2.3.4 Asiidh Bu’eedyada (Nucleic Acids)

Waxa aan soo sheegnay in borotiinnadu ka dhisan yihiin amiino asiidhyo isku taxan. Qaybta borotiinnada samaysa (aynu dhahno warshad)ee amiino asiidhyada isku taxda waxaa loo yaqaannaa raaybosoom (ribosome), waxa aynuna ku baran doonnaa qaybaha soo socda. Sida ay isugu taxmayaan ee ay u kala horraynayaan waa muhiim oo waxaa ku xiran borotiinku nooca uu noqonayo iyo hawsha uu qabanayo; borotiin kastaana waxa uu leeyahay taxid u gaar ah oo amiino asiidhyadu isugu xigxigaan. Isku taxiddan waxaa hormeeya molikuyuullo waaweyn oo la yiraahdo asiidh bu’eedyo, lagana helo bu’da unugga.

Asiidh bu’eedyadu waa laba nooc:

1. DNA (deoxyribonucleic acid; dhii-en-eey): waxa ay haysaa xogta raaybosoomku adeegsado ee u sheegaysa sidii uu isugu xejin lahaa amiino asiidhyada. DNA-du waxa ay xukuntaa qaabka noolaha iyo hawlaha uu qabto. Sidaas oo kale, waa alaabta waalidku u gudbiyaan tafiirtooda, waxa ayna ka kooban tahay hiddesideyaal (genes; jiinis).

2. RNA (ribonucleic acid; aar-en-eey): waa xiriirka u dhaxeeya DNA-da iyo raaybosoomyada sameeya borotiinka. RNA-du xogta ayaa ay ka soo minguurisaa DNA-da waxa ayna u gudbisaa raaybosoomyada oo xogtaa u adeegsada samaynta borotiinnada.

Faahfaahinta asiidh bu’eedyada oo intan ka badan meesheeda ayaa aan ugu tegaynaa.

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *