Hordhac

Ku Saabsan

Baahida

Goob kasta oo lagaga hadlayo waxbarashada Soomaaliyeed waxaa khasab ah in la soo hadalqaado dhibaatada ka taagan manhaj la’aanta haysata dugsiyadeenna. Maanta waxaa la qiyaasaa in ilaa 10 manhaj oo kala duwan, lagana soo dhoofiyey waddamo kale, lagu dhigo dugsiyadeenna. Dedaal badan oo lagu raadinayo manhaj midaysan kuna qoran af Soomaali ayaa jira, laakiin ilaa hadda lagama midha dhalinin.

Mar kasta waxaa la soo hadalqaadaa dhibaatooyinka ay sababto manhaj la’aanta inna haysataa.  Maanta waxaa la qiyaasayaa in toban manhaj wax ka badan oo laga soo raray waddamo iyo qowmiyado kale lagu dhigo dugsiyada Soomaaliya.  Nasiib-wanaag waxaa jira dedaal badan oo lagu raadinayo manhaj midaysan kuna qoran af Soomaali, laakiin ilaa hadda lagama midha dhalinin, wax la taaban karaana kama soo bixin.

Manaahijtu sidoodaba waxa ay ka turjumaan dadka samaystay mabaadii’dooda nolaleeda, diimeed, dhaqan iyo siyaasadeed. Dadkaasi waxa ay ka rumaysan yihiin noolashooda, naftooda iyo dadyowga kale ayuu manhajku muraayad u yahay, waxa ay qaddariyaan iyo wax ay qiimeeyaan buu samada geeyaa waxa lidka ku ah na  wuu hoosaasiyaa.   Manhajku wuxuu ardayga ku barbaariyaa sooyaalka, hiigsiga iyo himilada umaddiisa. Haddii Dhii-en-eygu (DNA) dhaxalsiiyo caruurta muuqa, garaadka iyo dhaqanka waalidkood, waxa uu manhajku dhaxalsiiyaa islamarkaana ka dhigaa caruurta kuwa waalidkood la aragti ah, la dhaqan iyo siyaasad ah.  Si kooban: manhajku waa jiheeyaha iyo qaabeeyaha hab-fikirka jiilka berri. Sidaa darteed ayeysan marnaba suurtagal u ahayn in umadd kale laga soo rarto manhaj. Maxaa yeelay, waxa ay ka dhigan tahay oo kale adiga oo ku tallaalay jiilkeenna berri mabaadii’dii iyo siyaasadihii ummadaha kale. Waxaa lamahuraan ah in dad kastaa gacantooda ku samaystaan manhajkooda, kuna saleeyaan diintooda, dhaqankooda iyo hab-nololeedkoodaba.

Xalka

Waxa aan marnaba laga fursanaynin in la diyaariyo manhaj ama manhajyo waddani ah, oo aan dibadda laga soo dhoofinin. Waxaa loo baahan yahay manhaj Soomaali ah oo ka shidaal qaadanaya aragti-nolaleedka, dhaqanka iyo waxyaabaha kale ee Soomaalida u gaarka ah. Alle waxa uu innagu galladaystay af innoo gaar ah oo hodan ah, ayna tahay in aynu kobcinno oo aynu dhawrno siijiritaankiisa. Sidan maanta jirta haddii aynu ku sii soconno waa aynu waayeynaa afkaas, taasina waxa ay keeni kartaa dadnimadeenna iyo jiritaankeenna oo aynu weyno.

Waddamada Yurub intooda badan, Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed, iyo waddamada kale ee adduunka intooda badani waxa ay ardayda dugsiyada wax ku baraan afafkooda. Ardaydani af Ingiriisiga maaddo ahaan ayaa ay u qaataan, si fiicanna waa ay ugu hadlaan. Yuhuuddu afkoodii oo sii baaba’ayey ayaa ay soo nooleeyeen oo xitaa jaamacadahooda af Cibri baa in badan lagu dhigtaa, mana aysan saamaynin horumarkooda iyo dhaqaalahooda toona. Jarmalka, Jabbaan iyo Shiinaha oo dhaqaalahoodu aad u sarreeyo af Ingiriisi wax kasta kuma dhigaan’e, afkooda ayaa ay adeegsadaan. Finlaan oo meelaha ugu sarreeya kaga jirta tartammada waxbarashada ee caalamiga ah, afkooda Finishka ayaa ay wax ku bartaan. Haddaba, ma jiraan wax innoo diidaya in aynu dhallaankeenna ku barbaarinno afkoodii hooyo, kaas ayaana u wanaagsan koboca garaadkooda iyo fahanka maaddada ay dhiganayaanba. Islamarkaana waxa ay maaddo ahaan u qaadanayaan afafka Carabiga iyo Ingiriisiga, iyo kuwii kale ee waxtar u lehba.

Faa’iidada kale ee ku jirtaa waxa ay tahay in ay fududaynayso helitaanka macallimiin dabooli kara baahida ba’an ee ka jirta tirada macallimiinta ee yar. Maxaa yeelay, in macallinku ku tababarto afkiisa ayaa uga fudud in uu af kale oo uusan si fiican u aqoonin ku tababarto, waxna ku dhigo.

Garanuug waxa ay ku hawllan tahay sidii ay dibuhabayn iyo horumarin ugu samayn lahayd manhajkii hore, ayna u soo saari lahayd buugaag dugsiyeed manhajkaas ku dhisan oo tayo sare leh.

Astaamaha Buugaag Dugsiyeedyadan

Buugaagtan qaybahooda badani waxa ay ku salaysan yihiin oo asaas u ah manhajkii ay abaabushay dawladdii kacaanku todobaataneeyadii ilaa dabayaaqadii siddeetamaadkii qarnigii tagey, ee uu daabacay Xafiiskii Manaahijta ee Wasaaraddii Waxbarashada iyo Barbaarinta. Waxa aanu ku samaynay horumarin badan, sida sawirro iyo jaantusyo midab leh aadna heerkoodu u sarreeyo. Meelaha qaarkood waxa aanu dibushaandhayn ku samaynay sida cutubyadu u kala horreeyaan, si fahankoodu ardayga ugu fududaado.

Muddada afartanka sano ku dhow ee ka soo wareegtay qoritaankii buugaagta manhajkii hore, wax badan ayaa isbeddelay, aqoon cusub oo badan ayaa la daahfuray, mid hore loo haystayna waa laga tagey markii ay caddaatay in laga saxsan yahay. Sidaas awgeed, aqoonta manhajkan ku xusani waa mid wakhtiga la socota, wixii dib iska beddelana la sixi doono wakhtigeeda. Waxa aanu xoogga saarnay aragtiyaha asaasiga ah iyo qawaacidda gundhiga ah ee aan marnaba laga maarmaynin, si ardaygu u yeesho aqoon iyo fahan qotodheer.

In kasta oo aannu aaminsannahay in buugaagtu afkeenna ku qornaadaan laguna barto, afafka kalena sidooda ardayga loo baro, waxaa jira maaddooyin aan afaf kale looga maarmaynin. Tusaale ahaan, maaddooyinka diinta la xidhiidha, sida tafsiirka, fiqhiga, xadiiska, iwm, waxa aan looga maarmaynin ereyo badan oo af Carabi ah oo ay tahay in uu ardaygu yaqaanno, fahansanyahayna macnahooda. Sidaas oo kale, sayniska iyo xisaabta iyo maaddooyin kaleba waxa uusan ardaygu ka maarmaynin eraybixintooda af Ingiriisiga ah. Sidaas awgeed, in kasta oo aan adeegsanayno eraybixin af Soomaali ah marka ay suuragasho, waxa aan islamarkaana raacinaynaa eraybixintii afka “asalka” ah oo uu la socdo dhawaaqeedii oo af Soomaali ah. Tani waxa ay ardayga u suuragelinaysaa in uu waxbarashadiisa si fudud ugu sii wadan karo afafka kale marka uu gaadho heer jaamacadeed.

Qaybta hore ee mashruucan waxaan hawshayada ku koobnay maaddooyinka sayniska iyo xisaabta dugsiga sare, fiqhiga, cilmiga xadiiska, suugaanta iyo dhawr maaddo oo soo raaca. In kasta oo sayniska, xisaabta iyo suugaanta in badani tahay qoraal cusub, meelaha qaarkood waxa aan sidoodii ugu darnay qaybo ka mid ah manhajkii hore, kaas oo asaas u ah buugaagtan. Maxaa yeelay, meesha in aan ka saarno ma rabno ee waa dibuhabayn, qurxin, fududaynta fahmiddiisa iyo soosaariddiisa mar labaad maadaama ay adag tahay in la helo. Run ahaantii, waxa uu ahaa manhaj aad u qiimo badan, waddamo badanina aysan weli haysanin wax u dhigma. Yoolkayagu waa in arday kastaa haysto buugaagta uu u baahan yahay. Maaddooyinka diinta la xidhiidha waa aanu ku soo kordhinnay, waana qoraal wada cusub oo aan la xidhiidhin manhajkii hore.

Waxa aan ku dedaalnay intii karaankayaga ah in xogta buuggaatan ku qoran iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin ay la heer ahaadaan aqoonta ay qaataan ardayda heerkan waxbarasho joogta ee waddamada dhaqaale ahaan horumaray (sida dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska), iyada oo aan xaaladda dalka ka ambaqaadayno, si aqoonta aan soo gudbinaynaa ay u noqoto mid waxtar u leh dadka iyo dalkaba. Intaa waxaa dheer, buug walba oo taxanahan ka mid ahi waxa uu wadan doonaa laylisyo iyo tijaabooyin la socda casharrada buuggu ka kooban yahay, si aysan aqoontani u noqonin aragtiyo keli ah ee ay ardayda u dhaxalsiiso qaab feker toosan iyo khibrad xirfadeed oo wax lagu qabsan karo.

Ku Saabsan Ereybixinta Buuggan

Ereybixinta buuggan ku qoran waxa ay ka timid buugaag dugsiyeedkii iyo qaamuusyadii ereybixineed ee ay diyaarisay wasaaraddii waxbarashadu siddeetameeyadii. Iyada oo ay taasi jirto, waxaa muuqata in ereyada qaarkood ay u baahan yihiin dib u eegid. Ereyadaas waxaa ka mid ah:

Sida buugaagtii hore ku qoran, erayga “moqor” waxa uu ku beegan yahay erayga “vesicle” oo ah xuub yar oo hoor iyo wax la mid ahi ku jiraan, kaas oo ay unugyadu u adeegsadaan qaab la mid ah adeegsiga bacaha aynu alaabta ku qaadanno. Qaamuuska af Soomaaliga ee Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iyo Annarita Puglielli waxa uu ereyga “moqor” u qeexayaa sidatan:

“Moqor m.l (-rro, m.dh) 1. Dalool yar oo jirridaha dhirta waaweyni yeelato oo kolkii biyaha roobku galaan dhuuno lagaga cabbo. 2. Dululaati hulan oo ku dhex jira jidh adag.”

Waxaa jira erey kaga habboon buuxinta booskaas, waana ereyga “xashin”. Sidaas awgeed, buuggani ereyga “vesicle” waxa uu ku Soomaaliyeeyey “xashin”, kaas oo uu qaamuusku u fasirayo sidan:

“Xashin m.dh (-imo, m.l) Maqaar harag ari oo laysku tolay ka samaysan oo lagu kaydiyo abuurka birqalaxda iwm.”

Isla sidan ayaa buugaagtii hore waxa ay ereyga “vacuole” ku beegeen ereyga “dalool”. In kasta oo uu yahay dalool hulan oo xuub ku wareegsan yahay, shaqada uu qabto ee kaydinta biyaha iyo wixii la mid ah ayaa ereyga “vacoule” ka dhigaysa mid ku beegmi kara ereyga “moqor”. Sidaas awgeed, buuggani waxa uu “vacuole” ku beegayaa ereyga “moqor” oo kaga habboon kii hore ee ahaa “dalool”.

Waxaa jira labo erey oo aan ereybixintii hore ku jirin, kuwaas oo aannu ereybixin cusub u samaynay. Ereyga “stroma” waxa aannu ku beegnay ereyga af Soomaaliga ah ee “axal”, ereyga “granum” isagana waxa aannu u adeegsannay ereyga “raso”.

Ku noqo TUSMADA

Print Friendly

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *