2 Kimistariga Nolosha: Hordhaca Cutubka

Erayada halkan ku qoran iyo macneyaalka ay samaynayaan fahankoodu sida uu ugu xidhan yahay garashada xarfaha ay ka kooban yihiin ayaa noolaha barashadiisa iyo fahmiddiisuna ugu xidhan yihiin garashada waxa uu ka samaysan yahay. Sida buuggani uga kooban yahay cutubyo la isu geeyey, cutubkuna bogag, boggii walbaana sadarro, sadarraduna hawraaro, hawraartuna erayo, erayaduna xarfo… ayaa nooluhuna u leeyahay heerar kala sarreeyaa oo dhiskiisa lagu fahmi karo. Haddii aan meesha ugu hoosaysa ka eegno, nooluhu waxa uu ka samaysan yahay curiyeyaal kiimikaad oo isu tagey.

Uunku maxaa uu ka samaysan yahay?

Aqoonteennu inta ay gaadhsiisan tahay uunku waxa uu ka samaysan yahay maatar iyo tamar. Wax kasta oo cuf iyo culays leh, meel bannaana buuxin kara  ayaa maatar (matter) lagu magacaabaa. Si kale haddii aan u dhigno, wax kasta oo aad taaban kartid waxaa la dhihi karaa waa maatar. Sidaas awgeed, dhagaxa, ciidda, geedka, dadka, xoolaha, hawada, biyaha iyo wixii la mid ah ba waa maatar. Maatarka waxaa u dhigma, ka na soo horjeeda tamar (energy; enerji). Tamartu ma laha culays meel bannaanna ma buuxin karto. Tusaale ahaan, ilayska iyo codku waa tamar, ma na laha cuf ay meel bannaan ku buuxiyaan iyo culays toona.

Maatarku saddex xaaladood middood ayaa uu ku sugnaan karaa: adke (solid; soo-lidh), sida dhagaxa iyo barafka, dareere (liquid; lik-wiidh), sida biyaha iyo saliidda, iyo neef (gas; gaas), sida hawada aan neefsanno. Adkuhu waxa uu leeyahay qaab (shape; shayb) iyo mug (volume; vool-yuum) cayyiman. Halka dareeruhu ka leeyahay mug cayyiman ee uusan lahayn qaab cayyiman, waxa uuna qaataa qaabka hadba weelka uu ku jiro. Neeftu ma laha qaab iyo mug cayyiman toona. Waxa ayna qaadataa qaabka weelka ay ku jirto, muggeedana waa la bedeli karaa. Saddexdan xaaladood waxaa lagu tilmaamaa wejiyada maatarka (states [stay-tis] / phases [fay-sis] of matter)

Waxaa dhici karta in walax keli ahi ay saddexdan weji marba mid yeelato (Jaantus 2.1). Caadi ahaan biyuhu waa dareere laakiin haddii aad loo qaboojiyo (0 oC) waxa ay isu beddelaan adke (baraf), haddii la bayliyona(100 oC) waxa ay isu beddelaan neef (uumi, qiiq). Dhowaan ayaa saynisyahannadu qeexeen wejiyo kale oo maatarku yeelan karo laakiin ma aha kuwo caadi ahaan u dhaca. Tusaale ahaan, waxaa jira weji kale oo lagu magacaabo balaasma (plasma) oo uu maatarku yeesho marka si xad dhaaf ah loo bayliyo/kululeeyo.

Jaantus 2.1
Jaantus 2.1 Sawirka kore waa wajiga adkaha ee biyaha (baraf). Labada hoose, midigtu waa wejiga neefta (uumi), wejiga bidixduna waa wejiga hoorka ah (biyo caadi ah). Xigashada sawirrada, kor © Juliancolton (Own work) [Public domain]. Hoos midig © Pseudopanax (Own work) [Public domain]. Hoos bidix © Anne97432 (Own work) [CC-BY-SA-3.0] or CC BY 2.5, all via Wikimedia Commons.

 Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *