Home / Buug / Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 2

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 2

SAFARKII DOONNIDA IYO KULANKII CAWRALA IYO CALIMAAX

Iyagoo sida muuqata, ay kicitaankoodii, noloshoodii, iyo dhulkay ku soo koreen kuna barbaareen Cawrala iyo Calimaax isku mid ahaayeen, ayey doonni ka soo wada raaceen magaalada Cadmeed, isagoo Calina dooyo Daraawiisheed u tegey, Iyana ay ka soo xagaa baxday magaaladaas.

Doonnidaas oo la oran jirey SUBXAAN ayaa waxay ka soo shiraaqatay makhribkii marsada Cadmeed markay taariikhdu ahayd 25 kii Maarso 1915 kii, waxaa doonnida la socdey 15 rakaab ah, oy 12 tahay rag, saddexna haween iyo 20 ah badmaaxyadii doonnida ka shaqaynaayey. Sidey caadadu ahayd 3 (saddexdii) haween waxaa loo gogley huuriga dushiisii oo halka ragga rakaabka ahi fadhiyeen saddex talloobo u jirtey.

Habbenkaas hore waxaa jirey dayax shan iyo tobnaad ah cirkuna waa cusbaa oo daruuraha gudgude sansaantoodaa munqanaysey oo labadii shiraacba waa buuxeen, hadbase doonnidu waa muraamaynaysey waana kordhinaysey muraanmenteeda markay badweynta hore ugu soo martaba.

Markay abbaara toddobadii habeennimo ahayd oo suqayariintii ay cashadii bixiyeen ayaa ninka la yiraahdo Calimaax haasaawe bilaabay oo daandaansaday nin la oran jirey Nuur Ciise oo rakaabka ka mid ahaa, wuxuu ku yiri, “Nuuroow waadigaa wareeree maxaa badaan baas ku soo mariyey? Maad reerkaagii iyo Guudmanaa iska joogtid oo saaqa iyo haameeshaadii boqollaalka ahaa iskaga maashid. Haddaan adiga ahay weynaan badahan jaan kuma soo galeen oo hadba intaan doonnida jenbigeeda qabsado aa! aa! Aa! ma iraadheen. Kulase yaabi maayoo waxaa danqaarahaas ku soo mariyey arrad iyo gaajo, ee maxaad Cadan sooryo ka soo heshay, immisa mohoradood iyo iskujoog baad reerkii u siddaa waadigii wiilkii habar wadaaggaa dhalay wiilkiisii wiilkuu dhalay u tegeye?”

Nuur baa markaas wuxuu ku wareer gooyey hadalkii Calimaax oo yiri, “Caliyow miyaadan ogeyn inaad tahay mulxish reer magaala ah sidee baad nin reer miyi ah oo anoo kale ah wax uga shegi kartaa, miyaadse wiil yar oo gaashaan qaad ah, miyina ku kacay fartiisa guddaa. Allahayow yaa hayaan ama xoola kaliil hogad oon jooga ku yiraahda aroori, ha la bartee miigganaantaada iyo adkaysan waxaad leedahay. Halkaad reer miyiga gaajo iyo arrad ku caydayna waxaan kaa iri, miyaadan ogeyn magaalada inay xarragadeedu iyo wanaaggeedu tahay xoolaha iyo oontooda miyiga ka imanaya, Midda kale miyaadan maqal gabayga Sayidku tiriyey waadigii noo sheeganaayey Daraawiish eh?

Magaalada masruufkiyo dharka, laga muraadeysto,

Mushmushaaxa iyo biicu, waa moodka soo dega’e,

Miyigaba haddii laga xiraa, mawdku ka adeegye.

Naakhuudihii doonnida oo la oran jirey Shirdoon Sugulle ayaa haasaawihii isagoo taageeraaya Nuur Ciise soo dhex galay, wuxuuna yiri, “Caliyow maad iska deysid Nuur iyo reer miyiga faallihiisa, sababtoo ah waxaan qabaa inaadan Nuur hadal la ekaynayn oo uu gabayo iyo maahmaaho kugu hafinaayo”.

Nin kale oo afraad lana oran jirey, Magan ayaa hadalkii qaatoo yiri, “Nuur iyo Naakhuudow waxaan idin leeyahay dad aan weligood isgaarayn ha siminina, waayo ninka reer magaalaha ahi wuxuu ninka reer miyiga ah u jiraa inta cirka iyo dhulku isu jiraan, ee hays daalinnina. Reer magaalaha runta ahi inta badan dugsuu galaa oo barta Quraanka iyo diinka, xaaraanta iyo xalaashana waa kala yaqaan dadkaana hadba ninkay saaxiib yihiin ayaa ugu sokeeya. War miyaanu ahayn reer miyigu kan geela dhaca oo anay xalaasha iyo boolidu u kala soocnayn, kufsadana hablaha markay meel dagan ka helaan, markay aradaanna dhuugu hugoodu yahay?

Ragga rakaabka ahaa iyo meesha habluhu fadhiyeen wax yar oo layska maqalo ayay isu jiren oo intii haasaawuhu soconaayeyna habluhu dhegtey ka maalayeen hadalka.

Cawrala iyo Calimaaxna marmar bay indhoodu kulmayeen sababtoo ah dayax shan iyo tobnaad bay ahayd, markii kulankaasi dhacana Cawrali intay xishooto oo hoos u jeensato ayey aayar gacanteeda midig ku soo hullaabanaysey malkhabaddeedii milmilka xariirta ahayd oo labada fool ku qabanaysey.

Mar labaad baa Calimaax markaas hadalkii, halkii ka qaaday oo wuxuu yiri “sida muuqata waxaa Nuur iyo Naakhuuduhu iyo reer miyoo dhammi qabaan in reer magaaluhu aanu murtida iyo gabayga aqoon haba yaraatee, lana ekayn karin af Soomaaliga reer miyiga. Haddaba, caawa iskeen siiya, oo weertaydan maqla”.

Wuxuu yiri.

Walle daacuflow reer miyaan, doocna garanaynin,

Dab la shiday aroortii hadduu, daamanka is dhaafsho,

Doqonnimo waa wuxuu cadkiis, doc uga muujaaye,

Haddi doog ilaah shubo, oo duni barwaaqowdo,

Oo doobi caanaha riyaha looga dalaf siiyo,

Oo rodol uu doondoon ku helay, uga dambaysiiyo,

Isagiyo duqdiisii markaas, dawlad la is moodye,

Damdamtiyo hangoolkii ma jiroo, diriri maayaane,

Maantaas ninkii dan u lahow, daaso hadalkaaga”.

Filidda aan la fileyn in Calimaax si degdeg ah oo muddadaas gaaban ah ku tiriyo tixdaas qaayaha leh oo uu reer miyiga ku faalleeyey ayaa raggiina u sacbiyeen murwadii iyo hablihiina mashxarad dhegaha ku dillaacsheen wixii doonnida ku jirey, markasaa suqayariintii soo dejiyeen shah loogu tala galay haasaawaha habeenkaas oo hayl, xawaash iyo qorfe leh si loogu hambalyeeyo Cali madantuu sida wacan uga soo baxay. Cawralaa is hayn weydey oo ku tiri hablihii, “hah! hah! Afku kuma go’oh oo caano geel afkaaga lagu qabay ar ninku gabayga heli ogaa, heedheh galabtaan markuu doonnida soo fuulayey oo uu cagta soo saaray Calimaax isha geliyey inuu yahay diricdiric dhalay oo quruxdiisa qiima ku darsaday”.

Waxay kaloo raacisey hadalkeedii, “anigu reer miyiga iyo wixii ku salle waan necbahay sababtoo ah, hadda aabbahay wuxuu ii soo dhoofshey nin reer miyi ah oo geel badan leh walaashayna ka dhimatay oo wax allaale wax uu yaqaan aanay jirin, sida loo seexdana haba yaraatee aan garanayn. Gabaygaas caawa Calimaax tiriyeyna oo damdamta iyo hangoolkay la dhacaan ku sheegay wuu i sii nacsiiyey reer miyi iyo wixii ku salleba.”

Murwadii Saluuglaa ku tiri, “soo Cawralaay aabbahaa haddaad diiddid ninkaad sheegtay ku oran maayo habaar iyo duco kala dooro?”

Cawrali waxay ku jawaabtay, “hadduu saa i yiraahdo waxaan dooranayaa habaarkiisa markaasna waxaan ka ducaysanayaa Shiikha Maydh ku aasan, sababtoo ah habaar kasta ducada Shiikhaa ka xoog roon, markaas hadduu adoogay cirka soo gujiyo ka yeeli maayo nin aanan jeclaan oo aanan asluubtiisa iyo ragannimadisa ka baaraandegin, baranna inaan oori u noqdo oo uu iigu yeero naa yaa, naa yaa! Ama uu hadba intuu magacayga ka hawoodo yiraahdo taannu wada joogney, tii reerka, tii carrurta ii haysey iwm”.

Murwadii Saluugla weydiisey Cawrala oo tiri, “Cawralaay waa maxay jacaylku, waxse ma iiga sheegi kartaa? Waayo anigu waxaan ahay dumarkii hore oo hadba ninkii doona la siin jirey iyagoo aan erayna la weydiin inay raalli ka yihiin  oo meher lagu duugi jirey yaradkana laga qaadan jirey. Waxaad ka soo qaaddaa anigaygan kula hadlaaya aabbahay wuxuu i siiyey aanoo shan iyo toban jir ah, nin badda jirey oo cimrigiisu lixdanka kor u dhaafay oo aan hal fool ah lagu ogeyn timaha iyaga hadalkoodaba daayoo, tukuba dheerna sita. Tan keliya oo u geysay aabbahay inuu sidaas yeelo waa lacag jacayl anigana lacagtaas uu odaygaasi haystey ayaa sabab ii noqotay inaan noqdo tii loogu heesay “garaad daraney gu’ kaa tegey iyo ma soo noqon galab ku dhaaftaa”. Waxaa dhacday markaa laba sannadood wada joogney iska daa nafac kale ama ninnimo aan ku qabee, wuu cammoobey oo dabkii ka kici waayey, markaasaa geeddigiina la fuuliyey. Markaas in kastoo aan haystey marriin iyo masruuf wacan, ayse ii dhadhami waayeen ayaan damcay inaan iska furo, waxbase waa iiga qabsoomi waayeen naakirad baana lay qoray, sababtoo ah, diinteenna Muslinku siday wadaaddada wax ma garad ka ahi yiraahdaan waxay dhigaysaa in ninku markuu doono iyo siduu u doono u furi karo haweentiisa, laakiinkse, haweentu ninka hadday nacdo dhibaato kastana ha ku qabtee, inaanay iska furi karin, welibana hadday inay diiddo ku adkaysato waxaa la qoraa wax la yiraahdo naakiro. Taasoo ka xaaraamaynaysa inaanay weligeed nin kale guursan.

Haddaba, haddaan ogahay inuu Ilaahay caaddil yahay ragga iyo haweenkuna sagaal bilood ku wada dhasheen ila ma’aha in xaggiisa ragga iyo haweenku u kala sokeeyaan, ee waxaanu waa wax raggu u samaystay inay xaqa dumarka ku duudsiyaan, markay cilmigii iyo aqoontii kaleba ka hor barteen.

Sidaas aawadeed waxaan qabaa inay dumarku diinta iyo cilmoo dhan la bartaan ragga si ay xuquuqdooda uga dhacsadaan, raggana wax ula qaybsadaan. Waayo haddaan wax aqaan maallintii dhoweyto ee qaaddiga Xiis lay geeyey ee naakiradda layga dhigay, waxaan hubaa inaan intaan garta ka helo odaygii xumaa weliba xarig qoorta u gelin lahaa, hase ahaayee waxaa iga hiiliyey laba hal, cilmiguu iga badiyey iyo lacagtiisii markii horena i sababtay.  Sida muuqatana goblan baan geeri ku sugi. Haddaba, geelooyin hadalka waan ku dheeraadaye Cawralaay adaan kaa qabsadaye bal jacaylkaad sheegayso wuxuu dhadhamo wax nooga taabo”.


La Soco Qaybta 3d


Qaybtii 1d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *