2.1 Atam (Atom)

Maatarku waxa uu ka samaysan yahay waxyaalo aad u yaryar oo aan ishu qaban karin oo lagu magacaabo atam (atom). Atamku waa eray Afgiriig ah oo macnihiisu yahay walax aan la kala goyn karin, taas oo ka dhalatay fikradda ah in haddii shayga la jar jaro ugu dambayntii la gaadhi doono qayb aan la goyn karin, taas oo ah waxa asaaska iyo unugga u ah maatarka oo dhan. Tusaale ahaan, biyuhu waa maatar dareere ah kana samaysan atamyo kala jaad ah, kuwaas oo kala ah: oksijiin iyo haaydrojiin.

Saxarradan ama qurubyadan maatarku ka samaysan yahay aad iyo aad ayaa ay u yaryar yihiin. Hal tin ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ballaadhkeedu yahay hal malyan oo atam oo isgarabyaalla. In kasta oo uu sidaa u yaryahay, atamku waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood: borotoon (proton), niyutroon (neutron) iyo elektoroon (electron). Atamku waxa uu leeyahay badhtame ama bu’  (nucleus) halkaas oo ay ku sugan yihiin borotoonnada iyo niyutroonnadu (Jaantus 2.2). Bu’du waxa ay le’eg tahay hal sentimitir  oo tirilyan (1 000 000 000 000) qaybood laga dhigay qayb ka mid ah. Bu’da waxaa ku hareeraysan oo ku meera elektoroonnada, laakiin aad ayey uga fog yihiin. Fogaantaasi waxa ay keentay in atamka intiisa badani ay madhnaato. Tusaale ahaan, haddii bu’du le’ekaan lahayd kubbad, iyada iyo elektoroonka ugu dhow waxaa u dhaxaysa ilaa 800 oo mitir (0.8 km ama hal mayl badhkii). Haddii atammada qofka jidhkiisu ka samaysan yahay oo dhan la isku cadaadiyo ilaa bu’da iyo elektoroonnadu istaabtaan, qofka dhani waxa uu le’ekaanayaa xabbad yar oo milix ah, lixda bilyan ee qof ee adduunka ku noolna waxay le’ekaanayaan xabbad tufaax ah!

Jaantus 2.2 Qaybaha uu atamku ka kooban yahay waa saddex: niyutroon iyo borotoon (+) laga helo bu'da, iyo elektoroonno (−) ku meera bu'da. Xigashada sawirka © Scott Smithson, via OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.
Jaantus 2.2 Qaybaha uu atamku ka kooban yahay waa saddex: niyutroon iyo borotoon (+) laga helo bu’da, iyo elektoroonno (−) ku meera bu’da. Xigashada sawirka © Scott Smithson, via OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.

Haddiiba ay sidaa u kala fogyihiin maxaa isu haya bu’da iyo elektoroonnada ku meeraya? Waxaa jirta astaan maatarku leeyahay oo la dhaho danab (charge; jaarj). Tusaale ahaan, baytariga waxa aad arkaysaa in dhinac ay kaga qoran tahay summadda +, dhanka kalena ay kaga qoran tahay summadda –. Labadan summadood waxa ay ka turjumayaan danabka, korontaduna waa danab qulqulaya, oo danabka taban (–) ayaa raadinaya danabka togan (+). Danabka togan (+) iyo danabka tabani (–) waa ay isjiitaan (attract; at-raakt). Dhanka kale, laba danab oo isku mid ahi (sida + iyo +, ama – iyo -) waa ay kala firdhaan/cararaan (repel; ri-pel). Tan waxaa la mid ah birlabta oo labada dhinac ee isku jaadka ahi iskuma dhegaan waana ay kala didaan, laakiin labada kala duwani waa ay isqabsadaan. Su’aashii haddii aan ku laabanno, atamka bu’diisu waa ay togan tahay (+) maxaa yeelay borotoonnada ayaa wata danabka togan (+). Halka niyutroonnadu aysan lahayn danab. Elektoroonnada bu’da ku hareeraysani waa ay taban yihiin (–), taasina waxa ay keentaa in borotoonnadii tognaa (+) iyo elektoroonkii tabnaa (–) ay isjiitaan, sidaana isku haystaan.

Atam kastaa tiro cayyiman oo borotoonno, niyutroonno iyo elektoroonno ah ayaa uu leeyahay, caadi ahaanna waa ay isle’eg yihiin tirada borotoonnada iyo elektoroonnadu, danabkooduna waa uu isu dheellitiran yahay, oo atamku danab guud malaha. Haddii atamku helo elektoroon dheeraad ah ama uu mid lumiyo, waxaa lagu tilmaamaa in uu noqday ayoon (ion). Elektoroonka dheeraadka ahi waxa uu atamka ka dhigaa ayoon taban (-), halka luminta elektoroonku ay dhaliso ayoon togan (+).

 Danab (charge)Meesha
Borotoon+1Bu'da
Niyutroon0Bu'da
Elektoroon-1Hareeraha
Shax 2.1 Qurubyada atamku ka samaysan yahay iyo meelaha laga helo.

Tirada niyutroonnadu way isbeddeli kartaa ma na beddesho nooca atamka, kaas oo ku xidhan tirada borotoonnada ku jira bu’da atamka. Tusaale ahaan, atamka dahabku waxa uu leeyahay 79 borotoon, halka atamka maartu ka leeyahay 29 borotoon. Atamyada intii tirada borotoonka wadaagtaa waa isku jaad waxaana loo yaqaanna curiye (element; e-le-ment). Sidaas awgeed, dahabku (gold; gowldh) waa curiye, maartu (copper; ko-par) waa curiye, xadiidku (iron; aay-ron) waa curiye, oksijiintu (oxygen) waa curiye, qalinku (silver; sil-var) waa curiye, alamiiniyamku (aluminium) waa curiye, kaalsiyamku (calcium) waa curiye, aayadhiintu (iodine) waa curiye, yuurayniyamka (uranium) hubka nuyukliyeerka laga sameeyaana waa curiye, iwm.

Waxaa jira curiyeyaal tirada niyuutroonnadoodu isbedesho, sida kaarboonka oo inta badan leh 6 niyuutroon, ayaa waxaa jira noocyo ka mid ah oo leh 8 niyuutroon. Kala duwanaantani waxa ay tilmaantaa aaysotowb (isotope) oo ka turjumaysa noocyada kala geddisan ee curiyuhu leeyahay. Kaarboonku waxa uu leeyahay aaysotowbyo ay ka mid yihiin kaarboon-12 iyo Kaarboon-14.

Atam kastaa waxa uu leeyahay summad (symbol) u gaar ah. Tusaale ahaan, oksijiinta summaddeedu waa: O, kaarboon: C, haaydrojiin: H, xadiidka: Fe, dahabka: Au, qalinka: Ag. Ilaa hadda waxa aan ognahay jiritaanka 118 curiye. Caadi ahaan waxaa la helaa in ka yar 100 curiye oo bii’ada ku sugan. Inta kale waa gacan-ku-samays ma na xasiloona ee si fudud ayaa ay u kala daataan. Curiyaha 92 aad waa yuurayniyam, iyadaana ugu culus inta caadi ahaan bii’ada laga helo.

Atammadu keli-keli uma joogaan ee waa ay is urursadaan waxa ayna sameeyaan xidhiidh. Marka laba atam iyo ka badani ay xidhiidhsamaan waxaa loo yaqaannaa molikuyuul (molecule). Tusaale ahaan, hal atam oo oksijiin (O) ah iyo laba atam oo haaydrojiin (H) marka ay xidhiidh sameeyaan waxaa ka dhasha molikuyuul biyo ah. Waxaa jirta hab molikuyuullada loo qoro oo tusinaya waxa ay ka dhisan yihiin iyada oo aan erayo badan la adeegsanaynin, waxaana lagu magacaabaa naanays kiimikaad (chemical formula; ke-mi-kal foor-mu-la), naanaysta kiimikaad ee biyuhuna waa (H2O). Hoosgalaha 2 ee haaydrojiinta ku hoos qorani  waxa uu muujinayaa in tirada atammada haaydrojiinta ah ee loo baahan yahay si hal molikuyuul oo biyo ah loo sameeyo ay tahay 2. Oksijiinta hoosgalaheedu waa 1, uma na baahna in la qoro oo waa uu iska cad yahay.

Waxaa isweydiin mudan sida waxyaalaha kala duwan ee uunka ku sugan ay uga samaysan yihiin in ka yar 100 curiye. Alif-ba’da farsoomaaligu waxa ay ka kooban tahay 26 xaraf, laakiin erayada laga samayn karaa xad iyo tiro ma laha. Sidaas oo kale ayaa israacraaca iyo iskudarka tiradan kooban ee curiyeyaashu ay u suuragelin kartaa cajaa’ibka aan ku aragno uunka Alle- subxaanahuu wa tacaalaa– uu abuuray.

Waxa aan soo tilmaannay in biyuhu ka samaysan yihiin labada curiye ee oksijiin (oxygen) iyo haaydorojiin (hydrogen). Dhibic yar oo biyo ah waxaa lagu qiyaasaa in ay ka samaysan tahay ilaa 139 000 000 000 000 000 000 000 oo molikuyuul oo midkiiba saddex atam ka samaysan yahay. Halkii litir waxaa lagu qiyaasaa in uu ka kooban yahay 24 000 oo dhibcood. Haddaba, tiradii hore waxaad ku dhufataa 24 000. Maxaa kuu soo baxay? Imisa litir baad ku qubaysataa? Ama se imisa atam oo haaydorojiin iyo oksijiin ah ayaad ku qubaysataa?

فَتَبَارَكَ‭ ‬اللَّهُ‭ ‬أَحْسَنُ‭ ‬الْخَالِقِينَ

Waxaa la qiyaasaa in jirka aadanuhu uu ilaa boqolkiiba lixdan (60%) ka samaysan yahay biyo. Biyuhuna sidii aan soo aragnay waxa ay ka samaysan yihiin oksijiin iyo haaydrojiin. Oksijiinta waxaa kale oo laga helaa borotiinka, baruurta iyo sonkorta. Sidaas awgeed culayska jidhkeenu boqolkiiba 65 waa oksijiin. Curiyaha kaarboon ee ay ka samaysan yihiin dhuxusha iyo dheemantu waa asaaska nolosha, oo noole ka madhani ma jiro, jidhkeennana ilaa 18% ayaa kaarboon ah. Haaydrojiintu waa 10% culayska jidhkeenna, naaytrojiin 3%, kaalsiyam 1.5%, fosforas 1%, iyo 1.5% oo curiyeyaal kale ka samaysan.

Jaantus 2.3 Curiyeyaasha jirka aadmigu ka samaysan. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.
Jaantus 2.3 Curiyeyaasha jirka aadmigu ka samaysan. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0].
Af Soomaaliga waa lagu daray.
Jaantus 2.4 Taxanaha kalgalka curiyeyaasha waxaa ku diiwaangashan dhammaan curiyeyaasha ilaa iyo hadda la daahfuray. Intii isku midab ahba waa isku bah oo wax baa ay wadaagaan. Faahfaahinta taxanahan waxaa laga helayaa buugga kimistariga. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.
Jaantus 2.4 Taxanaha kalgalka curiyeyaasha waxaa ku diiwaangashan dhammaan curiyeyaasha ilaa iyo hadda la daahfuray. Intii isku midab ahba waa isku bah oo wax baa ay wadaagaan. Faahfaahinta taxanahan waxaa laga helayaa buugga kimistariga. Xigashada sawirka © OpenStax College [CC BY 4.0]. Af Soomaaliga waa lagu daray.

 Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *