Waxaana uu tusinayaa xataa haddii imaamyada midkood uu hore wax u sameeyay, dabadeedna uu helay war Nebiga ka yimid oo khilaafsan wixii uu sameeyay, in uu falkiisa ka tagayo oo uu qaadanayo warka Rasuulka Alle.
Read More »Soodhoweynta Risaalada
Caddaynta in halka qof warkiisu xujo yahay 1
Haddii uu qof yidhaahdo: Waxaad keentaa war ay ku caddahay (nas) ama tusinaya oo laga dheehan karo (dilaalah), ama ijmaac la isku raacay, oo xujo u ah halka qofka ee keligii ah waxa uu soo wariyo in la aqbalayo oo uu yahay arrin sugan oo jira.
Read More »[Cutubka Warka Hal Qof] 2
Wuxuu yidhi: Maxaad xujo u haysataa inaad aqbashid hal qof warkiisa adiga oo aan oggolayn markhaatiga hal qof keligiis? Sidaa oo kale, maxaad xujo u haysataa inaad xadiiska arrimihiisa intooda badan uga qiyaas qaadatay markhaatiyada, inta kalana aad ku kala soocday xadiiska iyo markhaatiyada?
Read More »[Cutubka Warka Hal Qof]
Qof baa igu yidhi: Ii tilmaan waxa ugu yar ee ay xujadu ugu oogmayso ahlul cilmiga si warku taabbagal ugu noqdo. Waxaan idhi: Waa warka hal qof ka soo tebiyo hal qof oo kale ilaa sidaa lagu gaadhayo Nebiga ama ciddii kale ee uu warku ku arooro.
Read More »