[Cutubka Warka Hal Qof] 2

QAYBTII HORE 

[1049] 

Wuxuu yidhi: Maxaad xujo u haysataa inaad aqbashid hal qof warkiisa adiga oo aan oggolayn markhaatiga hal qof keligiis? Sidaa oo kale, maxaad xujo u haysataa inaad xadiiska arrimihiisa intooda badan uga qiyaas qaadatay markhaatiyada, inta kalana aad ku kala soocday xadiiska iyo markhaatiyada?

Waxaan ku idhi: Waxaad ku soo celinaysaa wixii aan moodayay inaad ka dhammaatay! Anigu xadiiska uga ma qiyaas qaadan markhaatiga ee adiga ayaa i weydiistay inaan kuugu tusaaleeyo wax aad garanaysid, aadna uga khibrad badan tahay xadiiska. Aniguna kaas ayaan kuugu tusaaleeyay, ee ma aha inaan u xujaystay qiyaas ahaan. 

In hal qof warkiisa la xujaysan karaa waa arrin sugnaanteedu ay ka xoog badan tahay inaan u baahdo inaan wax kale ku tusaaleeyo, balse iyadaaba sideeda asal u ah. 

Wuxuu yidhi: Markaa sidee xadiisku waxyaalaha qaar ula wadaagi karaa markhaatiga, qaarka kalana ugaga duwanaan karaa? 

Waxaan ku idhi: Sidii aan soo tilmaamay, xadiisku waxyaalaha qaar wuu kaga duwan yahay markhaatiga, haddii aan waxyaalaha qaarkood markhaatiga kala simana xujadaydu way caddahay, insha Allaah. 

Wuxuu yidhi: Oo sidee ayuu wax ula wadaagi karaa, waxna kaga duwanaan karaa, iyada oo markhaatiyada jidkoodu hal mid uun yahay, oo aysan qaybsamin? 

Waxaan idhi: Ma waxaad u jeeddaa in markhaatiyadu meelaha qaar ka midaysan yihiin uun mise inay si kasta mid u yihiin? 

Wuxuu yidhi: Inay arrimahooda kulli ka midaysan yihiin. 

Waxaan idhi: Markhaati sino ka marag furaya, immisa ayaa ugu yar tirada aad aqbalaysid? 

Wuxuu yidhi: Afar. 

Waxaan idhi: Haddii mid ka dhinnaado saddexda kale ma karbaashaysaa? 

Wuxuu yidhi: Haa. 

Waxaan idhi: Dilka, gaaloobidda, iyo jidgooyada oo kulligood dil ah, immisa markhaati ayaad aqbalaysaa? 

Wuxuu yidhi: Labo markhaati. 

Waxaan ku idhi: Maalka immisa markhaati ayaad u aqbalaysaa? 

Wuxuu yidhi: Hal nin iyo labo dumar ah ugu yaraan. 

Waxaan idhi: Wixii arrimaha dumarka iyo cawrooyinkooda la xidhiidha immisa markhaati ayaad u aqbalaysaa? 

Wuxuu yidhi: Hal dumar ah. 

Waxaan idhi: Haddii ay buuxin waayaan tirada labo markhaati oo rag ah, ama hal nin iyo labo dumar ah, uma karbaashaysid, sow ma aha, sidii aad u karbaashtay markhaatigii sinada ee tirada buuxin waayay? 

Wuxuu yidhi: Ma karbaashayo.

Waxaan idhi: Markaa miyaad u aragtaa in markhaati oo dhan midaysan yahay?

Wuxuu yidhi: Haa. Waxay ku midaysan yihiin inaan wada aqbalayo, waxayna ku kala duwan yihiin tirada la rabo iyo inaan la karbaashayn wixii aan ahayn markhaatiga sinada. 

[1071] 

Waxaan ku idhi: Haddii aan sidaa oo kale ku idhaahdo warka hal qof warinayo — oo uu markhaatiga la wadaago inaan aqbalayo, kagana duwan yahay tiradiisa, miyaad haysataa xujo aan adiga kugu rogmayn?! 

Wuxuu yidhi: Tirada markhaatiyada sababta aan u kala saaray waa inuu jiro war daliil u ah iyo weliba daliishi aan sameeyay. 

Waxaan idhi: Aniguba sidaas oo kale ayaan halka qof warkiisa ugu aqbalay war daliil u ah iyo daliishi aan sameeyay. 

Waxaanna raaciyay: Eeg markhaatiga dumarka ee ummulitaanka ku saabsan — maxaad haweenay markhaatigeeda u aqbashay adiga oo aan oggolaanayn markhaatigeeda haddii ay hal dirham ka markhaati furto? 

Wuxuu yidhi: Raacitaanka daliilka awgii baan u oggolaaday. 

Waxaan idhi: Haddii lagu yidhaahdo Quraanka lagu ma sheegin wax ka yar hal nin iyo labo dumar ah oo markhaati ahna maxaad samayn? 

Wuxuu yidhi: Lamana mamnuucin in wax intaa ka yar ay bannaanaadaan, sidaa darteed ayaan u bannaynay wixii ay Muslimiintu banneeyeen, mana khilaafsana Quraanka. 

Waxaan nidhi: Annaguba isla intaas uun baan nidhi markii aan aqbalaynay warka hal qof soo wariyo, annaga oo daliishanayna waxyaalo dhammaantood ka awood badan bannaynta markhaatiga dumarka. 

Wuxuu yidhi: Miyay jirtaa xujo kala soocaysa warka (khabar) iyo markhaatiga (shahaadah) oo aan ahayn raacitaanka daliilka? 

Waxaan idhi: Haa, oo waxaaba jira wax aanan ogeyn cid ahlul cilmiga ka tirsan oo khilaaftay. 

Wuxuu yidhi: Oo waa maxay? 

Waxaan idhi: Qofka cadliga ahi arrimaha qaar makhaati wuu gali karaa, qaar kalana markhaatigiisa la qaadan maayo. 

Wuxuu yidhi: Oo markee markhaatigiisa la diidayaa? 

[1084] 

Waxaan idhi: Marka uu ka markhaati kaco meel uu naftiisa dheef uga keenayo (si kasta ha kaga keensadee), ama meel uu naftiisa kaga duwayo dhibaato iyo qaan loo qabsan lahaa; ama uu dheeftaas u keenayo ubadkiisa ama waalidkiisa, amaba uu markhaatigaas iyaga ku difaacayo — iyo meelaha kale ee tuhmooyinka wataba waa la diidayaa markhaatigiisa. 

Shahaadada marka la joogana, qofka markhaatiga ahi wuxuu ku marag furayaa cid si uu u qabadsiiyo qaan ama ciqaab lagu leeyahay. Cid kalana wuu u marag furayaa si loogu qaado qaan ama loogu hirgaliyo ciqaab ay xaq u yeelatay. Markhaatigaasina bannaanka ayuu ka yahay arrinka, oo ma soo galayo qaanta, ciqaabta, iyo weliba wixii ceeb ah ee halkaa ka dhasha. 

Waxaana suuragal in cidda uu dheeftaas u keenayo uu ugu eexanayo si ka daran ubadkiisa iyo waalidkiisa, laakiin uusan jirin tuhun muuqda oo loo arkayo sida haddii uu u marag furi lahaa naftiisa, ubadkiisa, waalidkiisa, iwm. Iyada oo ay taasi dhici karto, haddana markhaatigaas waa la aqbalayaa, maadaama aan wax cad lagu hayn. 

[Haddaba, shahaadada iyo markhaatigu waxay la xidhiidhaan xaalad kooban oo labo dhinac u dhexaysa, qofka markhaatiga ahna uu dhib iyo dheefba bannaanka ka yahay.] 

Muxaddiskuna warka uu warinayo, ee wax xalaalaynaya waxna xaaraamaynaya, naftiisa iyo qayrkii midna wax ugu soo kordhin maayo, waxna kaga duwi maayo (yacnii: wax ay dadku maal ka dhigtaan, iyo wax ciqaab ku ah ama iyagu xaq u yeelanayaan oo loo gudayo). Isaga iyo ciddii uu xadiiska uga warramo ee Muslimiinta ahna way u siman yihiin wixii xadiisku xambaarsan yahay. Haddii xadiisku wax xalaalaynayo ama xaaraamaynayana wuu la wadaagaa dadka kale, ee sida markhaatiga oo kale ma noqonayo oo bannaanka kama joogayo wixii ka dhasha warkiisa. Haddii uu markhaatiga oo kale ahaan lahaana, marka lagu tuhmo in uu dan gaar ah ka leeyahay waa la diidi lahaa, marka aan la tuhmaynna waa la qaadan lahaa warkiisa. 

Asal ahaanna, dadku waxay maraan xaalado sidoodi caadiga ahayd ee lagu yaqaannay ay ka duwan yihiin. Markaas oo warkoodu uu ka qumman yahay mararka kale, ayna uga dhow yihiin taqwada iyo Alle-ka-cabsiga, oo ay niyaddoodu ka saxsan tahay, fikirkoodu ka toosan yahay, qafladdooduna ka yar tahay sidoodii hore oo ay dhiifoon/ baraarugsan yihiin. Tusaale ahaan, marka ay ku timaaddo cabsi geeriyeed oo cudur ama safar ka dhalatay, ama ay geerida xusuustaan, ama ay galaan xaalad ka mid ah xaaladaha kale ee dadka ka baraarujiya qafladda.    

Waxaa dhacda in qof Muslimiinta ka mid ah oo aan runsheeg ku tilmaannayn uu xaaladdan runta sheego. Waxaa iyana dhacda in qofkan war lagu aamino, oo la tusiyo in warkiisu muhiim yahay oo lagu tiirsan yahay, markaana uu si heersare ah runta u sheego — haddii aysan Alle-ka-cabsi ka ahayn, ugu yaraan wuxuu ka xishoonayaa in inta loo dhiibay ammaanada war uusan naftiisa dhibaato kaga difaacayn, dheefna ugu soo jiidayn, uu haddana ka been sheego ama warku sidii uu ahaa uusan uga wada run sheegin. 

[1089] 

Haddii dadweynihii guud iyo beenlowyadiiba laga helayo xaalado ay sheegayaan run gaadhsiisan heer ay nafta muxaddisiintu ku xasilayso oo aqbalayso — ahlu taqwada iyo sidqiga ayaa ka sii mudan xaaladahooda oo dhan inay dhowrsanaadaan, gaar ahaanna marka la joogo arrinka ugu mudan inay ka dhowrsadaan ee ah xadiiska Nebiga. Maxaa yeelay, waxaa la dhigay boos ammaano, waxaana loo asteeyay in ay tus iyo astaan lagu soo hirto u noqdaan Diinta. 

Intaa waxaa dheer inay ogsoon yihiin in Alle ku waajibiyay, oo laga doonayo, inay arrin kasta runta ka sheegaan. Mana jiro arrin ka muhiimsan xadiiska ku saabsan xalaasha iyo xaaraanta, waana meel ay tahay in iyaga oo kale uusan tuhun uga iman. Waxaana loo sii hormariyay afeef aan arrimaha kale laga horreysiin oo la xidhiidha xadiiska Rasuulka Alle: in Rasuulka Alle lagu been abuurto waxaa loogu gooddiyay Naar! 

Nebigu wuxuu yidhi: “Beenaha kuwa ugu daran waa qofkii iga sheega wax aanan odhan, iyo qofkii indhihiisa tusiya wax aysan arkin, iyo qofkii sheegta nin aan aabbihii ahayn.” 

«إنَّ أَفْرَى الفِرَى مَنْ قَوَّلَنِي مَا لَمْ أَقُلْ، ومَنْ أرَى عَيْنَيْهِ مَا لَمْ تَرَى، وَمَنِ ادَّعَى إلى غير أبيه».

Xadiis kale Rasuulkii Alle wuxuu yidhi: “Qofkii iga sheega wax aanan odhan booskiisa Naarta ha ka diyaarsado.” 

«مَنْ قَالَ عَلَيَّ مَا لَمْ أَقُلْ فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ».

Xadiis kale Nebigu wuxuu yidhi: “Qofka iga been abuuranaya guri baa Naarta looga dhisayaa.” 

«إنَّ الَّذِي يَكْذِبُ علي يُبنَى له بيتٌ في النار».

Asiid ibnu Asiid wuxuu hooyadii ka wariyay inay tidhi: Waxaan Abuu Qataadah ku idhi: Maxaa kugu dhacay oo aad Rasuulkii Alle uga warrami wayday sida dadka kale uga warramayaan? Waxay tidhi: Abuu Qataadah wuxuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle oo leh, “Qofkii been iga sheegaa dhinaciisa meel uu jiifiyo ha uga raadiyo Naarta”, iyada oo Rasuulkii Alle uu gacantiisa dhulka ku masaxayo. 

عن أَسِيد بن أبي أَسِيدٍ عن أمه قالتْ: قلتُ لأبي قتادة: ما لك لا تُحَدِّثُ عن رسول اللهِ كَمَا يُحَدِّثُ النَّاسُ عَنْهُ؟ قالت: فقال أبو قَتادةَ: سمعت رسول الله يقول: «مَنْ كَذَبَ عليَّ فليتلمس لِجَنْبِهِ مَضْجَعًا مِنَ النَّارِ.» فَجَعَلَ رَسُولُ اللهِ يَقُولُ ذَلِكَ وَيَمْسَحُ الأَرْضَ بِيَدِهِ.

Xadiis kale Rasuulkii Alle wuxuu yidhi: “Reer Banuu Israa’iil warkooda tebiya dhibna ma laha, anigana iga warrama beense ha iga sheegina.” 

« حَدِّثُوا عن بني إسرائيل ولا حرج، وَحَدِّثُوا عَنِّي وَلَا تَكْذِبُوا عَلَيَّ»

[1095] 

Midkan ugu dambeeyaana waa xadiiska ugu daran ee arrinkan ku saabsan ee laga soo wariyay Rasuulkii Alle. Xadiiskan iyo kuwo kale oo weheliya ayaanna u cuskannay in aannan xadiis ka aqbalin cid aan ahayn thiqah. Waana sababta aan u doonayno inaan ogaanno runsheegidda qofkii xadiiska siday bilowga ilaa laga gaadho halka uu ku arooro ee uu warku galo. 

Haddii qof yidhaahdo: Maxaa xadiiskan ku jira oo caddaynaya waxaad tilmaantay? 

Waxaa la leeyahay: Waxaa hubaal loo ogsoon yahay in Nebigu uusan weligii cidna amrayn inay ku been abuurato reer Banuu Israa’iil iyo cid kale toona. Haddii uu oggolaaday in laga warramo reer Banuu Israa’iil, macnaheedu ma aha inuu banneeyay in la aqbalo been laga sheegay reer Banuu Israa’iil, ee wuxuu banneeyay in warkooda laga maqli karo cid ka warrantay oo aan aqoon loo lahayn runteeda iyo beenteeda. Yacnii, qasab ma aha in marka hore qofkaa dabagal lagu sameeyo si xaalkiisa loo ogaado. 

Sidaa oo kale, dadka uma uusan bannayn inay warka reer Banuu Israa’iil ka maqlaan qof beentiisa la yaqaan. Sababta oo ah, waxaa laga wariyay Nebiga inuu yidhi: “Qofkii war sheega isaga oo warkaa u arka been, wuxuu ka mid yahay beenawaasyada.”

‮«‬مَن‭ ‬حدَّث‭ ‬بحديث‭ ‬وهو‭ ‬يُرَاه‭ ‬كذباً‭ ‬فهو‭ ‬أحد‭ ‬الكاذِبَين‮»‬‭ ‬

Qofkii beenlow wax ka wariyaana kama fayoobaanayo beentii. Maxaa yeelay, wuxuu og yahay in beenawaasku uusan warkiisa runta ka sheegayn. 

Warka intiisa badanna runtiisa iyo beentiisa waxa loo soo daliishanayaa waa runta iyo beenta qofka warramay, marka laga soo reebo in yar oo gaar ah mooyee. Intaasina waa in warka runtiisi iyo beentiisi loo daliishado in qofka warramayaa uu sheego wax aan dhici karin, ama uu sheego war uu ku khilaafayo war kale oo ka sugnaan badan kana badsada caddaymaha runnimada. 

Marba haddii Rasuulkii Alle kala saaray warka isaga laga warinayo iyo warka Banuu Israa’iil laga warinayo, uuna yidhi: “anigana iga warrama beense ha iga sheegina”, waxaa hubaal loo ogaanayaa — insha Allaah — in beentaa uu dadka ka reebay ay tahay beenta qarsoon; waana in laga wariyo qof aan la aqoon runsheegnimadiisa. Maxaa yeelay, beentu haddiiba ay tahay wax mar kasta la iska reebay, ma jirto been ka weyn in been laga sheego Rasuulkii Alle — sallallaahu calayhi. 

QAYBTA XIGTA 

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Silsiladdii Xaydha: 6 (Dhammaad)

Sidii aan qormadii koowaad kusoo xusay, far Soomaalida iyo af Soomaaliga oo in badan kala …

Silsiladda Xaydha 5

Halqabsi ayaa hadal meceeya e, waxa la yidhi beri hore ayaa islaan baa inanteedii curad …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *