Home / Abaalmarinta Buugga / Abaalmarinta Buugga- Xog Guud

Abaalmarinta Buugga- Xog Guud

Garanuug waxa ay sannadkiiba mar qabanaysaa tartan buugeed oo lagu abaalmarinayo qorayaasha Soomaaliyeed ee af-Soomaaliga wax ku qora. Abaalmarintani waa labo qaybood: qoraal jiraal (non fiction) ah iyo qoraal sheekofaneed (fiction) ah. Si uu tartanku u qabsoomo waa in ay ka qaybqaataan ugu yaraan afar (4) buug oo labo ba ay isku qayb yihiin; isla markaasna buug walba ay ku saxiixan yihiin hal ama labo qoraa.

Natiijada tartankana waxaa go’aankeeda leh garsooreyaal loo igmaday hawshaas, oo aan gorgortan lala gali karin.

Buug kasta waxaa lagu qiimaynayaa tayada qoraalka, murtida iyo xogta uu ku raran yahay, iyo saamaynta uu akhristaha ku yeelan karo. Waxtarka uu buuggu u yeelan karo dadka Soomaaliyeed ayaa qayb weyn ka ah qiimaynta buuggaas. Haddaba, buuggu waa in uu tixgelinayo diinta, dhaqanka iyo garaadka akhristeyaasha Soomaaliyeed.

“U Hiili Afkaaga Hooyo”

Yoolka abaalmarintan ayaa ah in qoraaga la dhiirrigeliyo iyo in la helo qoraallo af-Soomaaliga ku soo baxa oo tayo leh. Waxaa kale oo ay fududaynaysaa in dadku ogaadaan buugaagta qiimaha leh, iyada oo isla mar ahaantaana fududaynaysa helitaankooda. Halkaas oo ay ka dhalandoonto (haddii Alle idmo) in heerka aqris ee bulshadeennu kobco.

Abaalmarinta

Garsooreyaashu qoraha ay u gartaan guusha waxa uu helayaa $1000 (kun-doolar). Iyada oo qoraha kow ka gala sheekofaneedku uu helayo $1000, qoraha kow ka gala qoraal jiraalkuna helayo $1000.

Hannaanka Soogudbinta

Waa in buugaagta tartanka ka qayb galaya ay soo baxeen inta u dhexaysa 1dii Abriil 2016 iyo 31ka Maarso 2017.

Buugaagta waxaa la soo gudbin karaa ugu dambayn 31 ka Maarso 2017. DIB BAA LOO DHIGAY.

Buuggu waa in uusan ka yarayn 50 000 [konton kun] oo eray.

Buugaagta lagu diiwaangeliyey suugaan keligeed ah, riwaayadaha, buugaagta ilmaha loo qoray, kuwa waxbarashada loogu talogalay (textbook) tartanka kama qayb geli karaan.

Heerarka 

  1. Soo diridda qoraalka (submission)
  2. Aqbalidda qoraalka (Acceptance- Garanuug)
  3. Liiska Dheer (long List)
  4. Liiska Gaaban (short list)
  5. Abaalmarinta guuleysteyaasha (award)

Xog dheeraad ah

Mar walba Garanuug waxa ay xaq u leedahay in ay diiddo ka qaybqaadashada buugga haddii ay jiraan sababo macquul ah oo lagu diido, sida: waxyaalaha uu buuggu ka kooban yahay iyo waqtiga nala soo gaarsiinayo ba.

Mar kasta, Garanuug waxa ay xaq u leedahay in ay beddesho xeerarka abaalmarinta markii loo baahdo.

Madbacadda iyo qoraagaba waxaa laga rabaa in ay Garanuug kala shaqeeyaan wixii abaalmarinta la xidhiidha, buugaagta ku guuleystana waa in jaldigooda hore lagu qoraa in ay ku guuleysteen abaalmarintan.

Garanuug ma soo celin doonto buugaagta loo soo diro; waxa ayna kayd ahaan u haysanaysaa hal nuqul oo ka mid ah buug kasta oo tartanka abaalmarineed ka qaybgala.

Sidaas oo kale, dhammaan maktabadaha geyiga Soomaali degto waxaa loo gudbinayaa nuqul ama dhawr nuqul oo buugga ah.

Buugga tartanka ku guuleysta haddii uu san daabacnayn Garanuug ama faafiye ay la shaqaynayso ayaa maalgelinaya daabacaaddiisa (haddii shuruudda lagu heshiiyo).

Xuquuqdu waxa ay u dhawrsan tahay qoraaga.

Garsooreyaasha

Garsooreyaasha gadaal ayaa lagaga dhawaaqi doonaa, haddii Alle idmo.


Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xidhiidh abaalmarin@garanuug.com

Print Friendly

Comments

comments

Check Also

Qaybaha Buugga

Guud ahaan buugaagta waxaa loo qaybin karaa kuwo ka hadlaya wax jira (Jiraal: Non-fiction) iyo ...

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl 13- DHAMMAAD

GEERIDII CAWRALA IYO BAROORDIIQII IYO U DUCAYNTII CALIMAAX Markii Calimaax dhiigkafuqay oo uu ku bogsaday ...

2 comments

  1. Congratulation! Hanbalyo!

    Waa bog (web site) heerka kowaad ah-naqshada(design) iyo nuxurka u sido (content). Waa hubaa in dad badan ka faa’iidaysanayaan, tusaale fiicana u noqonayo.

Leave a Reply to admin Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *