Si ay isugu dhismaan oo molikuyuullo u sameeyaan, atammadu waa ay isku dabramaan iyaga oo adeegsanaya elektoroonnadooda. Mararka qaar waxaa isku dabra elektoroon(no) ay wadaagaan, waxaana dabarkan lagu magacaabaa dabar elektoroon-wadaag (covalent bond; kow-vay-lent bondh). Marka labada atam wadaagaan afar elektoroon iyada oo mid kaasta uu dhiibanayo labo, waxaa ka dhasha dabar lammaan (double bond). Waxaana badanaa lagu muujiyaa laba jiitimood (=). Marka labada atam wadaagaan lix elektoroon, waa dabar saddexan (triple bond), waxaana lagu muujiyaa saddex jiitimood (≡) (Jaantus 2.5).
Atammadu isku awood ma aha, marka ay elektoroonnada wadaaggaanna waxaa dhacda in midka awoodda badani soo jiito oo ay dhankiisa u dhowaadaan. Atamkan ay u dhowyihiin elektoroonnadu waxa uu helaa waxoogaa danab taban ah oo dheeraad ah, ka kalena waxoogaa danab togan oo dheeraad ah. Molikuyuullada noocan ah waxaa la yidhaahdaa cirifleyaal (polar molecule; pow-lar), sida molikuyuulka biyaha. Oksijiintu waa ay ka weyn tahay haaydrojiinta waxa ayna jiidataa elektoroonnada ay la wadaagto, taasina waxa ay cirifka oksijiinta siisaa waxoogaa danab taban ah oo dheeraad ah. Cirifka haaydrojiintuna waxa uu yeeshaa waxooga danab togan ah oo dheeraad ah (Jaantus 2.6).
Ayoonnada danabkoodu kala duwan yahay way isjiitaan, sida birlabta, waxaana isu qabta dabar ayoon (ionic bond; ayoonik bondh) (Jaantus 2.7). Waxaa kale oo jira dabarro aan sidaa u xoog badnayn oo isku xira molikuyuullada: Dabarrada Haaydrojiinta (hydrogen bonds) iyo Isjiidadka Van Der Waals (Van Der Waals interactions).
Noloshu waxa ay ku dhisan tahay biyo, biyahana waxaa isu haya oo astaamaha ay caanka ku yihiin siiya dabarrada haaydrojiinta, taas oo faahfaahinteedu soo socotaa. Labadan dabar waxa ay qaabeeyaan DNA-da iyo borotiinnada, sidaas awgeedna waxa ay qayb weyn ka qaataan jiritaanka noolaha.
Curiyeyaasha oksijiinta (O), carbon (C), haaydrojiin (H) iyo naaytrojiin (N) waa afarta curiye ee laga helo noolaha oo dhan, waa na asaaska kiimikeed ee nooluhu ka dhisan yahay. Curiyeyaashani waxa ay sameeyaan molikuyuullada waaweyn ee jidhku ka unkamo, sida borotiinnada (proteins), kaarbohaydaraytyada (carbohydrates), dufanka (lipids) iyo asiidh bu’eedyada (nucleic acids).
Maadaama nooluhu ka samaysan yahay walxahan, barashada noolahu (bayooloji) ka ma maaranto barashada xeerarka fisigiska iyo kimistariga, waana ta kalliftay in aan halkan kaga hadalno. Barashada molikuyuullada noolaha waxaa loo yaqaannaa baayokemistari (biochemistry), qaybo ka mid ahna gadaal ayaa aan ka baran doonnaa.
Ku noqo TUSMADA