Qoraallo

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 6

CAWRALA IYO DUXASHADII JACAYLKA Iyadoo Cawrali isha gelisey Calimaax doornimadiisii ugu horraystii uu doonnida cagta soo saaray markay marsada Cadmeed ka soo fuulayeen, haasaawihiisiina dhegta ka maashay habeenkii iyo maalintii u horreysey, isla markaasna ay u raacdey mahaddiyo abaalkay u haysey badbaadadii uu ka soo badbaadiyey baddii markay doonnidii la ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 5

Waxaa jirtay inay dhowr jeer ilbidhiq ku arkeen markay mawjaduhu is gedgediyaayeen meel cabbaar u jirta ee ka yar horraysa waxay u maleeyeen madaxyo dad, oo qoryo ku jooga lagana yaabo inay ahaayeen dadkii doonnida kula jirey qaar ka mid ah. Cawralaa markaas weydiisey Calimaax, waxayna ku tiri, “Caliyow ma ...

Read More »

Abaalmarinta Buugga- Xog Guud

Garanuug waxa ay sannadkiiba mar qabanaysaa tartan buugeed oo lagu abaalmarinayo qorayaasha Soomaaliyeed ee af-Soomaaliga wax ku qora. Abaalmarintani waa labo qaybood: qoraal jiraal (non fiction) ah iyo qoraal sheekofaneed (fiction) ah. Si uu tartanku u qabsoomo waa in ay ka qaybqaataan ugu yaraan afar (4) buug oo labo ba ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 4

Saluugla waxay tiri, waa ruux waaya arag ahayde, “waxaan ku dardaarmayaa laba hale hablahaan weli la guursan iga gaarsiiya. Waxay tiri Guunnimo waa geeri haween, Guur odayna waa geesaas haween” Tii labaad oo la yiraahdo haweeya baa waxay tiri, “naa anigu geesaas iyo meesaas waxba ka garan maayee, waxaad hooyaday ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 3

Intaanay Cawrali hadalkii bilaabin ayaa wagii sagliyey oo wadaad doonnida saarnaa aadaamay oo yiri, “Allaahu akbar allaahu akbar, ashahadduu an laa Ilaaha Illalaahu wa asahaddu anna muxamadan rasuulalaah, haya calal salaax. haya cala falaax” Markii addankii dhamaaday salaadiina la tukadey waagiina ogtiisii dilaacday, baa Cawrali tiri, “sheekadaas jacaylka ah habeen ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 2

SAFARKII DOONNIDA IYO KULANKII CAWRALA IYO CALIMAAX Iyagoo sida muuqata, ay kicitaankoodii, noloshoodii, iyo dhulkay ku soo koreen kuna barbaareen Cawrala iyo Calimaax isku mid ahaayeen, ayey doonni ka soo wada raaceen magaalada Cadmeed, isagoo Calina dooyo Daraawiisheed u tegey, Iyana ay ka soo xagaa baxday magaaladaas. Doonnidaas oo la oran ...

Read More »

Xuseen iyo Xusuustii Qaadka

Xuseen waxa uu waxbarashadiisii ka hadhay ka hor inta aanu u gudbin dugsiga dhexe. Taas oo ay sabab u ahayd duruufo qoys ahaaneed iyo dhibaatooyin ka haystay dhanka wax barashada. Kolkii uu ka saaqidayna wuxuu bilaabay balwado iyo in uu magaalada hab xayraannimo ah kaga xamaasho. Haba xamaasho ma xuma, ...

Read More »

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” waa qoraa Soomaaliyeed oo caan ah, kuna dhashay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, taariikhdu markii ay ahayd 1937 kii. Waxbarashada dugsiyada hoose waxa uu kusoo qaatay magaalada Cadan ee dalka Yaman. Sannadkii 1952 kii ayaa uu Hargeysa ku soo noqday, halkaas oo uu ka galay dugsiga ...

Read More »

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 1

ARAR In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi ...

Read More »

Gud-Yicib

“Adaa karis iyo kulayl ku cunee Kalmoon Yicib kayd ma leeyahay?” Magacyada Af soomaali: Yicib. dad Jicib u qorayana waan arkay. Af ingiriisi: Yeheb. Saynis: Cordeauxia edulis. Yicibku geed ma aha ee waa miro.  Geedka ay mirahaasi ka baxaan waxa la yidhaahdaa “Gud”. Waa geed xor ah (wild) oo cid ...

Read More »

Surud Cad/ Surad Cad

Waa buurta ugu dheer Soomaaliya, waxa ayna ka tirsan tahay buuraha Calmadow. Waxa ay badda ka korraysaa ilaa 2,408 mitir. Waa dhul qaboow oo roob badan. Surud Cad waxay u dhowdahay magaalada Ceerigaabo, Sanaag. Xaaji Aadan Af-qallooc ayaa gabaygiisi Ceerigaabo waxa uu ku yidhi: Mandartiyo25 kamaalkaad26 Lubnaan ugu malaysaaye Manaakh27 iyo hawaba ...

Read More »

Cirjiidh (Jupiter)

Waa meeraha shanaad, uguna weyn bah qorraxeedka. Toddobada meere ee kale oo la isku daray ayaa uu 2.5 jeer ka cuf weyn yahay. Toddobada kaleba gudihiisa ayaa ay geli karaan. Dhulka haddii la barbardhigo, waxa uu qaadi karaa 1300 oo dhul! Dayaxa iyo Waxaraxir (Venus) marka laga reebo, waa jirka ...

Read More »

Bayooloji: Nolol-Aqoon (Biology)

Waa laanta sayniska dabiiciga ah ee la xidhiidha barashada noolaha iyo hababkooda nololeed. Eraygu waxa uu kasoo jeedaa laba eray oo af-Giriig ah oo la israaciyey; bios “nolol”, iyo, ,-logos “barashada”. Maanta laamaha saynisku aad baa ay isugu darsameen, soohdimihii u dhaxayn jireyna waa ay sii baaba’ayaan. Sidaas awgeed, laan ...

Read More »

Fuulay/ Jiiq

Fuulay ama Jiiq (Acacia Zanzibarica) waa geed qodaxle yar, ilaa 9m kor u baxa, lehna qodax toosan, marmar na salka ka buuran, jirriddu marka uu geedku curdun yahay waxa ay leedahay midab cagaar caddaan xigeen ah, marka uu weynaadana isu roga midabka qorfaha, ubaxiisuna waa basali dhalaal ah. Noocyada geedkaan ...

Read More »

Markaan Jannada Galo!!

Sheekhii wuxuu sharraxay, oo kala dhigdhigay, oo uu maskaxdeenna ku sawiray Jannada iyo barwaaqada taalla. Meel gees ah waxay ishaydu qabatay oday gar guduudan oo sanduuqii sadaqada safka hore la dul joogo. Anigu waxaan fadhiyay safka dambe. Saa intaan muxaadaradii dhadhansaday ayaan noqday maqane joogo. Codkii sheekha wuu iga sii ...

Read More »