Home / Buug / Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 5

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 5

Waxaa jirtay inay dhowr jeer ilbidhiq ku arkeen markay mawjaduhu is gedgediyaayeen meel cabbaar u jirta ee ka yar horraysa waxay u maleeyeen madaxyo dad, oo qoryo ku jooga lagana yaabo inay ahaayeen dadkii doonnida kula jirey qaar ka mid ah.

Cawralaa markaas weydiisey Calimaax, waxayna ku tiri, “Caliyow ma laga yaabaa dadkaas inna ka horreya oo looxaanta waxa u eg ku jooga inuu ku jiro ninkii reer miyiga ahaa ee Nuur Ciise?” Cali baa markaas wuxuu ugu jaawaabay “Cawralaay kaasi inna ka horreyn maayo, waayo dabbaasha ma aqoon siduu igu yiri.” Calimaax wuxuu Cawrala dusha ku sidaba waxaa niyadsami gashay oo orodkii dabbaasha kordhiyey markay u muuqatay buurta Suradeed feeqeeda dheer.

Hadday soo dhowaadeen oo xeebtii u yimaaddeen in hal kiilomitir ah, ayaa Cawrali Calimaax ku tiri “Calimaaxoow sida ii muuqata baddan badbaadaynu kaga baxaynaa, in yar baana innoo ka hartay xeebtii, markaas lagama yaabo inaynu dib isugu cidlaysanno oo hadal ku kala bogannee, waxaan kuu sii sheegayaa inaad marti iigu tahay magaalada Xiis ila intaad doontid.” Calimaax baa markaas ku jawaabay, “waa tahay Cawralaay haddaanay rag aan filayo oo Xaruntii Taleex ka yimid igu sugayn magaalada Xiis, waa kaa guddoontay martiqaadkaas.

Cawralaa markaas tiri, “waxaad Calimaaxow iiga warrantaa Darawiishta iyo waxay muhiwadoodu tahay, waayo sidaan doonnida dusheedii ka maqlaayey haddana ii muuqata ka mid baa tahaye.”

Calimaax wuxuu ku yiri, “Daraawiishtu waa dawlad u dhalatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, muhiwadeeduna waa ilaalinta gobaninimada Soomaaliyeed iyo ilaalinta diinta Islaamka oo Ingiriiska iyo Talyaaniga iyo Xabashiduba duullaan ku yihiin doonayaanna inay burburiyaan oo markaa inna gumeystaan, gaala madowna inna ka dhigaan. Waxyaalaha kale markaynu magaalada tagno ayaan kuu dhammays tirayaa.” Cawrala waxay markaas tiri, “Haddii muhiwada Darawiishtu sidaas tahay maad Calimaaxow i kaxaysid aan dagaalkaas gobannimadoonka ah ka qayb galee, kaana barbar dagaallamee, mase raggu had iyo jeer wuxuu jecelyahay inaanay dumarku libinta gobannimada la qaybsan lana sinnaan ee ma oggolid?”

Cali hadalkaas Cawrala uga ma jawaabin, sababtoo ah waxaa xeebtii oo in yar u jirtey saacaddu markay ahayd 5.20 casar liiqii uga muuqday badwigii Nuur Ciise oo amakaag geliyey siduu baddii uga soo baxay ugana soo dheereeyey. Waxaa kaloo xeebtii uga muuqday niman fardo wata oo uu u maleeyey Daraawiishtii sugaysey imaatinkiisa, oo warkii degidda doonnida loo sheegay soona birmaday si ay dadkii doonnida ka soo caariyey wax uga soo guraan.

Markay saacaddu ahayd 5.25 galabnimo waxaa ugu soo horreeyey Calimaax iyo Cawrala inay gacanta soo qabtaan Nuur Ciise iyo murwadii Saluugla’ oo xeebta ku sugaayey.

Halkaasay dhar ay la sugaysey Saluugli’ u gelisay amminkiiba Cawrala. Waxaa nasiib wanaag ahayd inay wixii dad doonnidii ka soo badbaado baxay, ka soo baxeen intoodii badnayd meel magaalada Xiis u jirta 5 km. halkaasoo degdeg loogu gurmadey oo la geeyey magaaladii Xiis, Cawrala iyo Calimaaxna waxaa la sii fanaysiiyey fardahay wateen nimankii Daraawiishta ahaa, waxaana ka soo baxay doonnidii Cawrala iyo Calimaax, shiikh Araye Ceelabe, Nuur Ciise, marwo Saluugla’ iyo shan iyo toban baxaaridii ka mid ah, waxaana la waayey lix ruuxoo ay ka mid tahay gabartii saddexaad ee la oran jirey Haweeya.

Bacdama habeenkaas la wada raxaabaysnaa lana gataati dhacay, ruux walbina derintii loo dhigay siduu ugu jiifsaday isma loodin, khaas ahaanna Cawrala iyo Saluugli ilaa ay afar iyo labaatan saacadood hurdeen madaxa kor umay qaadin. Raggiise markay abbaara barqadii ahayd, ayaa loo yimid oo afurkii aroornimo la siiyey isagoo laga soo sameeyey gurigii Cawrala Barre ee aabbaheed iyo hooyadeedba joogeen.

Afurkii haddii afka la saaray oo nin iyo laba jeer la degey, ayaa Nuur Ciise yiri, “Calimaaxow ma fileysey inaan baddaad ogeyd siday ahayd, intaan nabad kaga soo baxo berriga kugu sii sugo anoo weliba dadkii doonnida qaar ka mid ah gacan siiyey? Maxaadse iigu digatey ugana jeedday i sii sug markaan ku iri ar hayga tegin xal waa xun yahay? Midda kale weligaa ma maqashay naftaan Eebbahay dilin ma go’do?”

Markaasaa Cali yiri, “horta niman yohow waan ku gafey hadalkaas waxaana la yiraahdaa Ilaahay eray gef ah waa kaa yeeriyaa kugumase dhaafo, mana jiri la’a inuu Ilaahay karaan ku yahay naf dhimatay oo jiidhkeedii iyo jurmigeedii aboor cunay inuu soo nooleeyo, iskaba daa midu bad ka badbaadiyo’e. Haddaba, waxaad ii sheegtaan sidaad uga soo baxdeem?”

Naakhuudihii baa yiri, “Caliyow iska jir ninka la yiraahdo Nuur, waayo waa la weheliyaa’e, sababtoo ah, tiraba shan qof isagaa gacmaha intuu na qabtay na soo saaray looxaan u maleeyey sadxaddii uu ku fadhiyey oo aan doonnidii la degine ka soo go’day ugu horraystiiba.”

Nuur baa hadalkii qaatoo yiri, “horta anigu waa soomaa oo salaadaa, sadaqadana ma dhaafo, eexdana ma aqaanno, weligayna booli ma cunin, xaaraanna hadalkeedaba daayoo sadqa gawrac baan ahay, tuugana waxay ii tahay maalintaan isku deyey inaan hooyaday ka xado timir gobor barraho saaran, taasna kuma liibaanin oo waxaan dabada soo qabsaday abeeso aabuq ah oo goborta ku jirtey. Ilaahay waan ka mutaystay inuu ii miciino oo wanaag madhax iiga dhigo maalintay iigu xumayd, wixii rag hoogey dumarna leeleelay inuu sadxaddii aan ku fadhiyey ii fikiyo oo aanan baddii cagaha marna gelin.”

Halkaas markay mareysey ayaa Shiikh Araye yiri, “Nuurow mar hadday runtaa tahay intaad sheegtay wallaad ku bannaan tahay nin karaama leh. Kolkuu dhammeeyey shiikhii hadalkii ayaa Calimaax kacay oo isla taagay nimankii Daraawiishta ahaa ee magaalada ku sugaayey si ay isu waraystaan. Waxayna ku biiriyeen inay degdeg u baxaan, sababtoo ahayd Xaruntii Taleex ayaa laga qaamqaaminaayey duullaan lagu saaraayey gumeystihii Ingiriiska si looga kiciyo xeebahaas bari iyo magaalada Cadmeed ee saldhiga u ahayd. Haddaba, Calimaax wuxuu ahaa dooyo ama horseed loo diray inuu ogaado soona ilaaleeyo Ingiriisku meeluhuu ka fadhiyey magaalada Cadmeed iyo agagaarkeeda isla markaasna war buuxa ka keeno xeebaha Maakhirkoost waxa doonya jooga si markaas Daraawiishi markay qabsato xeebahaas ay doonyaha intay qabsadaan ugu gudbaan magaalada Cadmeed oo halkaas loogu cidhib tiro Ingiriiska ciidamadiisii saldhigyadaas ka soo gudbi jirey. Inuu Sayidku dareen ka qabay Ingiriiska Cadan degganaa oo uu doonaayey inuu duullaan ku saaro waxaa u marag ah gabaygiisan hoos ku qoran, oo uu ku yiri:

Maandhow raggii Laxaj jiroo, lodhadhaa yimide,

Maadhow lix seben buu fadhiyey, Laaso iyo Cayne,

Maandhow loxoskii horay ii ekayd, liinka gubiddiise.

Tixda u horraysa saddexdan tixood waxaa ku magacaaban magaalada la yiraahdo LAXAJ. Haddaba magaaladaasi waa magaalo, magaalooyinka Cadmeed ka mid ah oo u jirta magaalamadaxda Cadmeed 30 mayl oo xagga waqooyi ka xigta. Sida taariikhdu sheegaysana ciidamadii Ingiriiska ee Darawiishtu la dagaallameysey magaaladaas Laxaj iyo magaalada la yiraahdo Beer Axmed ayaa saldhigyo u ahaa. Sidaas aawadeed baa Calimaax horseed ilaalo loogu diray inuu war tifaftiran uga keeno Taliskii Xarunta Darawiishta si duullaan magaciisa qarsooni ahaa “Baddacas” xeeladdiisa iyo tabatabayntiisa loo dejiyo.

Nimankaas Daraawiishta oo afar ahaa waxay iyana sii ilaaleeyeen tiradoodana qaateen doonyihii marsooyinka Xiis, Maydh, Laasqoray, Ceelayo, Qaw iyo Boosaaso dhignaa.

Arrimahaas daraadood ayey ka fursanwaa noqon weydey in Calimaax in jaallayaashiis degdeg u baxaan oo aadaan Taleex Xaruntii Daraawiishta. Intaanay bixinse ayaa Calimaax ka codsaday in loo joogo ilaa fiidka inta uu arrimo hoos ahaan ah soo dhammaysanaayo, taasna way ka ogolaadeen nimankii kale.

Haddii la casheeyey oo ay ahayd abaara siddeedii saac ayaa Calimaax aadey gurigii Cawrala Barre intuu sii waraystay halkuu ku yaal. Aqalka Cawrala Barre wuxuu magaalada kaga yiillay xagga bari oo xeebta raacsan, wuxuuna ahaa cariish saddex qol ah berended weynna leh. Cali markuu albaabkii garaacay waxaa ka furtay Cawrala hooyadeed oo wuxuu ku yiri, “iska warrama, Cawralana iigga warran.” Cawrala hooyadeed waxay ku jawaabtay, “waa nabdoonnahay, Cawralina hadday soo baraarugtay.” Cali baa yiri markaas, “waxaan is iri Cawrala siday tahayna sii eeg siina nabad gelyee, waayo caawaan baxayaa.”

Cawrala hooyadeed baa markaas tiri, “ma ninkii la sheegaayey oo badda ka soo saaray baad tahay, eeddo Ilaahay ha kaa abaalmariyo ee hore u soco waatan sariirta saarane.” Cali baa markaas u galay Cawrala oo intuu barbar fariistay gacanta u dhiibey oo salaamay kuna yiri, “Cawrala iska warran, waxaan kuugu imi inaan ku sii nabadgelyeeyo, waayo caawaan aniga iyo niman kale baxaynaa waxaanuna ku simaynaa ilaa Taleex ee nabadgelyo ilaa intaynu dib u kulmayno haddii Alla yiri.” Cawralaa markaas tiri, “horta Ilaahay ha ku nabad geeyo ilaa meeshaad u jeeddid, aniguse waxaan jeclaa inaad ila joogtaa oo aan aad isu barannaa, martiqaadna kuu sameeyaa kuna abaalmariyaa. Haddiise ayan suuragelayn inaad negaatid, maxaa inoo ballan ah oo aan ku kala tegaynaa.” Cali waa aamusay oo wuxuu ballan ku qaado buu soo saari waayey. Iyadii baa haddaba tiri, “waxaa Caliyow inoo ballan ah markaad ka guuleystaan gaalada iyo dulliga aad la dagaalamaysaan laba hal. Tan u horaysa, waxaa inoo ballan ah inaynaan is illaawin oo uurka isku haynno. Tan labaad waxaa inoo ballan ah inaan aqal aroos sii aloosiyo oo maalintaa aynu guri galno.”

Cali wuxuu ku yiri, “waa tahay Cawralaay saasaa inoo ballan ah ee nabadgelyo raggii baa i sugayee.” Cali halkaasuu ka baxay gurigii oo u tegey jaallayaashii. Saacad dabadeedna waxay ka guureeyeen magaaladii iyagoo lug ah, waxayna fardihii oo loo mirsiinaayo ugu tegeen buurta salkeedii oo saddex kiiloomitir u jirta.

Habeenkaas waxay guura ahaadaanba fardahana kadlaysiiyaan, waxaa waagu ugu beryey buuraha Karmaan, halkaasoo ay xakamihii kaga debciyeen fardihii, maalintaana ugu hargaleen reera yaalla oo si wacan u sooryeeyey oo tulud geela u loogay. Duhurkii markay tukadeen ayey barihii fardaha ku tageen, waxay koosa raqlaysiiyaanba waxa la kulmeen raxan biciid iyo wariilayaal haldhaa daadahaynaayo oo uu dedibta ka darminaayo. Fardihii ayey cabbaar ku baacbaacsadeen biciidkii ilaa ay saryankii u weynaa ku xiijiyeen oo qabsadeen habeenkaasna isagii bay sahay ka dhigteen inta holac lagu bisleeyey ilaa ay ku laqanyoodeen shishlaantiisii.

Habeen saddexaadkii ayey galeen Xaruntii iyadoo markaas ay tahay habeen barkii oo ilaaladii ma’ahee cid kale aanay soo jeedin, markaasuu raggii mid waliba fadhiguu ka tirsanaa u hurda tegey galahoodii. Subaxdiiba Calimaax wuu jarmaaday isagoo ku tala gelaaya in laga sugaayo war guud iyo war hoose oo ku saabsan dhulkuu sahanka u tegey iyo wixii fariimo ahaa oo ay soo direen dadkii raacsanaa Daraawiishta. Lixdii aroornimaba wuxuu isa sii taagey irridkii Sayidka hase ahaatee waxaa Sayidkii soo fariistay siddeeddii saacadood, halkaasoo uu amar ku bixiyey inaan Calimaax ma’ahee cid kale u soo geli karin. Cali baa hadalkiisii ku bilaabay “Sayidii waad salaaman tahay salaaxiinta aabbeheedow.” “Waad salaaman tahay ee Cali soo fariisoo ii warran”, baa Sayidkii yiri. Cali baa markaas yiri, “Sayidii kuu warramay horta doonni baa ila degtey kase nabadgalay, waxaana ii raacda inaan kuu sheego inaan Cadan tegey, meel la yiraahdo Laxajna waan u dhaafay, Maakhirkoostna waan soo waraystay sidii ballanku ahaa.

Haddaba, Cadan iyo Laxaj waxaan ku soo arkay gaasas badan oo askar Ingiriis ah, iyo guutooyin kale oo isugu jira askar madow iyo askarta timaha qadaadka ku leh ama aynu u naqaanno Qadaadweyn oo Hindiya ka yimid. Ciidamadaasoo dhan waxaad moodaysey in loo soo qabanqaabinaayey inay ciyoon duullaan dalkeena iyo Daraawiish ugu soo baxayaan.

Waxaan kaloo soo arkay oo aan la yaabay garanna waayey, wax cirka duulduulaayey oo gorgorkoo kale ahaa. Haddii aan aad u xansadayna waxaa laygu sheegay magacooda dayuurado.” Sayidkii baa markaas dooyadii iska furay intuu dareen galay oo yiri, “Cali maxaad u malaynaysaa in lagu isticmaali karo dayuuradaha aad sheegtay? Mase laga yaabaa inuu Ingiriis ina kula dagaalamaayo markaynu dhulkii kaga adkaannay kuna curyaaminay? Sideese baad u malaynaysaa bay ugu dagaalami karayaan dayuuraduha aad sheegay? Waxaan uga jeedaa maxay dayuuraduhu soo ridi karaan?” Calimaax baa markaas jawaabay oo yiri sidaan warka ku helay, “waxaa la yiri bamam iyo rasaas bay ku soo ridaan dadkay laynayaan.” Wuxuu kaloo Calimaax warkiisii ku daray in diyaaradahaas laba nin kaxayso isagoo midna yahay duuliyaha kan kalena yahay kan waxay ku dagaalamayso tuura.

Mar Alla markuu Calimaax warkiisii dhameeyey waxaa lagu hambalyeeyey oo lagu gacan saaray hawlihii loo diray oo uu sida fiican u soo qabtay, waxaana loogu abaalguday oo la siiyey gabar uu dhalay nin Khusuusiidii ka mid ahaa oo isla markiiba loo dhisay. Waxaa kaloo la siiyey hal senge oo midabkiisu baroor ahaa iyo Kadin geela oo laga soo xaf gooyey fadhiyadii geelasha fadhi ka mid ahaa. Waxaana dhacday in isla markiiba madaxtooyadii Daraawiishtu fadhi yeelatay, si ay xeeladihii iyo tabatabayntii duullimaadkay damacsanaayeen u dejiyaan, ugana gaashaantaan ciidamadii gumaystaha oo lagu soo sheegay Cadan iyo agagaarkeeda.


La Soco Qaybta 6d


Qaybtii 4d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *