn, islamarkaana xadiiskii uusan ku warinayn isla ereyadiisi, ee uu rabo in uu ku sii wariyo macne ahaan uun, isaga oo aan macnihii fahmayn.
Wuxuu yidhi: Markaa ma jiraa cadli aan xadiiskiisa la aqbalayn?
Waxaan idhi: Haa, haddii uu yahay sidaa aan tilmaamay waxaa dul hoganaya tuhun cad oo lagu tuurayo xadiiskiisa. Ninku cadli (wargal) ayuu ku ahaan karaa dadka kale arrimahooda, laakiin tuhun baa saarnaan kara marka ay joogto naftiisa iyo qaar qaraabadiisa ah. Waxaana laga yaabaa inuu meel dheer ka soo dhaco in ay uga fududdahay in uu marag baadil ah sameeyo.
Laakiin, maadaama tuhun galay, tuhunkaas dartii ayaa markhaatigiisi looga tagay. Haddaba, tuhunka saaran qofka aan xadiiska ku gudbinayn ereyadiisi, isaga oo aan macnayaashiisa fahmayn, ayaa ka cad tuhunka saaran markhaatiga maraggiisa lagu diidayo xaalad lagu tuhunsan yahay.
Markhaatigana waxaa lagu qiimayn karaa wixii ay ka marag kaceen, oo haddii aan ku helno eex muuqata ama danayn iyo u iilasho dheeraad ah oo ku aaddan cidda ay u markhaati furayaan, ma aqbalayno maraggooda.
Haddii ay ka marag furaan arrin sii ridan oo qotadheer, oo fahanka waxa ay ka marag fureen wax la mid ahi uu ka hoos baxayo — ma aqbalayno markhaatigooda. Maxaa yeelay, maba garanayaan macnaha waxay ka marag fureen.
[1044]
Muxaddiiskii qaladkiisu bato, ee aan lahayn kitaab saxan oo asal u ah — isna ma aqbalayno xadiiskiisa, isla sida aannan u aqbalayn markhaatiga qofkii qaladkiisa maragfurku uu bato.
Ahlul xadiiskuna waa ay kala duwan yihiin, oo waxaa ka mid ah qaar lagu yaqaan aqoonta xadiiska, oo ku hawlanaa raadintiisa iyo ka barashadiisa iyo ka maqliddiisa aabbe, adeer, ehel, iyo saaxiib; laguna yaqaan in ay waqti dheer la qaateen culimada ka doodda xadiiska ee ruugcaddaaga ku ah. Qofkii sidaa ahna waxaa laga dhigayaa hormuud dhanka xifdiga, oo haddii cid kale oo ka baydgaabsan ay xadiis ku khilaafto, isaga ayaa baydgaabkaas khilaafay ka mudan in xadiiskiisa la aqbalo oo la qaato.
Ahlul Xadiiskana waxaa lagu qiimaynayaa: haddii ay wadaagaan xadiis ay hal nin ka wada wariyeen, in midkoodba xifdigiisa lagu cabbiro waafaqsanaanta ahlul xifdiga. In uusan xifdi wanaagsanaynna waxaa lagu garanayaa in ay ahlul xifdigu ku khilaafaan waxa uu warinayo.
[1048]
Warintii haddii ay iskhilaaftana middeeda dhowran (المحفوظ) iyo qaladka galayba waxaan ku ogaanaynaa habkan iyo habab kale oo inna tusinaya runta, xifdiga, iyo qaladkaba. Meel kale ayaanna ku caddaynay.
Waxaanna Alle weydiisanayaa tawfiiqda.
[Faqrooyinka 998 ilaa 1048 ee dabcadda Sheekh Axmed Shaakir.]
- Labo qof oo markhaati ah ayaan maxkamaddii iman. Waxay wakiisheen afar markhaatigii ka qaada oo qaadigii u geeya. ↩︎