Waxa aan soo faahfaahinnay waa unugga xoolaha. In kasta oo ay qaybo badan ka siman yihiin, unugyada dhirtu waxa ay leeyihiin qaybo dheeraad ah oo aan unugga xoolaha laga helin.
Cagaarside (chloroplast; kolooro-balaast)
Xubinyarahan lagama helo unugyada xoolaha. Cagaarsidaha waxaa ku jira midabeeye (pigment; big-ment) cagaaran (Jaantus 3.16)oo la yiraahdo cagaariye (chlorophyll; kolooro-fiil). Cagaarsideyaashu waa meelaha ay ku samaysmaan kaarbohaydaraydyadu (warshadaha kaarbohaydaraydyada), oo waxaa ku jira insaaymyada qabanqaabiya kaarbohaydaraydyada, iyaga oo adeegsanaya tamarta ilayska ee ay qorraxda ka helaan, taasna faahfaahinteedu way soo socotaa.
Moqorrada unugga (vacuole; faak-yu-wal)
Inta badan saaytobalaasamka unugyada dhirta waxaa ka dhex muuqda qayb aad mooddo dalool weyn oo unugga ku dhexyaalla. Xubinyarahan oo aan ku magacaabi karno moqor (Jaantus 3.17), oo waxaa ka buuxa hoor. Badanaa unugga da’da yari waxa uu leeyahay dhawr moqor oo isku darsama marka unugga baaxaddiisu sii weynaato si ay u sameeyaan moqor weyn oo bartamaha unugga ah (central vacuole). Moqorkan dhexe waa mid ku kooban unugyada dhirta.
Moqorrada unugyada dhirta hoorka ku jira intiisa badani waa biyo, iskudhisyo aayonno macdaneed ah (cusbooyin), molikiyuullo sonkor ah iyo waxyaabo kale oo milma, molikiyuullada waaweyn ee borotiinnada iyo alaab kale ee orgaanik ah. Kuwaas oo dhami waxa ay ugu jiraan biyaha si heehaabyo culus ah, waxa ayna sameeyaan waxa moqorka ku jira oo dhan. Intaas iyo biyaha ay ku jiraanba waxaa la isku yidhaahdaa fuuqa unugga (cell sap; sel saab). Moqorradan oo aan waarin waa laga helaa qaar ka mid ah unugyada xoolaha, waxa ayna u adeegsadaan kaydinta cuntada iyo wixii la mid ah (moqor cunteed; food vacuole).
Gidaarka unugga (cell wall; sel wool)
Dhirta unugyadooda waxaa dusha kaga wareegsan ilaaliye taageera dhismahooda oo la yiraahdo gidaarka unugga, waxa uuna ka kooban yahay dhawr lakab (Jaantus 3.18). Labadii unug ee isbarbar yaal mid kastaaba waxa uu samaystaa gidaar ka celiya unugga kale, waxaana halkaas ka samaysma daw yar oo u dhaxeeya labada unug, oo la yiraahdo duleed unug ama laamellaha dhexe (middle lamella), waxaana ku jira kaarbohaydarayka loo yaqaanno bektiin (pectin) oo kala geddisan, oo marka ay isku filqamaan sida dunta oo kale, sameeya wax isjiidanaya.
Laamellaha dhexe marka xagga unugga looga kaco, lakabka u soo horreeya waxaa la yiraahdaa gidaar horeed (primary cell wall; baraay-mari sel wool), kaas oo ka samaysan miiqyo selyulows (cellulose) iyo kuwo bektiinno ah. Selyulows waa kaarbohaydarayd la mid ah istaarjka (starch). Intaas waxaa raaca, gidaar horeedka xagga unugga gudihiisa waxaa ka xiga, lakabyo ka samaysan selyulows oo la yiraahdo gidaar dambeed (secondary cell wall; seken-dari sel wool) [ka ma muuqdo jaantuska]. Gidaarradaas dhismahoodu waa adayg iyo qallaf, dhimashada unugga kaddibna muddo dheer baa ay iyagu sii jiraan.
Gidaar horeedka liifyada selyulowskiisu waxa ay u ratiban yihiin sida shabaqa oo kale, gidaar dambeedkuna waxa uu u ratiban yahay si isbarbaryaal ah. Ratibnaantaa liifyada selyulowsku waxa ay gidaarradaas siisaa awood weyn oo taageerta unugga. Meelaha u dhexeeya liifyada waxaa kale oo laga helaa lignin (lignin) oo sii xoojisa adaygga iyo qallafsanaanta gidaarka unuggu leeyahay.
Ku noqo TUSMADA