[1160]
Sufyaan iyo Cabdulwahaab waxay nooga warrameen Yaxyaa ibnu Saciid oo ka warinaya Saciid ibnul Musayab in Cumar ibnul Khaddaab uu suulka ka xukumay shan iyo toban neef oo geel ah, midda xigtana toban, fardhexadana toban, midda faryarada xigtana sagaal, faryaradana lix.
Maadaama — wallaahu aclam — uu Cumar ogaa in uu Nebigu ﷺ gacanta ka xukumay konton, gacantuna ay ka kooban tahay shan farood oo ku kala duwan dhanka quruxda iyo adeegsigaba, wuxuu u kala dhigay sidan, far kastana wuxuu u xukumay intii kaga beegantay magta cumaacumta (kafka), waana qiyaas lagu dhisay warka.
Haddaba, markii aan helnay qoraalkii Reer Camr ibnu Xazm, oo ay ku qornayd in Rasuulkii Alle yidhi: “Far kasta oo halkaas ku taalna waa toban geel ah,” ayay isagii qaateen culimadu.
Qoraalka Reer Camr ibnu Xazmina ma aysan qaateen culimadu — wallaahu aclam — haddii aysan xaqiiqsan in uu yahay qoraalkii Rasuulka Alle.
Xadiiskanina wuxuu muujinayaa labo arrimood: Middood waa aqbalidda warka, midda kalana waa in warka la aqbalayo marka uu sugnaado xataa haddii uu yahay wax cusub oo aysan hore ugu dhaqmin.
[1165]
Waxaana uu tusinayaa xataa haddii imaamyada midkood uu hore wax u sameeyay, dabadeedna uu helay war Nebiga ka yimid oo khilaafsan wixii uu sameeyay, in uu falkiisa ka tagayo oo uu qaadanayo warka Rasuulka Alle.
Waxaa kale oo uu tusinayaa in xadiiska Rasuulka Alle uu iskiisa ku sugnaanayo, ee uusan u baahnayn in cid kale ku dhaqantay Nebiga gadaashii.
Qoraalkaas markii la helayna Muslimiintii ma aysan odhan: ‘Cumar ayaa nagu dhaqay wax warkan ka duwan iyada oo ay joogaan Muhaajiriintii iyo Ansaartii, idinka iyo cid kale toonina ma sheegin inaad haysaan wax khilaafsan’ — ee waxay ku dhaqaaqeen waajibkii saarnaa ee ahaa aqbalidda warka Rasuulka Alle iyo ka tagidda fal kasta oo khilaafay.
Haddii warkani uu Cumar gaadhi lahaana wuxuu ugu dhaqmi lahaa, insha Allaah, isla sidii uu ugu dhaqmay kuwii kale ee ka soo gaadhay Rasuulkii Alle. Sababtuna waa Alle-ka-cabsigiisi, gudashadiisi waajibka ka saaran raacitaanka amarka Rasuulka Alle, iyo cilmigiisi; iyo weliba in aysan jirin cid Rasuulka Alle la wadaagta amar iyo arrin, addeecitaanka Allana uu ku jiro raacitaanka amarka Rasuulka Alle.
[1169]
Haddii uu qof yidhaahdo: Waxaad i tustaa Cumar oo arrin uu hore u sameeyay uga wareegay mid kale ka dib markii uu helay war ka yimid Rasuulkii Alle —
Waxaan idhi: Haddaan ku tusana?
Wuxuu yidhi: Waxay daliil u noqonaysaa labo arrimood. Mid waa in uu ra’yigiisa adeegsanayay haddii aan sunne la hayn. Midda kalana waa haddii sunnadii la helo inay waajib ku tahay in uu ka tago camalkiisi, dadkana waxaa laga rabaa in ay ka tagaan camal kasta oo la ogaado in uu sunnada khilaafsan yahay. Intaa waxaa dheer inay waxba-kama-jiraan tahay doodda ah: ’Sunnadu waxay sugnaanaysaa, oo ay meelmar noqonaysaa, marka la helo cid ku dhaqantay Nebiga ka dib.’ Waxaana halkaa lagu ogaanayaa in aysan Sunnadu ku wiiqmayn kuna waxyeelloobayn wax kale oo khilaafay oo ay madaxbannaan tahay.
[1172]
Waxaan idhi: Sufyaan wuxuu nooga warramay Zuhri oo ka warinaya Saciid ibnul Musayab in Cumar ibnul Khaddaab odhan jiray: “Magta waxaa leh tolka, haweenayduna waxba ka dhaxli mayso magta ninkeeda” — ilaa uu Daxaak ibnu Sufyaan u sheegay in Rasuulkii Alle isaga u soo qoray in uu xaaskii Ashyam ad-Dibaabiyi magtiisi wax ka dhaxalsiiyo, markaasna Cumar uu qaatay warkaas.
***
Sufyaan oo ka warinaya Camr ibnu Diinaar, iyo Ina Daawuus oo ka warinaya Daawuus, waxay soo tebiyeen in Cumar uu yidhi: “Waxaan abhinayaa qof Nebiga ka maqlay wax ku saabsan uurkujirta?”
Markaas ayaa waxaa istaagay Xamal ibnu Maalik ibnu Naabiqah, oo yidhi: “Waxaan dhex joogay labo dumar ah oo aan qabay — yacnii: dangalooyin —, markaas ayay middood tii kale ku dhufatay misdax (qorilawax/ qorikimseed/ qori teendhada kor loogu taago), waxayna soo ridday ilmo mayd ah. Rasuulkii Allana wuxuu ka xukumay addoon.”
Cumar wuxuu yidhi: “Haddii aannan maqli lahayn wax kale ayaan ku xukumi lahayn!”
Warin kalana waxay leedahay: “Waxaan ku sigannay inaan arrinkan oo kale ra’yigayaga ku xukunno!”
[1176]
Cumar qaabkii uu arrinka u xukumi lahaa wuxuu uga noqday xadiiska Daxaak dartii, ilaa heer uu khilaafay xukunkii naftiisu go’aamisay. Wuxuuna sheegay warkaas uurkujirta ku saabsan haddii uusan maqli lahayn in uu si kale u xukumi lahaa, oo wuxuu yidhi: “Waxaan ku sigannay inaan arrinkan oo kale ra’yigayaga ku xukunno.”
Arrinkan Cumar wuxuu muujinayaa — wallaahu aclam — marba haddii Sunnada lagu hayo in naftii ay tahay boqol geel ah, uurkujirtu ma dhaafsiisna inay nooshahay oo boqol geel ah loo qaadayo, ama ay dhimatay oo wax loo qaadayaa aysan jirin.
Xukunkii Rasuulka Alle ee arrinta ku saabsanaa markii looga warramayna Cumar wuu isu dhiibay, naftiisana uma oggolaan wax aan ahayn inuu Rasuulka Alle ku raaco wixii uu hore ugu khilaafay, iyo weliba wixii ra’yi ka ahaa ee aan wax ku saabsan ka soo gaadhin Rasuulkii Alle. Markii wax ficilkiisi khilaafsan soo gaadhayna wuxuu raacay xukunkii Rasuulka Alle, wuxuuna ka tagay xukunkii naftiisa. Sidaas ayaana dhaqan u ahayd mar kasta.
Dadkana sidaas ayaa laga rabaa in ay ahaadaan.
***
[1180]
Sidaa oo kale, Cumar oo Shaam u baxay, markii ay soo gaadhay in daacuun ka dillaacay, war uu Cabdiraxmaan ibnu Cawf u sheegay dartiis ayuu dadkii la socday ula laabtay Madiinah.
Mar kalana Cumar inta uu soo hadalqaaday Majuusta ayuu yidhi: “Ma garanayo wax aan arrinkooda ka yeelo.” Markaas ayaa Cabdiraxmaan ibnu Cawf ku yidhi: “Waxaan ka markhaati kacayaa inaan maqlay Rasuulkii Alle oo dhahaya: ‘Mariya jidka Ahlul Kitaabka.’”
Sufyaanna wuxuu ka wariyay Camr inuu maqlay Bajaalah oo leh: “Cumar jisyada kama qaadin ilaa uu Cabdiraxmaan ibnu Cawf uga warramay in uu Nebigu ka qaaday Majuustii Hajar.”
***
Xadiis kasta oo aan qoray isaga oo aan wadan silsilad xidhiidhsan (munqadic), waxaan maqlay isaga oo xidhiidhsan (mutasil), ama waxa uu qofka wariyay caan kaga noqday sootebinta dad badan oo ahlul cilmiga ah oo ka soo gaadhay dad badan. Laakiin, waxaan dhibsaday inaan qoro xadiis aan xifdi ahaan ii sugnayn, kutubtaydina qaar baa iga maqan, waxaanna halkan ku sugay wixii ahlul cilmigu yaqaanneen ee aan xifdisnaa [yacnii: wax hadal ka iman karo ma soo qaadan], waanna soo gaabiyay aniga oo ka cabsanaya in kitaabku dheeraado. Sidaas darteed, waxaan keenay intii ku filnayd, aniga oo aan gunta soo taabanayn cilmigan arrimihiisa oo dhan.
***
Haddaba, Cumar wuu aqbalay warkii Cabdiraxmaan ibnu Cawf ee Majuusta ku saabsanaa, jisyadiina wuu ka qaaday isaga oo weliba Quraanka akhrinaya: “… kuwa Ahlul Kitaabka ah ilaa ay jisyada gacanta ka dhiibaan iyaga oo dulleysan.”
من الذين أوتوا الكتاب حتى يعطوا الجزية عن يد وهم صاغرون
[At-Tawbah: 29]
Islamarkaana Quraanka ka akhrinaya in gaalada lala dagaallamo ilaa ay islaamaan; isaga oo aan wax Majuusta ku saabsan ka hayn Nebiga, ogsoonna inay yihiin gaalo aan Ahlul Kitaab ahayn. Cumar wuu aqbalay warkii Cabdiraxmaan ee Majuusta ku saabsanaa ee Nebiga laga soo wariyay wuuna raacay.
Xadiiska Bajaalana wuu xidhiidhsan yahay (mawsuul), oo Bajaalah wuu gaadhay Cumar isaga oo nin weyn ah, wuxuuna xoghayn u ahaa qaar ka mid ah guddoomiyayaashii Cumar.
***
Haddii uu qof yidhaahdo: Waxaa jirta in Cumar uu nin war u sheegay ka dalbaday cid kale oo warkiisa xoojisa.
Waxaa lagu leeyahay: Cumar wuxuu sidaas u sameeyay saddex sababood mid uun:
[1189]
Inay ka ahayd qaadashada taxaddar dheeraad ah, si uu ugu sii kalsoonaado warkaas, walow xujadu ku sugnaanayso hal qof warkiisa, haddana waxaa ka sugnaan badan warka labo qof — tirada badinteeduna wax aan sugnaan dheeraad ah ahayn warka uma sii kordhiso.
Waxaanba arkay dadka aaminsan in hal qof warkiisu yahay xujo sugan, qaarkood oo haddana dalbanaya war labaad. Waxaana dhacda isaga oo haysta sunne Rasuulkii Alle lagaga soo wariyay shan waji, in waji lixaad loogu sheego oo uu qorto kaasna. Maxaa yeelay, mar kasta oo wararku ay bataan (tawaatur) oo ay isxoojiyaan, xujo ahaan way sugnaan badan tahay, qofka maqlayaana naf ahaan wuu ku sii xasilayaa warkaas.
Waxaa kale oo aan arkay garsoorayaasha qaar aaminsan sugnaanshaha labo markhaati oo cadli ah iyo saddexba, oo haddana cidda loo maragfurayo ku leh: ‘markhaati kale iigu soo dar’, sababtuna waa inay tiradaas badan naftiisu ku sii xasilayso, haddii qofka loo maragfurayaa uusan labadaas markhaati cid kale ku soo darinna wuu ugu xukumayaa arrinta.
Waxaa iyaduna suuragal ah in Cumar uusan aqoon u lahayn qofka u warramay, oo uu sidaas darteed warkiisa uga joogsado ilaa uu uga imanayo qof uu garanayo oo u warammaa.
Waana sidaas oo qofkii war keena ee aan la garanayn, warkiisa lama aqbalayo. Warkana laga aqbali maayo, lagana qaadan maayo, cid aan ahayn qof lagu yaqaan in uu ehel u yahay warkaas oo mudan in laga sii wariyo.
Waxaa kale oo suurowda in qofka u warramayaa uu yahay qof uusan warkiisa aqbalin, sidaana uu ku diido warkiisa ilaa uu helo cid aan qofkaas ahayn oo uu warkeeda qaato.
Haddii uu qof yidhaahdo: Sababahaas middeed u aragtaan in uu Cumar ku dhaqmayay?
Waxaan leennahay: Haddii ay tahay warka Abuu Muuse, waa taxaddar. Maxaa yeelay, Cumar agtiisa Abuu Muuse wuxuu ka ahaa thiqah la aaminayo warkiisa, insha Allaah.
[1197]
Haddii uu qof yidhaahdo: Maxaa caddayn u ah?
Waxaan leennahay: Maalik ibnu Anas ayaa ka soo wariyay Rabiicah — oo isna ka wariyay tiro culimadoodi ah — xadiiska Abuu Muuse iyo in Cumar uu Abuu Muuse ku yidhi: “Kuma tuhmin ee waxaan ka baqay inay dadku been ka sheegaan Rasuulkii Alle.”
Haddii uu yidhaahdo: Waa munqadic [silsiladda lagu wariyay ma xidhiidhsana] — weli xujadu waa ay ku sugan tahay. Maxaa yeelay, ma dhici karto in qof Diinta imaam ku ah, Cumar iyo cid kale kuu ahaadaba, uu mar aqbalayo warka hal qof soo warinayo (taas oo ka dhigan in uu u arkayo xujo la cuskan karo), war la mid ahna uu mar kale diido. Waxaasi marnaba kama dhici karaan caalim waxgarad ah. Garsoorahana kama dhici karto in uu mar wax ku xukumo labo markhaati, mar kalana uu labada markhaati diido, haddii aysan ka ahayn in uu iimaynayo oo uu kalsoonidooda durayo, ama in uusan ogeyn cadlinnimadooda.
Cumarna waa baarka sare haddii ay tahay cilmi, caqli, ammaano, iyo fadliba.
Kitaabka Allana — tabaaraka watacaalaa — waxaa ku sugan daliilka waxa aan tilmaamay ee in xujadu hal qof ku sugnaanayso:
إنا أرسلنا نوحاً إلى قومه
“Annagaa Nuux u dirnay tolkii.”
ولقد أرسلنا نوحا إلى قومه
“Dhab ahaantii Nuux waxaan u dirnay tolkii.”
وأوحينا إلى إبراهيم وإسماعيل
“Waxa aan u waxyoonnay Ibraahiim iyo Ismaaciil.”
وإلى عاد أخاهم هودا
“Caadna waxaa loo diray walaalkood Huud.”
وإلى ثمود أخاهم صالحا
“Thamuudna waxaa loo diray walaalkood Saalix.”
وإلى مدين أخاهم شعيبا
“Madyanna waxaa loo diray walaalkood Shucayb.”
كذَّبت قومُ لوطٍ المرسلين إذ قال لهم أخوهم لوطٌ ألا تتقون إني لكم رسول مبين فاتقوا الله وأطيعون
“Reer Luud waxay beeniyeen Rusushii — markii walaalkood Luud ku yidhi: Maad cabsataan; Waxaan ahay Rasuul la idiin soo diray oo cad, ee Alle ka cabsada oo i addeeca.”
Nebigiisi Muxammadna, sallallaahu calayhi, waxa uu ku yidhi: “Annagaa kuugu waxyoonnay sidii aan ugu waxyoonnay Nuux.”
إنا أوحينا إليك كما أوحينا إلى نوح
Waxaana uu Alle yidhi: “Muxammad ma aha wax aan ahay Rasuul ay hortii tageen Rasuullo.”
وما محمدٌ إلا رسولٌ قد خلت من قبله الرسل
[1211]
Alle — ammaantiisu weynaatay e — xujadiisi wuxuu khalqigiisa ugu oogay Nebiyadiisi oo watay astaamihii ay kaga soocmeen khalqiga intooda kale, taas oo ay xujadu ugu oogmaysay ciddii aragta ummuuraha Nebiyada iyo caddaymahooda ay kaga soocmeen qayrkood, iyo ciddii ka dambaysayba. Halka qof iyo wixii ka badanna taas waa ay u sinnaayeen, xujaduna waxay waaxidka ugu oogmaysay isla sida ay ugu oogmayso wadarta.
Alle wuxuu yidhi: Tusaale u sii dadkii qaryada markii rasuulladu u yimaaddeen; Markii aan u dirnay labo ee ay beeniyeen, ka dibna aan ku xoojinnay mid saddexaad, ee ay yidhaahdeen: ‘Idinkaa na loo soo kiin diray.’ Waxay yidhaahdeen: ‘Bashar nala mid ah uun baad tihiin, Raxmaankuna waxba ma soo dejin, ee wax aan been ahayn sheegi maysaan!’
وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا أَصْحَابَ الْقَرْيَةِ إِذْ جَاءَهَا الْمُرْسَلُونَ (13) إِذْ أَرْسَلْنَا إِلَيْهِمُ اثْنَيْنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزْنَا بِثَالِثٍ فَقَالُوا إِنَّا إِلَيْكُم مُّرْسَلُونَ (14) قَالُوا مَا أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَمَا أَنزَلَ الرَّحْمَٰنُ مِن شَيْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَكْذِبُونَ (15)
[Yaasiin: 13-15]
[1213]
Alle wuxuu xujooyinkii ugu caddeeyay labo ergey, dabadeedna wuxuu raaciyay mid saddexaad. Sidaas si la mid ah ayaana uu ummadaha xujada ugu oogay hal ergey. In farriinta xoojinteeda la kordhiyaana ma diidayso in ay xujadku ku oogmayso hal qof, maadaama Alle siiyay wax uu kaga soocmo khalqiga kale ee aan nebiyada ahayn.
QAYBTA XIGTA