Waa molikuyuul ka dhisan kaarboon, haaydrojiin iyo oksijiin. Saamiga ay oksijiinta iyo haaydrojiintu ugu jiraan waa 1:2 (qayb oksijiin ah iyo laba qaybood oo haaydrojiin ah). Marka aad cunayso bariis, baasto, rooti, canjeelo, digir/ canbuulo, muufo, baradho, sonkor iyo cunnooyin kale oo badan, cuntadaas inteeda badani waa kaarbohaydarayt. Waa shidaalka jirku tamarta ka dhaliyo, si uu firfircoonaan u sameeyo. Kaarbohaydaraytyada waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin saakaraaydhyo (saccharides) oo macnaheedu yahay sonkoro. Waxaana loo qaybiyaa saddex jaad (Jaantus 2.10-2.12):
Hal-saakaraaydhley (monosaccharide) oo ka kooban hal molikuyuul oo sonkor ah. Qaybtan waxaa ka mid ah guluukows (glucose), furuktows (fructose), iyo gaalaktows (galactose).
Laba-saakaraaydhley (disaccharide) oo ka kooban laba molikuyuul oo sonkor ah oo isku dabran. Tusaale ahaan, guluukows iyo gaalaktows marka ay isku dabramaan waxa ay sameeyaan laaktows (lactose). Guluukows iyo furuktowsna waxa ay sameeyaan sukrows (sonkorta aan caadi ahaan adeegsanno). Laba guluukows oo isku dabranna waxa ay sameeyaan maaltows (maltose).
Saakaraaydh-badanley (polysaccharide) oo ka kooban molikuyuullo badan oo sonkor ah. Molikuyuullo badan oo guluukows ah oo isku taxan ayaa sameeyaa saakaraaydh-badanlaha istaarj. Istaarjku waa taranbadane (polymer) aysan silsiladdiisu toosnayn ee ay farcanto oo ay laamo leedahay (branched; braanj-t), waxa uuna sonkorta kaga duwan yahay in uusan biyaha ku milmin. Baradhada iyo bariisku waxa ugu badan ee ay ka samaysan yihiin waa istaarj. Waxaa kale oo laga helaa sarreenka/qamadida iyo digirta. Istaarjku waa kaydka cunteed ee ay dhirtu samaystaan.
Xayawaanku sonkorta uma kaydsan karaan istaarj ahaan, ee waxa ay adeegsadaan taranbadane kale oo lagu magacaabo galaaykojiin (glycogen). Sida istaarjka ayaa ay ka samaysan tahay tarmiyeyaal guluukows ah, waxa ayna leedahay laamo (branched).
Ku noqo TUSMADA