Guud ahaan unugyadu waxa ay u kala baxaan laba qaybood iyada oo lagu kala saarayo bu’da unugga. Waxaa jira unugyo, sida baktiiriyada, aan lahayn bu’ oo qalabka hiddesideyaashoodu (DNA-doodu) dhextaallo saaytobalaasamka. Unugyadan waxaa lagu magacaabaa borokaaryootik (prokaryotic) (Jaantus 3.20), inta badanna waa ay yar yar yihiin, dhiskooduna aad uma horumarsana, waxa ayna u badan yihiin hal-unugley (unicellular; yuni-sel-yular).
Sidii aan soo aragnay, unugyada xoolaha iyo dhirtu waxa ay leeyihiin bu’ laga helo qalabka hiddesideyaasha unugga, waxaana lagu tilmaamaa in ay yihiin yuukaaryootik (eukaryotic) (Jaantus 3.19).
Unugyada yuukaaryootigga ahi inta badan waa ay ka weyn yihiin kuwa borookaaryootigga ah, xagga dhiskana waa ay uga horumarsan yihiin, waxa ayna caan ku yihiin xubnoyareyaal xuub ku dahaadhan yahay, sida bu’da, maaytokondiriya, indhoobalaasmik retiklamka iyo qalabka Golji. Xubnoyareyaalkani waa ay ka maqan yihiin unugyada borokaaryootigga ah, maxaa yeelay, yaraantoodu waxa ay u suuragelinaysaa in ay si fudud hawlahooda u qabtaan iyaga oo aan dhexdooda kala qoqobin. Yuukaaryootiggu waxa ay u baahan yihiin khaanado kala duwan oo midiba hawl u gaar ah ay fuliso.
Ku noqo TUSMADA
Waad salaa man tihiin dhamaan waxan ahay arday waxan bilaabay wax barasho oo kurso dugsiga huuse iyo dhaxe waxan rabay in aan wax badan aan fahmo