2.5 Biyo

Biyuhu waa molikuyuul aan orgaanik ahayn (kaarboon ku jirin) noloshana aasaas u ah. Molikuyuulka biyaha ahi waxa uu ka kooban yahay laba atam oo haaydrojiin ah iyo hal atam oo oksijiin ah.

Jirkeennu qiyaastii 60-70% waa biyo, halka dhiiggu yahay 90-92% biyo, caanuhuna 87% biyo. Halkaas waxa aynu ka garan karnaa in biyuhu wixii nool ay qayb weyn ka yihiin, noloshana ay lagama maarmaan u yihiin.

‬وَجَعَلْنَا‭ ‬مِنَ‭ ‬الْمَاءِ‭ ‬كُلَّ‭ ‬شَيْءٍ‭ ‬حَيٍّ‭ ‬أَفَلا‭ ‬يُؤْمِنُونَ‭

“Wax kasta oo nool waxa Aannu ka samaynay biyo, ee miyeysan rumaynaynin”

Al Anbiyaa’: 30

Jaantus 2.21 Biyodhac. Xigashada sawirka ©Matthew Bowden, via Wikimedia Commons.
Jaantus 2.21 Biyodhac. Xigashada sawirka ©Matthew Bowden, via Wikimedia Commons.

Biyuhu waxtar weyn ayaa ay jirka u leeyihiin. Waxa ay suurageliyaan milidda cuntada iyo qashinka, si cuntadu u gasho dhiigga oo unugyada loo gaadhsiiyo, qashinka unugyadu soo bixiyaanna dhiigga u soo raaco dabadeedna dibadda loogu saaro. Siyaabaha biyuhu ay lagama maarmaan u yihiin waxaa ka mid ah: baahida loogu qabo in ay ka qayb galaan dhiska nudaha jirka, dheecaannada iyo insaaymyada shida cuntada, iyo qashin saarka, qoynta xubnaha jirka korkooda si aanay isu xoqin, iyo qaboojinta jirka oo uu keeno uumibaxa dhididku.

Molikuyuulka biyuhu waxa uu leeyahay astaamo aan laga wada helin molikuyuullada kale, taas ayaana ka dhigtay aasaaska nolosha. Molikuyuulka biyuhu waa cirifle (polar) oo hal cirif waxa uu ku leeyahay danab yar oo taban, cirifka kalena waxa uu ku leeyahay danab yar oo togan. Tani waxa ay suuragelisaa in molikuyuullada biyuhu ay sameeyaan dabarro haaydrojiin oo isu qabta cirifyada kala danabka ah. Dabarkani uma awood badna sida kuwa kale, laakiin waxa uu biyaha u yeelaa astaamaha ka dhigay asaaska nolosha.

Jaantus 2.22 Dabarada isu haya molikuyuullada biyaha. Xigashada sawirka ©OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.
Jaantus 2.22 Dabarada isu haya molikuyuullada biyaha. Xigashada sawirka
©OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.

Biyuhu marka ay noqdaan baraf waa ay fidaan (expand; eks-paandh),   waxaana yaraata cufnaantooda. sidaas awgeed, barafku waxa uu dul heehaabaa biyaha hoorka ah. Astaantan la’aanteed, noolaha biyaha ku jira ee ku nool meelaha aadka u qabow waa ay dhiman lahaayeen xilliga jiilaalka.

Jaantus 2.23 Barafku waa uu ka fudud yahay biyaha waana uu dul heehaabaa. Xigashada sawirka © tpsdave [Public Domain], via Pixabay.
Jaantus 2.23 Barafku waa uu ka fudud yahay biyaha waana uu dul heehaabaa. Xigashada sawirka © tpsdave [Public Domain], via Pixabay.

Astaanta kale ee ka dhalata dabarka haaydrojiintu waa isjiidasho (cohesion; kow-hii-shan) ka dhaxaysa molikuyuullada biyaha. Isjiidadkani waxa uu sababaa xoog duleed (surface tension; seer-fas ten-shan), waana sababta cayayaanka qaarkood biyaha ugu dul socon karaan (Jaantus 2.24). Waxaa isjiidad dhex mari karaa molikuyuullada biyaha iyo kuwo kale, waxaana lagu tilmaanaa qalaad isjiidad (adhesion). Tusaale ahaan, haddii aad maro dacalkeeda biyo geliso, waxa aad arkaysaa biyihii oo maradii ku fiday. Taasna waxaa keenaya molikuyuullada biyaha iyo kuwa maradu ka samaysan tahay oo isjiidanaya (adhesion). Si aysan biyuhu u kala go’inna waxaa isu haya isjiidadka molikuyuullada biyaha u dhexeeya (cohesion). Astaamahani waxa ay dhirta u suurageliyaan in ay biyaha carrada ka nuugaan oo ay caleentooda gaadhsiiyaan.

Jaantus 2.24 Cayayaankani waxa uu ka faa'iidaystaa isjiidadka molikuyuullada biyaha, oo waxa uu ku dul socdaa biyaha. ©Cory. [CC BY-SA 2.1 JP], via Wikimedia Commons.
Jaantus 2.24 Cayayaankani waxa uu ka faa’iidaystaa isjiidadka molikuyuullada biyaha, oo waxa uu ku dul socdaa biyaha. ©Cory. [CC BY-SA 2.1 JP], via Wikimedia Commons.

Dabarrada haaydrojiinta ee badani waxa ay kordhiyaan kulqaadka (heat capacity) biyaha, oo in heerkulka (temperature) biyaha la beddelaa tamar badan ayaa ay u baahan tahay marka loo fiiriyo molikuyuullada kale ee u dhigma. Sidaas awgeed, jirku si uu u hormeeyo heerkulkiisa waxa uu adeegsadaa biyaha ku jira (dhidid).

Biyuhu waxa ay suurageliyaan falgallada kiimikeed ee noolaha dhexdiisa ka dhaca, iyada oo walxaha isla falgelayaa ay ku dhex milmaan biyaha iyaga oo samaynaya milan (solution; sol-yuu-shan). Tusaale ahaan, sonkorta jirku u adeegsado dhalinta tamarta waxa ay ku dhex milan tahay biyo. Walaxda biyaha ku dhex milanta waxaa lagu tilmaamaa milme (solute; sol-yuut), biyuhuna waa mile (solvent; sol-vent). Haddaba, biyuhu waa mile aad lagama maarmaan ugu ah nolosha iyo falalkeeda kiimikeed. Si fudud baa ay sonkoraha, macdanaha, neefaha, cusbooyinka iyo walxo kaleba ugu milmi karaan biyaha si ay uga qaybqaataan falgallada kiimikeed. Walxaha aan biyaha ku dhex milmi karini waa ay dhex heehaabaan (suspension; sas-pen-shan).

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *