[1101]
Haddii uu qof yidhaahdo: Waxaad keentaa war ay ku caddahay (nas) ama tusinaya oo laga dheehan karo (dilaalah), ama ijmaac la isku raacay, oo xujo u ah halka qofka ee keligii ah waxa uu soo wariyo in la aqbalayo oo uu yahay arrin sugan oo jira.
Sufyaan wuxuu nooga warramay Cabdilmalik ibnu Cumayr oo ka warinaya Cabdiraxmaan ibnu Cabdillaahi oo ka soo warinaya aabbihii Cabdillaahi ibnu Mascuud, in uu Nebigu yidhi: “Alle ha nuuriyo addoon maqlay odhaahdayda oo intuu xifdiyay, weeleeyay, sii gudbiyay. Waxaa badan fiqi-side aan faqiih ahayn, waxaana badan mid fiqi u sida cid ka faqiihsan. Qalbiga Muslimku saddex ma naco (ama: ma khiyaano): inuu Alle camalka u badhaxtiro, inuu Muslimiinta u naseexeeyo (daacad u ahaado), iyo inuu laasimo jamaacadooda – ducadooda oo hareeraynaysa awgeed [Taas oo ka dhowraysa dhagarta shaydaanka iyo baadiyoobidda].”
«نَضَّر الله عبداً سمع مقالتي فحفظها ووعاها وأدَّاها، فرُبَّ حاملِ فقهٍ غيرِ فقيهٍ، ورُبَّ حامل فقهٍ إلى من هو أفقهُ منه. ثلاثٌ لا يَغِلُّ عليهنَّ قلبُ مسلمٍ: إخلاصُ العمل لله، والنصيحةُ للمسلمينَ، ولزومُ جماعَتِهم، فإنّ دعوتَهم تُحِيطُ من ورائِهم.»
[1103]
Markii Rasuulkii Alle uu qofka isaga ka sii warinaya ku dhiirrigaliyay maqlidda odhaahdiisa, xifdinteeda, iyo sii gudbinteedaba, qofkuna waa hal keli ah e — taasi waxay muujinaysaa in uusan farayn in laga sii gudbiyo wax uusan xujaysan karin qofkii loo sii gudbiyay. Maxaa yeelay, waxa laga gudbinayaa waa xalaal, waa xaaraan laga dheeraanayo, waa xad la oogayo, waa maal iyo hanti la qaadayo oo la sii bixinayo, waa nasiixo diimeed iyo mid adduunyo.
Waxaa kale oo uu xadiisku muujinayaa inuu fiqhiga xambaari karo qof aan ahayn faqiih, uuna xifdisnaan karo isaga oo aan faqiih ku noqonayn. Rasuulkii Alle inuu faray in jamaacada Muslimiinta la laasimana waxay ka mid tahay waxyaalaha loo xujaysanayo in ijmaaca (wixii ay isku raaceen) Muslimiintu uu, insha Allaah, yahay laasim lagu qasban yahay.
Sufyaan ayaa noo warramay oo yidhi: Saalim Abuu an-Nadr wuxuu iiga warramay inuu maqlay Cubaydallaahi ibnu Abii Raafic oo ka sheegaya Aabbihiis in uu yidhi: Nebigii wuxuu yidhi: “Yaanan arkin midkiin oo ku dangiiga sariirtiisa, oo inta amar amarradayda ka mid ah oo la xidhiidha wax aan reebay ama faray uu u yimaaddo, dabadeed yidhaahda: garan mayno ee wixii aan Kitaabka Alle ka helno ayaan raacaynaa.”
Xadiiskani wuxuu muujinayaa sugnaanshaha warka laga soo tebiyo Rasuulka Alle, iyo in ciddii uu gaadho uu laasim ku yahay oo uu qabanayo, xataa haddii arrinka uu ka hadlayaa uusan xukun ahaan ugu sheegnayn Kitaabka Alle; waana arrin aan meelo kale kaga hadalnay.
Maalik wuxuu nooga warramay Zayd ibnu Aslam oo ka warinaya Cadaa’ ibnu Yasaar: in uu nin dhunkaday xaaskiisi isaga oo sooman. Ka dib ayuu falkaas aad uga murugooday, markaas ayuu xaaskiisi diray inay arrinkaa cid wax ka soo weydiiso, waxayna u tagtay Ummu Salamah — Hooyadii Mu’miniinta. Way u warrantay. Markaas ayay Ummu Salamah tidhi: Rasuulka Alle wuu dhunkadaa isaga oo sooman.
Waxay ku noqotay ninkeedi oo ay u warrantay, warkii ayaase uga sii darayba! Wuxuuna yidhi: Ma nihin Rasuulka Alle oo kale, Alle ayaa Rasuulkiisa u bannaynaya wixii uu doono.
Haweenaydii waxay ku laabatay Ummu Salamah, waxayna heshay Rasuulkii Alle oo la jooga. Rasuulkii Alle wuxuu yidhi: Haweenaydan xaalkeedu waa sidee? Way u warrantay, markaas ayuu yidhi: Maad u sheegtid inaan sidaa sameeyo! Waxay tidhi: Waanba u sheegay markaas ayay ninkeedi aadday oo ay u sheegtay wuuna ka sii daray, wuxuuna yidhi: Ma nihin Rasuulka Alle oo kale, Alle ayaa Rasuulkiisa u bannaynaya wixii uu doono.
Markaas ayaa Rasuulkii Alle cadhooday, dabadeedna wuxuu yidhi: “Wallaahi anigaa idiin ku Alle-cabsi badan, idiin kuna aqoon badan xuduuddiisa.”
Waan maqlay cid xadiiskan xidhiidhinaysa, mase xusuusto ciddii xidhiidhisay. [Cadaa’ ibnu Yasaar dhacdada ma joogin ee ninkii ay ku dhacday ayaa u sheegay, sida diiwaannada kale ku cad, silsiladda warintuna sidaas ayay ku xidhiidhsan tahay.]
[1111]
Hadalka Nebiga, sallallaahu calayhi, ee “Maxaad ugu sheegi wayday inaan sidaa sameeyo?”, wuxuu ina tusinayaa in warka Ummu Salamah keligeed ay isaga ka wariso uu ka mid yahay waxyaalaha ay bannaan tahay in la aqbalo. Maxaa yeelay, ma uusan fareen inay Nebiga ka warranto haddii cidda ay u warrantay aysan warkaa xujaysan karin. Ninkaas xaaskiisa warkeeduna waa isla sidaas, maadaama ay agtiisa runsheeg ka tahay.
***
Maalik wuxuu nooga warramay Cabdillaahi ibnu Diinaar oo ka warinaya Cabdillaahi ibnu Cumar inuu yidhi: Iyada oo dadkii reer Quba ay salaaddii Subax ku jiraan, ayaa qof u yimid wuxuuna yidhi: Rasuulkii Alle waxa lagu soo dejiyay Quraan, waxaana la faray inuu u jeesto Qiblada ee u jeesta (ama: markaas ayay u jeesteen) — dhanka Shaam ayay u jeedeen ee waxay u wareegsadeen Kacbada.
Reer Quba waxay ahaayeen dad mar hore soo islaamay (saabiqiin) [oo aan Diinta ku cusbayn] oo Ansaar ah, fiqhi iyo fahanna Diinta u lahaa. Waxayna u sii jeedeen qiblo Alle ku faralyeelay inay u jeestaan.
[1115]
Umana bannaanayn inay ka tagaan faralkii Alle ee qiblada iyaga oo aan u haysan wax la xujaysan karo, aanna la kulmin Rasuulkii Alle, oo aan maqlin wixii Alle ku soo dejiyay ee ku saabsanaa wareejinta qiblada. Haddii ay sidaa samayn lahaayeen waxay noqon lahaayeen kuwo qiblada cusub ugu jeesanaya Kitaabka Alle iyo Sunnada Nebigiisa oo ay ka maqleen Rasuulkii Alle. Mana aysan ku jeesan war dad badan u keeneen, ee waxay faralkii saarnaa kaga guureen warka hal qof, maadaama uu agtooda ka ahaa runsheeg. Faralkii horana waxay uga tageen warkii uu uga sheegay Nebiga ee kaga soo cusboonaaday wareejinta qiblada.
War loo keenay dartiina falkaa ugu ma aysan kaceen, insha Allaah, haddii aysan ogaan lahayn inay xujadu ku sugnaanayso warkaas oo kale — haddii wariyuhu uu ka mid yahay ahlu sidqiga.
Sidaa oo kalana, arrin sidan u weyn diintooda kuma aysan soo kordhiyeen haddii aysan ogaan lahayn inay samayntiisu u bannaan tahay. Waxaana hubaal ah inay Rasuulkii Alle uga warramayeen wixii ay sameeyeen [Haddii ay qalad sameeyeenna wuu sixi lahaa].
Haddii warkii ay aqbaleen ee wareejinta qiblada — kaas oo faral ku ah — ee halka qof uu ka soo wariyay Rasuulka, uu ahaan lahaa wax isaga bannaan uun [ee uusan waajib ku ahaan lahayn], Rasuulkii Alle wuxuu ku odhan lahaa, insha Allaah: Qiblo ayaad u jeeddeen, mana ahayn inaad ka tagtaan ilaa aad ku ogaataan si xujo iyo caddayn idiin noqon karta, taas oo noqon kartay inaad aniga iga maqasheen, ama aad ku hesheen dad badan warkooda, ama [ugu yaraan] wax ka badan war hal qof iga warramay.
***
[1121]
Maalik wuxuu nooga warramay Isxaaq ibnu Cabdillaahi ibnu Abii Dalxah oo ka warinaya Anas ibnu Maalik in uu yidhi: “Waxaan Abuu Dalxah, Abuu Cubaydah ibnul Jarraax, iyo Ubay ibnu Kacab u shubayay cabbitaan ka samaysan fadiikh iyo timir. Markaas ayaa qof u yimid oo ku yidhi: Khamrigii waa la xaaraameeyay.
Abuu Dalxah ayaa yidhi: Kac Anasoow aashuunnadan jabi. Markaas ayaan qaaday tib/kal aan lahayn oo aan salka kaga dhuftay ilaa ay jabeen.”
Saxaabadani heerka ay cilmiga ka joogaan, maqaamkii ay Nebiga agtiisa ku lahaayeen, iyo saxaabinnimadoodi horreysay — intaasba caalim inkirayaa ma jiro. Haddaba, cabbitaanku agtooda wuxuu ka ahaa xalaal oo way cabbayeen. Markii qof u yimid ee uu u sheegay xaaraamayntii khamriga, ayaa Abuu Dalxah (oo ahaa qofkii aashuunnada lahaa) amray jabinta aashuunnada. Abuu Dalxah iyo kuwii kale midna ma odhan: Annagu xalaalaysigeeda ayaan ku joogaynaa ilaa aaan la kulanno Rasuulka Alle, marba haddii u noo dhow yahay, ama waxaan sugaynaa inta aan war ka helayno dad badan.
[Intaa waxaa dheer] in aysan daadiyeen xalaal ay daadinteedu israaf tahay, iyaga oo aan israaf dhaqan u lahayn.
Waxaa iyaduna hubaal ah inay Rasuulkii Alle u sheegayeen wixii ay sameeyeen. Haddii warkii halka qof ay ka aqbaleen uusan u bannaanaynna, Rasuulkii Alle wuu ka reebi lahaa inay aqbalaan.
Rasuulkii Alle isagaaba hal saxaabi keligiis u diray inuu xujun rajmin ah ku soo fuliyo haweenay sino lagu soo sheegay, wuxuuna ku yidhi: “Haddii ay qirato rajmi.” Markii ay qiratayna wuu rajmiyay.
***
[1127]
Cabdulcasiis wuxuu nooga warramay Ibnul Haad oo ka warinaya Cabdillaahi ibnu Abii Salamah oo ka warinaya Camr ibnu Sulaym az-Zuraqi oo Hooyadii ka warinaya inay tidhi: “Annaga oo Mina joogna ayaa waxaa noo yimid Cali ibnu Abii Daalib oo awr saaran oo leh: Rasuulkii Alle wuxuu leeyahay: ‘Maalmahani waa maalmo cunto iyo cabbitaan ee yaan qofna soomin.’ Cali isaga oo awrkiisi saaran oo intaa ku dhawaaqaya ayuu dadka dabo socday.”
Rasuulka Allana waxa uu dadka ka reebayo lama direen hal qof oo runsheeg ah, haddii aysan qabanayn dadka loo diray, warka uu Nebiga uga sheegayna uusan laasim ku noqonayn oo aysan rumaysanayn waxa uu ku yidhi Nebigaa reebay.
Rasuulka Allana wuu awooday inuu xujaajta u yeedho oo uu afkiisa uga sheego, ama uu dhawr qof oo farriinta gaadhsiiya u diro. Wuxuuse u diray hal qof oo ay ku yaqaanneen runsheegnimo. Amarkiisana hal qof uma dhiibeen haddii cidda uu u diray aysan xujadu ugu oogmayn inay ka aqbalaan warkii uu uga sheegay Rasuulka Alle.
Haddii arrin sidaas yahay, oo iyada oo uu Nebigu awooday in uu koox u diro uu hal qof ku gaabsaday, iyaga oo la kulmi karayna aysan isku hawlin, ee qofkii loo soo diray ay aqbaleen, ciddii ka dambaysa ee aysan u suuragalayn wixii saxaabada u suuragalay, ayaa ka mudan inay xujaystaan warka qofka runsheegga ah.
***
[1132]
Sufyaan wuxuu nooga warramay Camr ibnu Diinaar oo ka warinaya Camr ibnu Cabdillaahi ibnu Safwaan, oo ka warinaya abtigii oo la yidhaahdo Yaziid ibnu Shaybaan, in uu yidhi: “Annaga oo joogna meel aan ka degganayn Carafah (waa meel uu Camr ku sheegay inay halkii imaamku joogay aad uga fogeyd) ayaa waxaa noo yimid Ibnu Mirbacii Ansaariga ahaa, wuxuuna nagu yidhi: Waxaan ahay ergeygii Rasuulka Alle idiin soo diray ee wuxuu idin farayaa inaad halkiinnan mashcarka ah ku sugnaataan; waxaadna ku taagan tihiin dhaxal ka tirsan dhaxalkii aabbihiin Ibraahiim.”
Rasuulkii Allana wuxuu Abuu Bakar u diray inuu guddoomiyo xajkii sannadkii sagaalaad, waxaana Abuu Bakar xajkaa ugu yimid dad ka yimid degaanno kala duwan, iyo shucuub kala geddisan, oo uu u sameeyay manaasiktoodi (acmaashii xajka), wuxuuna Rasuulkii Alle uga sheegay wixii ay xaq u leeyihiin iyo wixii iyaga lagu leeyahayba.
Isla sannadkaasna wuxuu diray Cali ibnu Abii Daalib, oo dadkii oo Maalinkii Gawraca kulansan ku akhriyay aayado ka tirsan suuradda Baraa’ah (Tawbah). Dad heshiis lagu la jirayna wuxuu ogeysiiyay dhammaadkii heshiiska, muddooyinna wuu u qabtay, waxyaalana wuu ka reebay [inaan mar dambe mushrik soo xajin karin, inaan qaawanaan lagu dawaafi karin, afar bilood oo nabad ah ayay haystaan wixii ka dambeeyana waa dagaal].
Reer Makah waxay Abuu Bakar iyo Cali ku yaqaanneen fadli, diin, iyo runsheegnimo. Qofkii xujaajta ka mid ah ee aan labadooda ama midkood aqoonna wuxuu helayay cid uga warranta runtooda iyo fadligooda.
Rasuulkii Allana ma direen hal qof iyada oo warkiisa aysan xujo ugu oogmayn cidda loo diray, insha Allaah.
[1137]
Wuxuuna Nebigu shaqaale u kala diray degaanno, oo waxaan naqaannaa magacyadii shaqalahaas iyo meelihii loo dirayba. Tusaale ahaan, Qays ibnu Caasim, Zibirqaan ibnu Badr, iyo Ibnu Nuwayrah ayuu u diray reerahoodi maadaama tolkood yaqaanneen kuna kalsoonaayeen. Wafdigii Baxrayn ee Madiinah yimidna markii ay dadkii kala barteen wuxuu ku daray [Abaan] Ibnu Saciid ibnul Caas.
Mucaad ibnu Jabalna wuxuu u diray Yaman, wuxuuna faray inuu cidda raacda u adeegsado la dagaallanka kuwa diida, uuna baro wixii Alle ku faralyeelay, kana qaado wixii Alle ku waajibiyay. Sababtuna waa inay Mucaad yaqaanneen, oo uu agtooda maqaam ku lahaa, iyo weliba runsheegnimadiisi.
Qof kasta oo uu xil u dhiibayna wuxuu amray in cidda loo diray uu ka qaado wixii Alle ku waajibiyay. Umana aragno qof uu u yimid qof ahlu sidqiga ka mid ah inay u furan tahay inuu yidhaahdo: Keligaa ayaad tahay, xaqna uma lihid inaad naqa qaaddid wax aannan maqlin Rasuulkii Alle oo sheegaya in nalagu leeyahay.
Umana malaynayo inuu u diray meel laga yaqaan, oo ay runsheegnimo caan kaga yihiin haddii aysan ahayn in iyaga oo kale ciddii loo diro ay xujadu ugu oogmayso [oo ay rumaysanayaan].
[1144]
Waxaana middan u dhigma oo la hal ah amiirradii duullaannadii (saraayaa; سرايا) uu dirayay Rasuulkii Alle. Wuxuu diray duullaankii Mu’tah oo uu madax uga dhigay Zayd ibnu Xaarithah, wuxuuna yidhi: “Haddii la dilo Jacfar baa ku xiga, haddii la dilana Ibnu Rawaaxah.” Ibnu Unaysna keligii ayuu sariyo ahaan u dirayba.
Madaxdaas oo dhan waxay xaakim iyo taliye ka ahaayeen wixii loo diray, maadaama laga rabay inay Diinta u soo bandhigaan ciddii aysan dacwadu gaadhin, ciddii dagaalkoodu bannaanaadana ay la diriraan. Guddoomiye iyo taliye ciidan kasta oo uu dirayna sidaas ayay ahaayeen [oo hal ayuu dirayay].
Inuu diro labo guddoomiye ama saddex ama afar iyo ka badanba, suuragal ayay u ahayd. Sannad keli ah ayuuba diray labo iyo toban ergey oo uu u kala diray labo iyo toban boqor isaga oo ugu yeedhaya Islaamka.
Sidii uu xulashada amiirrada ugu dedaalayay ee uu uga baaraandegayay ayuu xulashada ergadana ugu dedaalay inay ahaadaan dad la yaqaan, oo tusaale ahaan Dixyah wuxuu u diray dhankii laga yaqaannay [ee Shaam].
[1150]
Haddii qofka loo diray uu ergeyga garan waayo, waxaa la gudboonayd inuu caddayn u raadiyo in Nebigu soo diray, si uu warka ergeyga shakiga uga saaro. Ergeygana waxaa saarnayd inuu sugo inta qofka loo diray shaki baxayo [ee uu qancayo].
Qoraalladii Rasuulka Allana waxay gaadhayeen guddoomiyayaashiisi iyaga oo siday amar iyo nahyi. Midkoodna uma bannaanayn inuu ka tago fulinta amarka Rasuulka Alle. Rasuulkuna ma diraynin ergey cidda uu u dirayaa [aysan ku kalsoonayn oo] aysan runsheeg ku aqoon. Qofka loo diray haddii uu u baahdo inuu iska hubiyana wax sahlan ayay ahayd.
Haddii uu qoraalkii shaki ka galo, oo qoraalkii isbeddel ku yimid ama ay jirto xaalad muujinaysa tuhun, taas oo ka dhalatay mooganaanta ergeygii qoraalka siday, waxaa laga rabay inuu raadiyo xaqiiqada wixii uu ka shakiyay si uu u fuliyo wixii uu xaqiijiyay in uu yahay amarkii Rasuulka Alle.
Rasuulkii Alle ka dibna qoraalladii khulafadiisa iyo shaqaalahoodina sidaas uun bay ahaayeen [oo hal qof ayaa qaadayay].
Waxaa iyaduna jirta inay Muslimiintu isku raaceen in khaliifku mid ahaado, qaadigu mid ahaado, amiirku mid ahaado, imaamkuna mid ahaado. Sidaa awgeed, waxay khaliif ka dhigteen Abuu Bakar, ka dibna Abuu Bakar wuxuu khaliif ka dhigtay Cumar, oo isna magacaabay Ahlu-Shuuradii si ay mid isaga dhex doortaan — Cabdiraxmaan baana doortay Cusmaan ibnu Cafaan.
[1156]
Madaxduna, qaadi iyo mid kalaba, wax bay xukumayaan xukunkooduna wuu fulayaa oo wuu meelmarayaa, xuduuddana way oogayaan, ciddii dabadood timaaddaana way fulinaysaa wixii ay xukumeen; wixii ay xukumeenna waa warar laga soo tebiyay [markan ciddii ka dambaysay ay fulinayso].
Arrimahaas aan soo tilmaamay ee ka mid ah Sunnadii Rasuulka Alle iyo wixii ay Muslimiintu isku raaceen, waxaa ku sugan caddaynta inuu farqi u dhexeeyo markhaatiga (ash-shahaadah), warka (al-khabar), iyo xukunka (al-xukm).
Miyaadan arkayn arrinka uu qaadigu nin ugu xukumo nin kale in uu yahay war uu ka sheegayo caddayn agtiisa ku sugnaatay, ama qirasho ka timid garrame agtiisa ku qirtay, uuna sidaa xukunkii ugu meelmariyay? Markii ay warkiisa dartii qasab ugu noqotay inuu xukunka ku meelmariyo wixii uu ogaaday, waxay ka dhigan tahay isla macnihii cidda ka warramaysa xalaal iyo xaaraan, waxaana saaran inuu ku xalaaleeyo ama xaaraameeyo wixii laga markhaati kacay.
[Taasi waa marka uu isagu gartii qaadayo. Waxaana saaran, oo qasab ku ah, inuu xukunka rido isaga oo ku salaynaya wixii uu ka ogaaday markhaatigii ama qirashadii. Waxaase jirta mar uusan ku qasbanayn, sida soo socota. Khabarkuna ma lahan farqigan oo kale.]
[1159]
Haddii qaadi aan dacwad loola tagin ay agtiisa markhaatiyo nin ku maragfuraan, ama garrame agtiisa ku qirto, kuma qasbana in uu arrinkaa xukumo. Sababtuna waa inaan isaga dacwad loola iman, amaba cid kale gartu la taallo … qaadigaasi garsoore kale agtiisa wuxuu ka noqonayaa markhaati (shaahid), oo lama aqbalayo — qaadi ha ahaado ama yuusan ahaan e — isaga oo aan wadan markhaati kale. Waana isla sida haddii uu ka maragfuri lahaa cid kale agteeda aan loo aqbali lahayn markhaati labaad la’aantii, loogana dalbi lahaa: ‘cid kale keen’. Qaadigaa kale ee dacwadda hayaana awood uma laha, haddiiba qaadigani markhaati yahay, inuu meelmariyo markhaatigiisa oo keli ah.
[Qaadigu si kasta oo uu garta u og yahay, haddii uusan isagu dacwadda hayn, waxa uu noqonayaa uun hal markhaati, arrinkii labo markhaati looga baahan yahayna keligii la aqbali maayo oo la odhan maayo waa qaadi.]
QAYBTA XIGTA