Maxaa Cusub?

Waxaraxir/ Xiddig Waaberi/ Maqala Xidhxidh/ Sahra (Venus)

Waa meeraha labaad ee bah-qorraxeedka marka dhanka qorraxda laga soo tiriyo. Meerahani waxa uu muuqdaa qorraxdu marka ay dhacdo ama sii dhacayso, waana walaxda ugu iftiinka badan ee cirka ka muuqata. Meerahani waxaa kale oo la arkaa marka waagu dillaaco, oo waxa aynu u naqaannaa xiddigta waaberi. Meerahan iyo dhulku …

Read More »

Suugaan

Hidde ahaan, “suugaan” waa erey tilmaamaya mucda ama bilicda wax aayo leh. Sida ay beeralaydu ereygan u adeegsato, marka la sikilo badarka, budada dhuuxa ah ayaa la yiraahdaa “suugaan.” Isla ereygan sida ay raacatadu u adeegsato, dhul roob ku hooray, oo dhirtii ku beernayd ay qurux iyo qaayo la magooshay, …

Read More »

Dusaa/ Cudaarid (Mercury)

Waa meeraha ugu dhow qorraxda, uguna yar siddeedda meere ee bah-qorraxeedka. Xilliga la arki karaa waa uu kooban yahay oo badanaa qorraxdhaca wax yar kaddib ayaa uu isaguna dhacaa. Waxyar ayaa uu ka weyn yahay dayaxeenna, laakiin oogada waa ay isaga egyihiin. Dusaa ma laha gibil hawo (atmosphere) oo ku …

Read More »