Dhammaan borotiinnada, kaarbohaydaraytka, dufanka iyo asiidh bu’eedyaduba waxa ay intooda badan ka samaysan yihiin kaarboon (carbon). Curiyahani waa lagama maarmaan marka noolaha laga hadlayo, ma na jiro noole ka madhan. Atamka kaarboonku waxa uu afar dabar oo elektoroon-wadaag ah la samayn karaa afar atam oo kala duwan. Sidaas awgeed, waxa uu sameeyaa asaas ama laf-dhabar atammada kale isugu iman karaan si ay u unkaan molikuyuullada waaweyn. Waxaa jira molikuyuullo ka dhisan kaarboon iyo haaydrojiin keli ah, sida saliidda, naaftada, betroolka iyo wixii la mid ah. Molikuyuulladan waxaa lagu magacaabaa haaydrokaarboon (hydrocarbon), waxa ayna sameeyaan silsilad dheer oo kaarboon iyo haaydrojiin ah (Jaantus 2.8). Haaydrokaarboonnadan ayaa laf-dhabar u ah molikuyuuladda waaweyn ee noolaha. Qaabka silsiladdani qaadato waxa uu ku xidhan yahay hadba nooca dabarka ah ee isu haya atammada kaarboonka.
Molikuyuullada ka dhisan kaarboonka waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin oorgaanik (organic), kimistarigooduna waa mid oorgaanik ah (organic chemistry). Halka inta soo hartay ay hoos galaan kimistariga aan oorgaanigga ahayn (inorganic chemistry).
Haddaba sidee ayaa ay u samaysmaan? Molikuyuullada waaweyni waa sida kuusha oo waxa ay ka dhisan yihiin kuwo yaryar oo la isku dabray. Molikuyuullada yaryar ee la isku taxayo ee xubnaha ka ah molikuyuulka weyn waxaa la dhahaa tarmiyeyaal (monomers; mo-no-mars), marka ay sida kuusha isku taxmaanna waxa ay sameeyaan molikuyuul weyn oo lagu magacaabo taranbadane (polymer; po-li-mar).
Ku noqo TUSMADA