2.3.3 Borotiin (protein)

Borotiinnadu aad iyo aad ayaa ay u noocyo badan yihiin, jirkeenuna waa wada borotiin, oo cidiyaha, timaha, maqaarka, muruqyada, lafaha, carjawda, iyo in kale oo aan la koobi karin ba waa borotiin sida ay u badan yihiin. Borotiinnadu waa qayb weyn oo ka mid ah jirka noolaha, muhimmaddoodana in badan waa aynu arki doonnaa. Hilibka, caanaha, xabka cad ee ukunta, digirta iyo cunnooyin badan oo kale ayaa laga helaa borotiinka.

Jaantus 2.16 Cuntooyinka uu ku badan yahay borotiinku waxaa ka mid ah hilibka, digirta iyo ukunta. Xigashada sawirka © (hilib) Pujanak [Public domain], (digir) CIAT [CC BY-SA 2.0] , (ukun) David Benbennick [Public domain], all via Wikimedia Commons.
Jaantus 2.16 Cuntooyinka uu ku badan yahay borotiinku waxaa ka mid ah hilibka, digirta iyo ukunta. Xigashada sawirka © (hilib) Pujanak [Public domain], (digir) CIAT [CC BY-SA 2.0] , (ukun) David Benbennick [Public domain], all via Wikimedia Commons.

Sida kaarbohaydaraytyada iyo dufanka, borotiinnadu waxa ay ka dhisan yihiin kaarboon, haaydrojiin iyo oksijiin. Waxa ay se dheeryihiin naaytrojiin (nitrogen), salfar (sulphur), iyo fosforas (phosphorus). Waxaa intaa u sii dheer, borotiinku waa taranbadane (polymer) ka dhisan cutubyo tarmiyeyaal ah oo la yiraahdo amiino asiidhyo (amino acids). Kumanaanka kun ee borotiin ee kala jaadka ah ee noolaha laga helaa waxa ay ka dhisan yihiin labaatan amiino asiidh, sida erayada badan ee buuggani uga kooban yihiin dhawr iyo labaatan xaraf oo hadba si isu raacay. Waxa ay ku kala duwan yihiin hadba sida amiino asiidhyadu isu raacaan iyo qaabaynta borotiinka ka dhasha israacaas.

Jaantus 2.17 Habdhismeedka guud ee amiino asiidhyada.
Jaantus 2.17 Habdhismeedka guud ee amiino asiidhyada.

Dhismaha amiino asiidhka waxaa asaas u ah atam kaarboon ah (α; alpha) oo ay ku dabran yihiin afar walxood: atam haaydrojiin ah, koox amiino ah (hal atam oo naaytrojiin ah oo ku dabran laba haaydrojiin), koox asiidh ah, iyo koox R (aar) (Jaantus 2.17). Labaatanka amiino asiidh waxa ay ku kala duwan yihiin kooxda R, ee inta kale waa iskaga mid (Jaantus 2.18).

Jaantus 2.18 Habdhiska afar amiino asiidh oo tusinaya in waxa keli ah ee ay ku kala duwan yihiin uu yahay R waxa ku dabran. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0].
Jaantus 2.18 Habdhiska afar amiino asiidh oo tusinaya in waxa keli ah ee ay ku kala duwan yihiin uu yahay R waxa ku dabran. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0].

Amiino asiidhyada waxaa isku xira dabar lagu magacaabo dabar bebtaaydh (peptide bond). Dhawr amiino asiidh oo isku dabrani waxa ay sameeyaan silsilad aan sidaa u dheerayn oo la dhaho bebtaaydh (peptide). Marka ay sii dheeraato ama bebtaaydhyo kala duwani isku dabramaan waxaa samaysma bebtaaydh-badanle (polypeptide). Bebtaaydh-badanluhu haddii uu sii dheeraado oo uu qaato qaab uu hawl cayyiman ku fulin karo waxaa lagu magacaabaa borotiin.

Jaantus 2.19 Habka ay isugu dabramaan amiino asiidhyadu, oo ah falgal ay ka dhashaan molikuyuullo biyo ah (H2O).
Jaantus 2.19 Habka ay isugu dabramaan amiino asiidhyadu, oo ah falgal ay ka dhashaan molikuyuullo biyo ah (H2O).

Hawlaha borotiinnadu qabtaan aad ayaa ay u badan yihiin, waxa ayna ku xiran yihiin qaabka borotiinka. Sidaa awgeed, borotiinnadu waxa ay leeyihiin qaabab kala duwan oo haddii ay doorsoomaan uusan borotiinku gudan karin hawshiisa. Taxanka amiino asiidhyadu waxa uu sameeyaa qaabka asaasiga ah ee koowaad (primary structure; praay-mari strak-jar). Inta badan silsiladdani waa ay isku laabantaa waxaana amiino asiidhyada isku xira dabarro haaydrojiin, waxaana samaysma qaabka labaad (secondary structure; sekon-dari). Marka dhawr bebtaaydh-badanle isku xirmaan ayna sameeyaan qaab saddex-dhabanle ah (three-dimentional), oo ay ka qaybqaataan dabarro u dhaxeeya atammada salfarta ah, waxaa dhasha qaabka saddexaad (tertiary structure; teer-shari). Bebtaaydh-badanleyaal leh qaabka saddexaad marka ay isku dabramaan waxaa dhasha qaabka afraad (qaurternary structure; kuwoor-tii-nari).

Hiimagoloobiin (haemoglobin) waa borotiin laga helo unugyada cascas ee dhiigga, waana molikuyuulka qaada oksijiinta. Borotiinkani waxa uu ka dhisan yahay isu-tagga afar bebtaaydh-badanle oo leh qaabka saddexaad; laba lagu tilmaamo silsiladda alfa (α), iyo laba lagu tilmaamo silsiladda biita (β) (Jaantus 2.20).

Jaantus 2.20 Heerarka habaynta iyo qaababka borotiinka ee afarta ah. Qaabka afraad waxaa ka muuqda borotiinka hiimogolobiin, oo ah borotiinka xambaara oksijiinta. Xigashada sawirka ©LadyofHats [Public domain], via Wikimedia Commons.
Jaantus 2.20 Heerarka habaynta iyo qaababka borotiinka ee afarta ah. Qaabka afraad waxaa ka muuqda borotiinka hiimogolobiin, oo ah borotiinka xambaara oksijiinta. Xigashada sawirka ©LadyofHats [Public domain], via Wikimedia Commons.

Borotiinnadu waa ay qaabdoorsoomaan (denature; dhii-nay-jar) haddii aad loo kululeeyo (u fiirso xabka cad ee ukunta marka la kariyo), ama ay la kulmaan asiidh ama beys awood badan, iyo walxo kale. Marka uu qaabdoorsoomo borotiinku waa uu hawl gabaa. Si aad u aragto saamaynta asiidhu ku leedahay borotiin, waxa aad isku dartaa caano iyo liin dhanaan. Caanuhu waa ay is qabqabsadaan, halkii ay dareeraha ka ahaayeenna, waxaa laga dhex arkaa buurbuur adke ah. Qaabdoorsoonka ku dhaca borotiinka caanaha ku jira ayaan tilmaamaynaa marka aan leennahay ‘caanuhu way baqeen‘ (curdling; keedh-ling).

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *