3.1 Waa Maxay Unuggu?

Unuggu (cell; sel) waa asaaska nooluhu ka dhisan yahay. Sida guriga looga dhisi karo dhagax ama jaajuur (bulukeeti) la is-dulsaaray, ayaa jidhka nooluhuna uga dhisan yahay unugyo isu tagey. Waa waxa ugu yar wax nool, ama waxaa la oran karaa waa halbeegga nolosha. Unuggu waxa uu samayn karaa wax allaale iyo wixii astaan u ah nolosha sida: taranka, dheefshiidka, koritaanka, iyo dhaqaaqa. Qurub yar oo basal ah (Jaantus 3.2) haddii aan weyneyno 400 oo jeer innaga oo adeegsanayna weyneeye (microscope; maayk-ras-kowb), waxa aan arkaynaa muuqaal u eg gidaar jaajuur ka dhisan, kaas oo ah unugyada basashu ka samaysan tahay. Jirka xayawaankuna waa sidaas oo kale (Jaantus 3.1).

Jaantus 3.1 Muuqaalka unugyada canka aadanaha marka lagu fiiriyo weyneeyaha ilayska ku shaqeeya (light microscope). Xigasho © Mulletsrokk [CC BY-SA 3.0] via Wikimedia Commons.
Jaantus 3.1 Muuqaalka unugyada canka aadanaha marka lagu fiiriyo weyneeyaha ilayska ku shaqeeya (light microscope). Xigasho © Mulletsrokk [CC BY-SA 3.0] via Wikimedia Commons.
Jaantus 3.2 In kasta oo basashu u muuqato in ay ka samaysan tahay hal wax oo xiriirsan, marka weyneeyaha lagu fiiriyo waxaa muuqanaysa in ay ka ka dhisan tahay qaybo yar oo isu tagey. Xigasho: (Basal) © Feminavh [CC BY-SA 3.0], (Weyneeye) © ZEISS Microscopy [CC BY 2.0], (Unugyada basasha) © A.J. Hunter [CC BY-SA 3.0] via Wikimedia Commons.
Jaantus 3.2 In kasta oo basashu u muuqato in ay ka samaysan tahay hal wax oo xiriirsan, marka weyneeyaha lagu fiiriyo waxaa muuqanaysa in ay ka ka dhisan tahay qaybo yar oo isu tagey. Xigasho: (Basal) © Feminavh [CC BY-SA 3.0], (Weyneeye) © ZEISS Microscopy [CC BY 2.0], (Unugyada basasha) © A.J. Hunter [CC BY-SA 3.0] via Wikimedia Commons.

Daahfurkii Unugga

Unugyada intooda badani aad ayaa ay u yar yar yihiin oo ishu maqabato. Si aragtidoodu innoogu suuragashana waxa aan u baahan nahay qalab innoo weyneeya. Inkasta oo aan la isku raacsanayn ciddii samaysay weyneeyihii ugu horreeyey, waxaa loo badan yahay in qofkii ugu horreeyey ee daahfuray unugga uu ahaa Roobert Huuk (Robert Hooke) oo ahaa saynisyahan u dhashay Ingiriiska. Waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee wax ka sameeyey, adeegsadeyna weyneeyaha (Jaantus 3.3).

Jaantus 3.3 Sawir gacmeedka weyneeyihii uu Huuk adeegsaday. Xigasho: Robert Hooke [Public domain], via Wikimedia Commons.
Jaantus 3.3 Sawir gacmeedka weyneeyihii uu Huuk adeegsaday. Xigasho: Robert Hooke [Public domain], via Wikimedia Commons.

Taas oo uu ku fiiriyey waxyaalo badan oo ay ka mid ahaayeen cayayaan kala duwan— sida dukhsi; iyo dhir, kaddibna uu gacanta ku sawiray wixii uu arkay. Sannadkii 1665 ayaa uu mirihii hawshiisa ku soo bandhigay buug la yiraahdo  Maaykrogaraafiya (Micrographia).

Jaantus 3.4 Sawir-gacmeed uu sameeyey Roobert Huuk, kaddib markii uu jeex yar oo geed ah uu ku fiiriyey weyneeye. Waxaa la aaminsan yahay in uu yahay sawirkii ugu horreeyey ee tusiyey jiritaanka unugga. Xigasho: Robert Hooke (Micrographia) [Public domain], via Wikimedia Commons.
Jaantus 3.4 Sawir-gacmeed uu sameeyey Roobert Huuk, kaddib markii uu jeex yar oo geed ah uu ku fiiriyey weyneeye. Waxaa la aaminsan yahay in uu yahay sawirkii ugu horreeyey ee tusiyey jiritaanka unugga. Xigasho: Robert Hooke (Micrographia) [Public domain], via Wikimedia Commons.

Kaddib markii uu weyneeyihiisa ku fiiriyey gabal yar oo geed ah, ayaa waxa uu gacanta ku sawiray hummaaggii uu arkay (Jaantus 3.4). Waxa aad mooddaa in geedku ka samaysan yahay qolal yaryar oo dhinacyada isku haya. Isaga oo tusaalaha qolalka adeegsanaya ayaa uu u bixiyey Cell (sel) oo ah eraybixin uu ka soo qaatay af-Laatiinka cella oo macnaheedu yahay “qol yar”. Dhacdadan ayaa lagu tilmaamaa in ay ahayd daahfurkii ugu horreeyey ee lagu arkay unugga. Laakiin, Huuk ma uusan dareensanayn qiimaha daahfurkiisu leeyahay. Markaas waxa uu rumaysnaa in unuggu maran yahay oo uu gidaarka unuggu yahay qaybta ugu muhimsan unugga. Muddo ka dambaysay ayaa la ogaaday in qaybta unugga nool ugu muhiimsani ay tahay waxa ku jira unugga gudihiisa.

Weyneeyeyaashii hore waxa ay adeegsanayeen ilays, awooddooduna waa ay yarayd, gudaha unugana faahfaahin kama aysan bixin karin. Markii farsamadii (teknooloojiyaddii) samaynta weyneeyuhu horumartay, awooddiisina ay korodhay, ayaa adeegsigiisi batay. Waxaa caddaatay in nooluhu ay ka siman yihiin ka dhisnaanta unugga, oo qaarkood ka kooban yihiin hal unug; hal unugley, meesha kuwo kalena ka dhisan yihiin unugyo aad u tiro badan; unug badanley. Dabadeedna waxaa dhalatay Aragtida Unugga (Cell Theory; sell ti-yori) oo loo aaneeyo M.J. Schleiden (sha-lii-dhen) iyo Theodore Schwann (tiya-dhoor shwaan) (1839), muddo laga jooga ilaa 174 sano markii Huuk faafiyey buuggiisii Maaykrogaraafiya iyo sawirkii unugga. Horumarka aadanuhuna intiisa badan waa sidan oo hadba in baa ku darsanta, lagana yaabee in labada tallaabo ee isku xiga ay u dhaxeeyaan sannado badani.

Maanta waxa aan ogsoonnahay in unuggu yahay gundhigga iyo asaaska noolahu ka samaysan yahay. Waana waxa ugu yar ee laga helo astaamaha nolosha, islamarkaana fuliya hawlaha nolosha. Bakteeriyada ilimaqabatayda ah, cayayaanka, geedaha, xoolaha, dadka, ilaa nimiriga weyniga badani waxa ay ka wada samaysan yihiin unugyo isu tagey.  Noolaha waaweyn waxaa jirkoodu ka kooban yahay unugyo aad u tiro badan; unug badanleydani waxa ay leeyihiin unugyo kala jaad ah, oo ay kala duwan yihiin hawlahooda, jimidhkooda iyo qaabkooduba. Dhirta iyo xayawaanku waa unug badanley. Noolaha hal unugleyda ah waxaa ka mid bakteeriyada.

Hal unugley: unicellular (yuni-sel-yu-lar) Unug badanley: multicellular (multi-sel-yu-lar)

Aragtida Unugga

Aragtidani waxa ay dhismaysay wakhti dheer, hadba waxbaa ku sii kordhayey, waxa ayna kamid tahay gundhigyada bayoolojiga cusub. Qodobbada ay ka kooban tahay waxaa asaas u ah saddex:

  • Nooluhu waxa uu ka samaysan yahay unug(yo).
  • Unuggu waa gundhigga nolosha, dhisme ahaan iyo hawl ahaanba.
  • Unugyada cusubi waxa ay ka yimaaddaan (abqaalaan) unugyo hore u noolaa.

Shax 3.1 Halbeegga loo adeegsado walxaha yaryar. 1 mitir (m) = 1000 millimitir (mm) 1 mm = 1000 maaykromitir (µm) (ama maaykroon) 1 µm = 1000 naanomitir (nm)

Baaxadda iyo tirada unugga

Waxaa la qiyaasaa in hal dhibic oo dhiig ah ay ku jiraan ilaa 5 000 000 (shan milyan) oo unugyada cas ah, halka irbadda caaraddeedu ay qaadi karto toban kun (10 000) oo unug. Sidaa oo kale, maskaxda aadanuhu waxa ay ka kooban tahay qiyaastii ilaa boqol bilyan (100 000 000 000) oo unug. Halka dadka dunida ku nool lagu qiyaaso  ilaa todoba bilyan oo ruux! Qofka dhexdhexaadka ah jirkiisu waxa uu ka kooban yahay tiro lagu qiyaaso 100 tirilyan oo unug (100 kun oo bilyan; 14 286 jibbaar dadka adduunka ku nool). Halkaa waxaa ka cad in unugyadu aad u yar yar yihiin. Caadi ahaan, bakteeriyada baaxaddeedu waxa ay u dhaxaysaa 0.5-10 µm, halka unugyada xoolaha iyo geeduhu yihiin 50-150 µm amaba ka sii weyn. Unugyada ugu waaweyni waa ugxanta shinbiraha, ishaana caadi loogu arki karaa.

Jaantus 3.5 Isbarbardhig baaxadeed, iyo qalabka loo adeegsado araggooda. Xigasho: © OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.
Jaantus 3.5 Isbarbardhig baaxadeed, iyo qalabka loo adeegsado araggooda. Xigasho: © OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.
Ku noqo TUSMADA
Print Friendly

8 comments

  1. Asc Waxaan RabaaRabaa in aan ogaado
    Bacteria iyo cunugyada maxay ku kala duwan yihiin

  2. cabdinaasir shugri aadan gumaas

    wlh waxaad soo bandhigteen waan ku farxay cilmi baad nasiiseen allaha idin badalo adinkana walaal si qaas ah ayaan idinkugu mahad celinayaa masha allah

  3. Aad iyo aad, wallahi waxaa idiin dhaho ma aqaani
    ILLahee have idiinka abaal mariyo

  4. Mashallah walalahay waxaan idinka helay faaiido laqiyaasi Karin xaqiiqdii. Waxaan waxkubartaa luuqad aad u adag islamarkaana dhib ah inaad ayadi fahamto cashirkana fahamto wa luuqada Norwegian ka markaan qprmooyinkiina arkay aadbay iicaawiyeen ilaahay miisaanka xasanaadka ha idiin saaro abaalkiina magudi karnee

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *