Asiidho
Erayga asiidh waxa uu ka soo jeeda Afka Laatiinka (Latin), macnihiisuna waa ‘dhanaan’. Eraygani waxa uu tilmaan u yahay walaxda keenta dhadhanka dhanaan ee laga helo liinta, khalka, caanaha dhanaanka ah, iwm. Asiidhadu waa ay noocyo badan yihiin, waxaana ka mid ah sitrik asiidh (citric acid) oo laga helo liinta dhanaan, asetik asiidh (acetic acid) oo laga helo khalka, haaydrokoloorik asiidh (hydrochloric acid/ HCl) oo laga helo dheecaanka caloosha, salfuyuurik asiidh (sulphuric acid/ H2SO4) oo laga helo beetariga baabuurta, iyo kuwo kale oo badan.
Asiidhada (acids) waxaa lagu gartaa in ay bixiyaan ayoon (ion) haaydrojiin ah marka biyo lagu daro (Jaantus 2.25). Sidaas awgeed, waxaa loo qeexaa sidan: asiidhu waa iskudhis marka biyo lagu milo bixiya ayoon keli ah oo togan oo ah H+. Tusaale ahaan:
HCl⇒ H+ — Cl−,
H2SO4⇒ 2H+ — SO42−
Haddii sida labadan asiidh ee kor ku xusan, ayoonoobidda iskudhisku dhammaystiran tahay, waxaa la oranayaa waa asiidh xooggan (strong acid). Haddiise ayoonoobidda iskudhisku ay kala dhantaalan tahay, asiidhaasi waa mid tamarteedu hoosayso ah (weak acid).
Beysyo
Iskudhisyadani waxa ay lid ku yihiin asiidha, oo beysku (base) waxa uu qaataa ayoonka haayrojiinta (H+) ee asiidhu bixiso. Marka ay kulmaan asiidh iyo beys, waa ay isfasaqaan (neutralisation; ni-yut-ra-laay-sa-shan), waxaana ka soo dhex baxa iskudhisyo lagu tilmaamo cusbooyin iyo weliba biyo.
Halka asiidhu wadato ayoonka H+, beysyadu waxa ay wataan ayoonka OH− (hydroxyl group/ Koox haydroksil). OH− lagu daray H+ waxaa ka dhasha H2O oo ah molikuyuul biyo ah. Biyuhu waa dhexdhexaad (neutral; ni-yut-ral) oo asiidh iyo beys midna ma aha. Laabjeexa (heart burn) oo ka dhasha asiidha caloosha ku jirta waxaa lagu daweeyaa beys, si ay isu fasaqaan.
Nuuradda guryaha la mariyo, lafaha jabanna lagu kabo waa beys, waxa ayna ka samaysan tahay iskudhis kaalsiyam iyo oksijiin ah. Marka biyo lagu daro waxa ay isu bedeshaa iskudhis la dhaho kaalsiyam haaydroksaaydh, Ca(OH)2. U fiirso in ay wadato labo OH−.
Beysyada biyaha ku milma waxaa lagu magacaabaa alkaliyo (alkalis). Alkaliyadu waxa ay ku jiraan alaabta aan nadiifinta u adeegsanno, sida saabuunta, shaambada, kuwa dharka lagu caddeeyo, iyo wixii la midka ah.
Cabbirka pH (pH Scale)
Heerka asiidheed ama beyseed ee milan leeyahay waxaa lagu halbeegaa waxa loo yaqaanno cabbirka pH (pH scale; pii-ej skayl), oo sheegaya heerka ayoonka H+ ee milankaas ku jira. Cabbirkani waxa uu leeyahay tiro u dhaxaysa 0—14, oo “0” ay tahay asiidh aad u xooggan, “14” na tahay beys aad u xooggan. Tirada “7” waa dhexdhexaad oo milankaasi asiidh iyo beys toona ma aha, sida biyaha saafiga ah.
Walaxdu asiidh iyo beys kii ay tahay waxaa lagu eegaa tilmaame ama tusiye (indicator; in-dhi-kay-tar), kaas oo midab doorsoon ku muujiya pH-ka walaxda. Marka asiidh lagu taabto waxa uu isu beddelaa casaan/guduud, halka uu noqdo buluug marka beys la taabsiiyo. Jaantus (Jaantus 2.26) waxa uu muujinayaa walxo kala duwan iyo pH-kooda.
Hormaynta pH-ka
Unugyada jirku kaarboon laba oksaaydh badan ayaa y dhiigga ku daraan, kaas oo marka uu milmo sameeya asiidh (kaarboonik asiidh; carbonic acid). Haddii pH-ka dhiiggu aad u asiidhoobo ama alkalaayn u noqdo, xanuunno khatar ah ayaa ka dhasha. Si aysan taasi u dhicin, jirku waxa uu adeegsadaa siyaabo kala duwan oo uu ku hormeeyo pH-ka isaga oo ku ilaalinaya agagaarka 7.4.
Dhiigga waxaa ku jira iskudhisyo marka asiidhu badato qaata ayoonka H+, sidaana ku dhima asiidhnimadii (acidity; asi-dhi-ti). Marka alkalinimadu (al-ka-li-ni-ti) korodhana sii daaya H+ si ay u fasakhaan ayoonka OH−. Iskudhisyadan waxaa loo yaqaannaa joogteeyeyaal (buffers; ba-fars), waxaana ka mid ah borotiinno.
Cusbooyinka Macdanta ah (mineral salts)
Cusbadu waxa ay ka dhalataa falgal ka dhex dhaca asiidh iyo beys, sida milixda caadiga ah oo ka dhalata falgalka haaydrokoloorik asiidh iyo sowdhiyam (sodium). Waxaa jira cusbooyin badan oo lagama maarmaan u ah jirka, kuwaas oo guud ahaan marka la tilmaamo ay ka mid yihiin kolooraaydhyo (chlorides), kaarboonaytyo (carbonates), iyo fosfaytyo (phosphates). Inta badan waxaa ku jira curiyeyaasha sowdhiyam, botaasiyam iyo kaalsiyam. Cusbooyinkan waxaa loogu baahan yahay dhiska jirka iyo firfircoonaantiisa hawleed. Dareenka iyo dhaqdhaqaaqa muruqyaduba waxa ay ku shaqeeyaan cusbooyinkan. Sidaas oo kale, qayb weyn oo lafaha iyo ilkaha ka mid ahi waxa ay ka samaysan tahay cusbooyinkan.
Sowdhiyamta waxaa laga helaa jirka oo dhan waxa ayna asaas u tahay dareen gudbinta iyo hawsha dareenwadeyaasha, iyada oo kaashanaysa botaasiyam iyo kaalsiyam. Kaarboonaytyadu waa alkali waxa ayna fasaqaan asiidha si ay u hormeeyaan pH-ka dhiigga. Firfircoonida iyo tamarta jirku leeyahay waxa ay ku xidhan tahay molikuyuul ka samaysan fosfayt. Waxaa kale oo fosfaytku ka qayb qaataa dhiska DNA-da iyo RNA-da.
Macdanaha asaasiga ah waxaa kale oo ka mid ah xadiidka (iron), waana sababta dhiiggu u cas yahay, haddii ay qofka ku yaraatana waxa aan niraahnaa dhiig la’aan baa haysa oo qofku aad baa uu u taagdarraadaa. Xadiidku waxa uu dhiigga u suurageliyaa in uu qaado oksijiinta aan neefsanno. Aayodhiinta (iodine) waxaa ka samaysma dheecaammo muhiim ah, qofka haddii ay ku yartahayna waxaa barara qanjidhada, gaar ahaan kuwo luqunta, waxa ayna saamayn kartaa oo ay hagaasin kartaa garaadka qofka, gaar ahaan ilmaha. Sidaas awgeed, waddamo badan waxa ay ku daraan cusbada caadiga ah (iodised salt) ee cuntada lagu karsado.
Ku noqo TUSMADA