Saluugla waxay tiri, waa ruux waaya arag ahayde, “waxaan ku dardaarmayaa laba hale hablahaan weli la guursan iga gaarsiiya. Waxay tiri Guunnimo waa geeri haween, Guur odayna waa geesaas haween” Tii labaad oo la yiraahdo haweeya baa waxay tiri, “naa anigu geesaas iyo meesaas waxba ka garan maayee, waxaad hooyaday ...
Read More »Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 3
Intaanay Cawrali hadalkii bilaabin ayaa wagii sagliyey oo wadaad doonnida saarnaa aadaamay oo yiri, “Allaahu akbar allaahu akbar, ashahadduu an laa Ilaaha Illalaahu wa asahaddu anna muxamadan rasuulalaah, haya calal salaax. haya cala falaax” Markii addankii dhamaaday salaadiina la tukadey waagiina ogtiisii dilaacday, baa Cawrali tiri, “sheekadaas jacaylka ah habeen ...
Read More »Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 2
SAFARKII DOONNIDA IYO KULANKII CAWRALA IYO CALIMAAX Iyagoo sida muuqata, ay kicitaankoodii, noloshoodii, iyo dhulkay ku soo koreen kuna barbaareen Cawrala iyo Calimaax isku mid ahaayeen, ayey doonni ka soo wada raaceen magaalada Cadmeed, isagoo Calina dooyo Daraawiisheed u tegey, Iyana ay ka soo xagaa baxday magaaladaas. Doonnidaas oo la oran ...
Read More »Faarax Maxamed Jaamac Cawl
Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” waa qoraa Soomaaliyeed oo caan ah, kuna dhashay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, taariikhdu markii ay ahayd 1937 kii. Waxbarashada dugsiyada hoose waxa uu kusoo qaatay magaalada Cadan ee dalka Yaman. Sannadkii 1952 kii ayaa uu Hargeysa ku soo noqday, halkaas oo uu ka galay dugsiga ...
Read More »Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 1
ARAR In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi ...
Read More »