Waxa aan soo aragnay in unuggu aad u yaryahay. haddaba, sidee ayaa unug ay baaxaddiisu sidaas u yar tahay ugu suuragashay in uu qabto hawlaha (functions; funk-shans) suuragelinaya nolosha? Maxaa uu ka samaysan yahay?
Xuubka Unugga (cell membrane; sel mem-barayn)
Unuggu waxa uu leeyahay soohdin ka soocda waxyaalaha ku hareeraysan ee dibadda ka ah. Soohdintani waa xuub ku dahaadhan unugga oo ay qaradiisu aad u yar tahay, laguna magacaabo xuubka unugga (cell membrane; sel mem-barayn) ama xuubka balaasmada (plasma membrane; balaas-ma mem-barayn). Xuubka unuggu waxa uu u taliyaa waxa gala iyo waxa ka baxa unugga; oo waa xuduudda unuggu la leeyahay, kana soocda walxaha ku hareeraysan.
Xuubka marka laga gudbo, gudaha unugga waxaa loo qaybin karaa labo: saaytobalaasam ka hoosaysa xuubka, iyo bu’da oo dhextaalla saaytobalaasamka. Bu’da aan ku bilawno.
Bu’da Unugga (nucleus; nuyuk-liyas)
Bu’du aad iyo aad ayaa ay muhiim u tahay oo waxa ay xukuntaa hababka nololeed ee unugga. Bu’du waa xarunta looga taliyo unugga. DNA (dhii-en-ey) da unugga inteeda badani waxa ay ku jirtaa bu’da. Sidaa awgeedna, unugga noociisa iyo hawsha uu qabtaaba waxa ay ku xiran yihiin farriimaha iyo amarrada ka soo fula bu’da. Haddii unugga laba qaybood laga dhigo oo bu’da middood la raacsiiyo, waxaa noolaata oo qur ah qaybta bu’da wadata.
Bu’da waxaa ku dahaadhan xuub laban laaban, qaradiisuna yar tahay, kaas oo ka sooca saytoobalaasamka. Xuubka bu’du (nuclear membrane/nuclear envelope; nuyuk-li-yar mem-barayn/en-ve-loowb) waa soohdin ka celisa wax alla wixii aanay bu’du doonayn. Maadaama ay bu’du u taliso unugga intiisa kale, waa in ay xidhiidh la leedahay oo farriimuhu u kala gudbi karaan. Xuubka bu’du waxa uu leeyahay daldalool yaryar (nuclear pores; nuyuk-li-yar boors) oo suurageliya gelitaanka iyo ka bixidda bu’da. Bu’da unugyada qaarkood waxaa laga helaa jir qaabkiisu kubbad yar oo kale u eg yahay, lana yiraahdo bu’yar (nucleolus; nuyuk-li-yoow-las). Jirkani waa halka samaynta raaybosoomyadu ka bilaabato.
Caadi ahaan DNA-du iyada oo miiqyo ah oo ku dhafan borotiinno ayaa ay ku dhex daadsan tahay bu’da. DNA-du marka ay qaabkan tahay waxaa loo yaqaannaa koromatin (chromatin). Unuggu marka uu qaybsamayo ayaa koromatinku isu beddelaa koromosoomyo (chromosome; koro-mo-soowm).
Saaytobalaasam (cytoplasm; saay-to-balaasam)
Xuubka marka laga gudbo waxaa la gaadhayaa hoor isjiidanaya oo ka kooban biyo, cusbooyin, borotiinno (sida insaamyo; enzymes), cunto, iyo walxo kale, oo lagu magacaabo saaytobalaasam. Unugga haddii aan ku fiirinno weyneeyaha ilayska (Jaantus 3.1) waxaa innoo muuqanaya xuubka oo ku hareeraysan saytobalaasamka oo ah walxaha unugga ku jira oo idil, iyo bu’da oo kubbad la moodo oo iyaduna dhextaalla saaytobalaasamka. Saytoobalaasamku waa halka ay ka dhacaan hawlaha unuggu qabto intooda badani, maxaa yeelay qaybihii unugga ee hawlahaas u xilsaarnaa ayaa dhexyaalla. Qaybahan kale oo mid waliba hawl gaar ah u xil saaran tahay, laguna magacaabo xubnayareyaal (organelle; oor-ga-neel) waxaa inna tusiya weyneeyaha elektoroonka, mid mid ayaanna uga hadli doonnaa. Saatobalaasamku waxa ay ka kooban tahay biyo ilaa 80%, taas oo suuragelisa falgallada kiimikaad ee halkaas ka dhaca. Saaytobalaasamka haddii laga saaro xubnayareyaalka, waxaa soo hara hoor isjiidanaya oo lagu magacaabo saaytosool (cytosol).
Indhobalaasmik Retiklamka iyo Raaybosoomyada (endoplasmic reticulum and ribosomes)
Waa xuubab tiro badan oo xidhiidhsan, lehna gude (cavity; kaa-fi-tii/ lumen; luu-men), waxa ayna ku xidhiidhsan yihiin xuubka bu’da. Shabakadda Indhoobalaasmik retiklamka inteeda badan waxaa dusha kaga dheggan xabuub aad u yaryar oo la yiraahdo raaybosoom (ribosome), waxaana lagu tilmaamaa in ay tahay indhoobalaasmik retiklam xanafsan (rough endoplasmic reticulum; RER), waxa ayna ka qayb qaadataa samaynta iyo dhoofinta borotiinnada. Qaybta aan lahayn raaybosoomyada waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay indhoobalaasmik retiklam sisib ah (smooth endoplasmic reticulum; SER), shaqana kuma laha samaynta borotiinnada ee waxa ay ka qayb qaadataa samaynta duxda (lipid; li-pidh) iyo isteerooydhyada (steroids). Sidaa awgeed, indhoobalaasmik retiklamku waxa uu u qaybsamaa laba: mid xanafsan iyo mid sisib ah (Jaantus 3.11).
Raaybosoomyadu waa warshadaha sameeya borotiinka (dib baan uga hadli doonnaa). Kuwa ku dheggan indhoobalaasmik retiklamka xanafsani (Jaantus 3.11) waxa ay sameeyaan borotiin loogu talo galay in loo dhoofiyo unugga dibaddiisa ama xuubka unugga. Borotiinka looga baahan yahay unugga gudihiisa waxaa sameeya raaybosoomyo xor ah oo dhex daadsan saaytobalaasamka.
Labada qaybood ee indhoobalaasmik retiklamku waxa ay wax-soosaarkooda ku raraan xashin (vesicle; vii-si-kal) xuubkooda ka ruqura ama go’a, kaddibna ku darsama qalabka Golji (Golgi Apparatus; aba-ray-tas/Golgi Body; bodhi [jirka Golji]).
Xashin (vesicle; fii-si-kal)
Xashinnada waxa aan ku tusaalayn karnaa weel unugyadu u adeegsadaan kaydinta iyo raridda alaabta. Waxa aan soo aragnay in borotiinka raaybasoomyadu sameeyaan lagu raro xashinno (Jaantus 3.12), kuwaas oo u qaada qalabka Golji, haddana u sii qaada xuubka unugga ama ku kaydiya unugga dhexdiisa. Xashinnadu waxa ay ka samaysan yihiin xuub.
Qalabka Golji (Golgi body/ Golgi Apparatus)
Marka samaynta borotiinku dhammaato, waxaa lagu raraa xashinno ka go’a xuubka indhoobalaasmik retiklamka, kuwaas oo u gudba xuubab yaryar oo iswada barbaryaalla laguna magacaabo qalabka Golji (Golji Apparatus; appa-ray-tas). Xubinyarahani waxa uu mas’uul ka yahay hagaajinta, wax-ka-bedelidda iyo naashnaashitaanka guud ee borotiinkii raaybasoomyadu sameeyeen. Marka ay diyaariyaan borotiinka waxa ay ku raraan xashin xuub ah, kaas oo u qaadaa hadba meeshii looga baahnaa. Haddii borotiinku uu yahay mid unugga dibaddiisa looga baahan yahay (sida hoormoonnada) xashinku inta uu xuubka unugga ku dhego ayaa uu rarkii uu siday bannaanka ku sii daayaa (dhiijiyaa).
Dhisidda borotiinnadu baababka soo socda ayaa ay ku imaanaysaa, haddii Alle idmo.
Laaysosowm (lysosome)
Laaysosowmku waa xashin (vesicle) ku raran insaamyo dheefshiid, oo ay shaqadiisu tahay nadiifinta unugga, loona diro wixii burburin iyo shiidid u baahan. Tusaale ahaan, haddii baktiiriya soo gasho unugga, laaysosoomku inta uu ku dhego ayaa uu insaamyadiisa ku sii daayaa, halkaasayna ku shiidantaa oo ay noqotaa molikuyuullo unuggu wax kale u adeegsan karo (Jaantus 3.13). Sidaas oo kale, xubnoyareyaasha unugga ee aan markaas loo baahnayn ama duugoobey, unuggu waxa uu ku dahaadhaa xuub, kaddibna waxa uu ku dhejiyaa laaysosoom kusii daaya insaamyo shiida oo burburiya.
Mararka qaar waxaa dhacda in loo baahdo dilidda unuga oo dhan. Markan oo kale waxaa qarxa xuubka laaysosoomka oo insaamyadii dheefshiidka ku sii daaya unugga dhexdiisa, kuwaas oo unugga burburiya, sidaana ku dila. Unugyada difaaca jidhku waxa ay adeegsadaan laaysosoomyo, si ay u burburiyaan baktiiriyada iyo faayrasyada jidhka soo gala.
Laysowmyadu waxaa kale oo ay nudaha sii le’anaya ku sii daayaan insaaymyo, iyaga oo keenaya burburka unugyadooda, taas oo tusaale ahaan ay inna tusayso lulumada ay ka sii baaba’ayso dabadu marka uu qaangaadhayo.
In kasta oo unugyada xoolaha (animals) intooda badan laga helo, kuma badna dhirta oo noocyo gaar ah oo keli ah ayaa laga helaa, kuwaasna dhowaan ayaa la ogaaday, oo wakhti aan fogayn waxaa loo malaynayey in aan dhirta laga wax laaysosowm ahba. Maadaama ay u xilsaaran yihiin nadiifinta unugga, haddii ay hawshooda gabaan waxaa ka dhasha in unuggii qashin ka buuxsamo, taas oo sababta cudurro qaarkood khatar yihiin.
Maaytokondiriya (mitochondria)
Maaytokondiriyadu waa aqalka quwadda ee unugga, waxa ayna qaabilsan tahay dhalinta tamarta keenta firfircoonida unugga. Tamarta kiimikeed ee ku kaydsan cunnada aynu quudanno iyo oksijiinta aynu neefsanno ayaa ay u beddeshaa molikuyuul unugyadu tamar ahaan u adeegsan karaan. Molikuyuulkan oo loo yaqaan eytiibii (ATP), waxa aan ugu tegi doonna cutubyada soo socda. Unugyadu sida ay u kala badsadaan adeegsiga tamarta ayaa ay u kala maaytokondiriya badan yihiin.
Maaytokondiriyaha waxaa ku xeeran laba xuub, mid gudaha ah (inner membrane; inar-mem-ba-rayn) iyo mid dibadda ah (outer membrane; aw-tar mem-ba-rayn), waxaana u dhaxeeya hoor (fluid; fu-lu-widh). Xuubka guduhu waxa uu u laalaaban yahay qaab la moodo faro (cristae; ki-ris-tey). Maaytakondiriyaha gudaheeda waxaa ka buuxa iskudhisyo kiimikaad oo hawshooda aan gadaal ka baran doonno.
Xubinyarahan intiisa badan waxa aan ka dhaxalnaa hooyada, waxa aana ku jirta DNA hooyada ka timid oo u gaar ah.
Qalfoofta Unugga (cytoskeleton; saayto-ske-latan)
Unuggu ma aha bac xiran oo dareere iyo xubnayareyaal dhex heehaabayaan. Waxa uu leeyahay qalfoof unug taas oo u yeesha qaab, kana qayb qaadata dhaqaaqa walxaha unugga gudihiisa ku jira, amaba unugga oo idil. Qalfoofta unuggu waxa ay ka samaysan tahay borotiinno dhawr jaad ah. Labada ugu badani waa maaykrofilamentis (microfilaments; liifyo yaraan badan) iyo maaykrotuyuubalis (microtubules; dhuumo yaraan badan).
Maaykrotuyuubalis: waa dhis sidii tuubbo oo kale ah dhexdiisuna madhan tahay, kana samaysan borotiin la dhaho tuyuubilin (tubulin). Ka sokoow taageeridda iyo qaab u samaynta unugga, maaykrotuyuubalisku waxa ay qayb weyn ka qaataan taranka unugga, iyaga oo sameeya liifyo khaydan (spindle fibres; sbin-dhal faay-baris) oo ka mas’uul ah kala qaybinta koromosoomyada.
Waxaa jira xubinyare kale oo loo yaqaanno sentiriyool (centriole) kaas oo agyaalla bu’da unugga, qayb weynna ka qaata taranka iyo kala qaybsanka unugga, sida aan cutubyada soo socda ku arki doonno. Sentiriyoolladu waxa ay ku kooban yihiin unugyada xoolaha lagamana helo unugyada dhirta.
Maaykrofilamentis: waa liifyo sida dunta oo kale ah kana samaysan borotiin loo yaqaanno aktin (actin). Waa ay ka dhuuban yihiin maaykrotuyuubalis waxa ayna sameeyaan shabag ama saab taageera unugga, sida dhigahu aqal Soomaaligaba u taageeraan. Unugyada qaarkood waxa ay beddelaan qaabka maaykrofilamentiska si ay u dhaqaaqaan.
Ku noqo TUSMADA