Home / Buug / Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 3

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 3

Intaanay Cawrali hadalkii bilaabin ayaa wagii sagliyey oo wadaad doonnida saarnaa aadaamay oo yiri, “Allaahu akbar allaahu akbar, ashahadduu an laa Ilaaha Illalaahu wa asahaddu anna muxamadan rasuulalaah, haya calal salaax. haya cala falaax”

Markii addankii dhamaaday salaadiina la tukadey waagiina ogtiisii dilaacday, baa Cawrali tiri, “sheekadaas jacaylka ah habeen dambe baan u dhiganayna, waayo waagii baa baryey hadda oo waxaa laga yaabaa iney inta raggu ina maqlaan”.

***

Inkastoo maayad Hindiyihii jirtay habeenkaas, hase ahaatee baddu aad bay u degganayd dadkoo dhammina waxay ku caweeyeen ilaa waagu galalac yiri haasaawihii iyo murankii dhex maray Calimaax iyo Nuur Ciise, rag badanina ka qayb qaateen, ruux wareerana waxaa u danbeeyey Nuur Ciise, isaguna markii Cali xifaaleeyey ayaa ugu dambeysay.

Maalin labaaddii oo bisha Maarso ahayd 26, waxay ahayd maalin milicdu aad u kulushahay oo kaliil hogad ah, waana maalinta sida la ogyahay gugu ka bilaabmo dalka Soomaaliyeed. Markaa kulkii awgiis sadxaddii doonnida baa rikaabkii loo dallaadeeyey haweenkiina hooso loo xiray ay milicda ka harsadaan. Iyadoo Cawrali isha galisey Calimaax markii ugu horrayseyoo uu doonnida cagta soo saaray, habeenkii xigayna hadalkiisii iyo haasaawihiisii macaanaa dhegta ka maashay, ayey maalin labaadaas aad uga il sugatay. Wuxuuna ugu muuqday inuu yahay nin da’ dhexe ah oo ilbaxnimo indhihiisa ka muuqatay, lagana yaabo inuu afaf badan oo qalaad  ku hadlo, haybadna leh.  Waxay kaloo aragtay inuu yahay midabkiisu casaan raac yahay oo sanqaroor dheer leh, garkuna madow buuxa yahay oo uu hab wanaagsan u qoray.

Wuxuu kaloo u ekaaday in kastoo aanu kicin nin dheer oo lixaad leh. Waxay kaloo dareentay inuu yahay nin Daraawiishta Ina Cabdalla Xasan ee Taleex degtey ka mid ah, sababtoo ah waxaa gadaashiisa ku tiirsanaa hal sitaac iyo hal nadi iyo qori maarre ah. Inuu Daraawiishta ka mid yahayna waxay ku sii rumaysay, balaf bay ku maqashay inay doonnida ku jiraan niman lagu tuhmaayay inay Daraawiish yihiin.

Isla maalintaas markay barqadii gaartey ayaa naakhuudihii badmaaxyadii ku yiri, “war maxaad inoo ku jillaabi weydeen miyeydaan ogayn Baddacas inuu ku jiro kalluunka adduunyada ugu macaan uguna qaaya roon oo ah tebediinka, oo hadda doonnida hareeraheeda booddalaysanaaya?” Markaasaa badmaaxyadii amarkii fuliyeenoo la jillaaba, oo isla muddo yar dabadeed soo dhifteen dhawr hal oo tebediin ah. Halkaasaa qadadii lagu bisleeyey  tebediinkii oo jaadjaad loo sameeyay. Haddaba, nasiibdarri waxaa dhacday markii qadadii la soo dhigay loona faraxashay ayaa Nuur Ciise afka iyo intuu sanka mara ku duubay diidey qadadii kalluunka lahayd inuu farihiisa galiyo. Markaasaa Cali ku yiri, “Nuurow ninkaan kalluunka ifka ku cunin aakhiraa afka loogu guraa bay Soomalidu tiraahdaa, ee maad cuntid caafimaad iyo nafaquu jirkaaga tarayaaye”

Wuxuu yiri

Dunnunucaay kolkuu qahwaha, debinta saaraayo,

Duuf lulaaye goortuu kalluun, labada daan buuxsho,

Dayn qaate meeshii nin ragi, debec ka maalaayo,

Duryan xume markuu deego buu, dunida hiifaaye

Diintiyo wuxuu caayayaa, daayin Ilaahiise,

Dacwad aan la garanayn iyo, dafashya baas sheegte,

Dood iyo dagaal baa nin raga, lagu daryeelaaye,

Deeqadana haddii loogu ladho derejo weeyaane,

Wax dawddara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga.

Cali baa markaas  hadalkii qaatay markii Nuur dhameeyey gabaygii oo yiri, “Nuurow layskuma hayo inuu kalluunku xalaal yahay, waayo waxaa la yiri nebigii baa seeftiisa ku gawracay sebenkiisii.

Waxaan kaloo intaas kuu raacinayaa faa’iidooyinkiisa kale oo aan la ogayn, kuwaasoo ta u horraysaa ay tahay inuu yahay xoolo ama sahay aan loo kala xoog roonayn. Tan labaad waa xoolo aanu col iyo cadaawe kaa qaadi karin. Tan saddexaad waa xoolo aan oomin abaarina gelin. Tan afraad waa xoolo maalqabeenka iyo saboolku u siman yihiin, laakiinse uu bursadaa hadba koodii tabar bataa midkood kasta ha ahaadee. Haddaba haddaan, Nuurow soo gabagabeeyo faa’iidooyinkiisa u weyni waxay tahay, waa hanti uumiya iyo sankuneefle oo dhan loo simayoo la wadaagaa, walibana tixdaydaan maqal, aad garatid wuxuu yahaye.

Kalluunkeennu waa socoobaanka iyo, sodon kun oo jaade,

Seerseer macaanow lebediinku waa, ugu sarreeyaaye,

Oo Sallalaahu nebigii ayaa, sef ku gawracaye,

Saxal iyo abaar kuma kacdiyo, samo kaliileede,

Ma saanyado col duulaa hadduu, sarida kuu deexan

Saxar cuduri saymaha adduun, abid ma saysaansho,

Ninkiise saansaanyahay yaqaan iyo badaha saamkooda,

Oo subaxdii horeetaba kacoo, seebka taranteersha,

Waa sahay daleelaha u taal, saacad dabadeede,

Nin saboola iyo maalqabeen baa,  sadho dhex taallaaye,

Waxse loo simay waa kalluun, sebi un baa mooge,

Waxa uu nafaqo siinayaa, jiidh solmoo tegeye,

Badda seylac saaxiyo Berbera, tan iyo Seyhaaba,

Waxaa sare iyo hoos ku jira waa sareedade,

Soomaali baan garan intey silic ku noolayde”

Markii Cali gabaygaas dhameeyey ayaa murwadii saluugli ku tiri Cawrala, “naa Cawralay maxay kula tahay waadigii faalle had iyo jeer ka bixin jiray hadduu Cali eray yiraahdee? Mase ku raacsan tahay wuxuu kalluunka ku ammaanay?” Cawralaa markaas ku jawaabtay, “waan ku raacsanahay inuu kalluunku leeyahay faa’iidooyin badan, laakiinse aanu dadku ogayn sida Calimaax u sheegay, waxaa Saluuglay dhicidoonta sida dunidu ku socoto oo dadka tiradiisu u kordhayso maalinba maalinta ka danbaysa inay cuntadu iyo xooluhu dadka ku yaraan doonaan, oo markaas laysugu iman doono kalluunka iyo waxa badda ku hoos jira.

Markaas Calimaax rayiga iskaga raacimaayee waa nin wax garada ah oo ka gar jooga ninka kalluunka diiday isla mar ahaantiina aflagaaddo u geystey wixii cuna”.

Dharaartaas gelinkeedii danbe baddu waa yara kacsanayd oo hadba doonnida hareeraheeda ayaa mawjaddu tarshadda ku soo dharbaaxaysay,  waxaadna moodeysay inay mar walba marka ka dambeeysa karkeedu soo kordhayey cirkuna dheeraad buu u cusbaa oo goortii gabbalkii dhacay ayaa daruuro iyo dabaylo yalax qabow ahi dhanka bariga ka yimaadeen. Markii makhrib la tukadey ayaa murwo Saluugli tiri, Cawralay waxba garan maayo oo caawa haasaawihii ragga maqlimayno, iyadoo laga yaaba inay sabab u tahay dabaysha xoogga leh iyo duufaanta dhacaysa. Wadigiina Cawralay saaka salaaddii ku ballan qaaday inaad jacaylku wuxuu yahaynooga sheekaysid ee bal halkii ka wad”.

Cawralaa tiri “waatahay Saluuglaay i dhegaysta adiga iyo geelada kale, waxaanse idiin horreysiinayaa inaan hore jacayl ii qaban, hase ahaatee illaa shalay galab waxaan u maleeyey inuu isaga yahay baa i haleelay, oo waa sida dacarta qaraarka ah, oo misana dhabaqeeda sare macaan yahay. Markaad weydo waa hoog iyo ba’ iyo leelleel oo lahbi laabtaada geliya aadan ka ledi karayn. Markaad heshid waa sida deeq hagar la’aaneed oo waa sida dhuuni aad u baahnayd oo dheef iyo dhaqaale kuu tara.

Xag kalena haddaan ka laba rogo waa sida dooggiyo xareediyo saxansaxada udugeed, haddaan laguu ogayn waa geeri iyo cudur caato kuu dila eh.  Haddaad heshid ood hantid waa faraxii naftaadiyo raaxadii adduunyada. Saluuglaay miyaadan maqal maahmaahdaan?[1]

Afar waa mugdi,

Afar waa maradhaamo,

Afar baa ka macaan,

Afarna wawga maso.

  1. Abaari waa mugdi

Cawsna waw maradhaamo

Doog baa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa ninkaan cood lahayn.

  1. Colaadi waa mugdi

Ergona waw maradhaamo

Nabad baa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa ninkii ku dhintay.

  1. Habeen waa mugdi

Dayaxna waw maradhaamo

Maalintaa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa ninkii indhoole ah.

  1. Hammadi waa mugdi

Guurna waw maradhaamo

Jacayl baa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa caamadaan garanayn.

***

Markay sheekadii halkaas u mareysay oo ay tahay abbaara tobankii habeennimo ayaa moosinkii iyo dabayshii soo kordheen oo hadba sidii dhibic roob badii shaxshax ku soo tiri doonnida gudaheedii, baxaaridiina maaweredda gurtay.

Eraygaas maawered waxay baxaaridu ku samrisiisaa dadka rakaabka ah, waxayna yiraahdaan marka baddu darbadaysan tahay oo heeraabka hore ee doonnida iyo mawjaddu kulmaan, biyuhuna sare u kacaan oo dib ugu soo dhacaan  doonnida dusheeda iyagoo sidii dhibico roob ah.

Naakhuudihii iyo sareenjigii waxay amar buuxa ku bixiyeen in badmaaxyadii iyo wixii doonnida ku jiray oo dhammi heegan ahaadaan, khaas ahaanna raggii hawlaha gaarka ah lahaa, oo ay ka mid ahaayeen ninkii wadeenka ahaa ama shukaanta hayey, iyo raggii biya dhuridda lahaa. Waxaa muuqatay inuu naakhuuduhu ahaa nin dhibaatooyin iyo danqaara badan soo galay dhawr jeerna doonyo la degeen ama la sigteen. Sidaas darted wax aragagaxa oo ay gelisay baddii kacday ma jirin, inkastoo uu maleeyey ama ilaadiyey siday daruurtu cirka ku ahayd inaanay sagleela la’aan dhacayn.

Iyadoo rag iyo haween wixii doonnida ku jiray werwer iyo walaac ka galay siday baddu ahayd cirkuna jaha walba uga soo awdmay, ayaa Cawrali hablihii ku tiri, “hablow maxaa mid waliba ku dardaarmaysaa, waa intaasoo doonnidu degtaa oo mid ina ka mid ahi noolaataa labana dhimataa ama midina dhimataa labana noolaataaye”


[1] Waxaa yiri maahmaahdaas ninka gabayaga ahaa oo la oran jirey Ciisa Maxamuud Cali.


La Soco Qaybta 4d


Qaybtii 2d

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Mamuu iyo Seyn 16: Shallayto iyo Dardaaran

Qaybtii Hore Shallayto Waaberigii ayaa Amiirka ka dul dhashay isaga oo weli talo wax-ku-ool ah ...

Mamuu iyo Seyn 15: Kacdoon iyo Dhagar

Qaybtii Hore Kacdoon Hal sano oo dhammaystiran ayuu immika xabsiga ku jiraa Mamuu. Saaxiibaddiisii guuldarrada, ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *